Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: top WFP envoy arrive in capital meet with TFG Generals

Recommended Posts

Wafti WFP oo yimid Muqdisho

16 Jan 16, 2008 - 9:01:55 AM

 

Wafdi ay hoggaminaysay ku xigeenka madaxa Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ee Somalia Ms. Danis Brown ayaa soo gaaray maanta Muqdisho, waxaan kulammo ay la qaateen madaxa nabadsugidda Soomaaliyeed iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.

 

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxay intiisa badan kaga hadleen wafdiga Hay'adda WFP ka socday iyo madxada DF arrimo ku saabsan mucaawinooyinka loogu talogalay in lagu deeqo dadka Soomaaliyeed.

 

Denis Brown oo ahayd madaxa wafdiga ka socday barnaamijka cunnada adduunka oo saxaafadda la hadashay markii uu kulanku dhammaada ayaa sheegtay in wafdigeeda iyo madaxdii ay kulmeen ay isku garteen in dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan la gargaaro; ayna DF qayb lixaad leh ka qaadanayso gargaar gaarsiinta dadka u baahan gargaarka.

 

"Waxaan la kulnnay Gen. Darwiish iyo Gen. Cabdi Qaybdiid, waxaana la yeelannay wadahadalo ku saabsan gargaarka ay WFP keenayso Somalia sidii dadka u baahan lagu gaarsiin lahaa, ayna naga ogolaadeen inay nala shaqeeyaan" ayay saxaafadda u sheegay Ms. Denis Brown.

 

Sidoo kale Denis waxay sheegtay in boqashadoda ay uga dan lahayen inay ogeysiiyan mas'uuliyiinta DF inay howlahooda Somalia sii xoojinayaan, ayna shaqaalahooda kordhin doonaan.

 

WFP iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa dhexmaray khilaaf gaaray meel sare oo ka dhashay gargaarka ay hay'addaas keento Somalia, waxaana dhowr jeer oo hore la xayiray gargaarro ay keentay Somalia iyadoo sidoo kalena xabsiga loo tabaaxay mas'uulka Hay'addaas ee Somalia Mr. Idirs.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wafdi ka socda WFP Oo maanta tagey Magaalada Muqdisho.

 

16. januar 2008

Muqdisho(AllPuntland)- Wafdi ka socda Barnaamijka Cuntada Aduunka Ee WFP ayaa tagey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayagoo wada hadalo la yeeshay Taliyaasha ciidamada Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya.

 

Wafdigan ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay wada hadalo ula yeelan lahaayeen Madaxda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayagoo ay isdhaafsadeen Fikrado kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii looga wada hadlay shirarkii ay yeesheen.

 

Kuxigeenka Barnaamijka Cuntada Aduunka ee WFP arimaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho utagtey sidii ay Talisyada ciidamada dowlada Soomaaliya ugala hadli lahayd ,arimaha Gargaarsiinta dadkii ka tagey magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Saraakiil ka mid ah Wafdiga ayaa tibaaxay in si gaar ah ay uga wada hadleen Masuuliyiinta arinta Wada shaqeynta dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Shaqaalaha WFP ee ka howlgalaya Magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Nabadsugida ee Qaranka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Warsame Darwiish iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa la kulmay Madaxda Wafdigan.

 

Inkastoo aysan jirin cid ka mid ah Labada dhinac oo ka warbixisay waxyaabaha looga wada hadlay shirarkaan ,ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Madaxda WFP ay sheegeen in ay dhawaan gargaarsiinayaan dadkii ka Barakacay magaalada Muqdisho.

 

Kulankaan ayaa ku soo aadaya ayadoo Mudooyinkii ugu danbeeyey ay khilaaf soo kala dhexgaleen WFP iyo Taliyaasha ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,kaasoo ugu danbeyntii sababey in la joojiyo Maraakiib ku socotey Dekeda Magaalada Marka ee Xarunta Shabeelada Hoose.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If only you knew how powerful the NGO's are, I worry about them more than the silly secess.

 

Thus them recognising the soverignty of Somalia is an important step. Indeed a wow moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this