Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Police Detain Murderers of Businessmen Near Gebiley

Recommended Posts

Ciidamada Booliska Somaliland ee ka hawl-gala Degmada Tog-wajaale ayaa abbaaro 5:00 PM galabnimo ee maanta(shalay) gacanta ku dhigay laba ka mid ah nimankii ku laayay afartii nin ee socotada ahaa ee Reer Boorama duleedka Kala-baydh.

 

Wararka naga soo gaadhay Tog-wajaale, ayaa sheegaya inuu labadaasi nine ee gacanta lagau dhigay mid ka mid ahi uu yahay ninka caanka ah ee la yidhaahdo Qarxiye, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa nimankii gaystay falkaasi oo ay Ciidamada Boolisku ku daba jireen tan iyo intii uu falkaasi arxan darada ahi dhacay.

 

Qab-qabashada Nimankani ayaa waxa la sheegay in ay ka dambaysay ka dib markii iyagoo hubaysan ay soo galeen magaalada Tog-wajaale, isla markaana Ciidamada oo ku raad joogay ay u suurta gashay in si gaadmo ah ay ugu weeraan meel ay fadhiisteen.

 

Labada nin ee la qabtay ayaa waxa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee Degmada Tog-wajaale, waxaana Degmadaasi ka taagan cabsi laga qabo in ay arrintani sababto isku dhac dhex-mara Ciidamada iyo ehelada nimankaasi, waxaana gebi ahaanba la adkeeyay dhaq-dhaqaaqa Magaaladaasi, iyadoo Hargeysana laga dareemay fiidkii caawa Ciidamo Booliis ah oo u ambabaxayay Wajaale, si ay u xoojiyaan Ammaanka Deegaankaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka naga soo gaadhay Tog-wajaale, ayaa sheegaya inuu labadaasi nine ee gacanta lagau dhigay mid ka mid ahi uu yahay ninka caanka ah ee la yidhaahdo Qarxiye, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa nimankii gaystay falkaasi oo ay Ciidamada Boolisku ku daba jireen tan iyo intii uu falkaasi arxan darada ahi dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Qarannews)- Ciidamadda Booliska iyo Amaanka ee Degmadda Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa Maanta Saacaddu markay ahayd 4:30 kii Gacanta ku dhigay Nin Lagu magacaabo Mr. Qarxiye oo Muddooyinkan Danbe ay Xukuumaddu ku eedeynaysay inuu kabmid ahaa Ragii Fuliyey Dilkii Jidgoynta ahaa ee lagu laayay Ganacsatadii Reer Boorame ee Safarka ku jirtey .

 

Mr Qarxiye oo Horena ay Ciidamadda booliska ee Gobolka Gabiley ay Isku dayeen inay Ka qabtaan Magaaladda Gabiley ayaa wakhtigaasi aan lagu guuleysan Qabashadiisa ka dib markii uu is difaacay balse galabta waxaa si baraad la,aan ah loogu qabtay Magaaladda Tog-wajaale isaga iyo Nin kale oo aan weli La Aqoonsanin Magaciisa waxaana labadaba Gacanta ku haya hadda Ciidamadda Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Xaaladda Magaaladda Tog-wajaale ayaa ahayd Caawa mid aad u deggen ka dib markii Maalmihii ugu danbeeyay ay Hawlo dheeraad ah oo lagu sugayay Amaanku ay ka aloosnaayeen Maalmihii ugu danbeeyay .

 

Magaaladda Tog-wajaale oo ah Marinka Xadka ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah Goob ay labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland Amnigeeda iska kaashadaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this