Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed oo ku geeryooday Laascaanood

Recommended Posts

Inaalilaahi Waa inaa ilayhi Raajicuun waxaa caawa ku geeriyooday alla ha unaxariistee magaalada Laascaanood Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed habeenimadii caawa isagoo bil iyo badh oo kali ah ku sugnaa Garaadku magaalada isagoo laga soo qaaday magaalada Nairobi ee Dalka Kernya oo uu yaalay muddo saddex sano ah.

 

 

Waxaa guud ahaan laga dareemayaa caawa magaalada Laascaanood tacsi ku wada timi guud ahaa shacabka SSC gaar ahaana shacabka reer Laascaanood oo utaagan sidii ay uga qaybn qaadan lahaayeen aaska Garaadka oo maalinta barri ah lagu aasidoono magalaada Laascaanood.

 

 

 

Garaad Ismaaciil Ducaale Guleed ayaa waxaa lagu caana shubay 1963dii waxaana uu ahaa Garaadka ugu da’da wayn dhanka haynta Garaadnimada SSC Garaadkan oo ah Garaad si wayn loo xasuusan doono kuna dheeraan doona xasuusta shacabka SSC.

 

 

 

Hadaba Garaadka ayaa waxaa lagu aasi doonaa magalaada Laascaanood aaskaas oo ay kasoo qayb gali doonaan inta badan shacabka SSC ee kunool dalka gudahiisa inta nasiib uyeelata iyadoo dhamaanba ay kasoo qayb gali doonaan masuuliyiinta Somaliland iyo Puntalnd ee SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa saaka kusoo qul qulaya magaalada Laascaanood wafdiyo fara badan oo ka kala imaanaya maamulka Somaliland iyo Puntland kuwaas oo doonaya inay ka qayb qaataan aaska Garaad Ismaaciil Diucaale Guleed oo maanta saacadu marka ay tahay 11:00 lagu aasi doono magaalada laascaanood.

 

 

Waxaa hadda soo gaadhay wafdi aad ufara badan oo ka yimi maamulka Somaliland oo uu hor kacayo Gudoomiye kuxigeen Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada,xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo aad ufara badan.

 

 

 

Wafdidan ayaa waxaa ka mid ah:

 

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Baashe Maxamed Cade,

Wasiirka reermiyiga iyo horumarinta deegaanka Fu’aad Aadan Cadde,

wasiiraka hawlaha guud iyo guryaynta Siciid Sulub ,

Wasiiru dawlaha waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed(Qawdhagayste),

Wasiirka boostada iyo isgaadhsiintar Iimaan Ducaale Casayr ,

Wasiiro Dawlaha arimaha Daakhilga Xasan Macali

Xildhibaan Xasan Cumar Wayne,

Dr: C/raxmaan Caydiid iyo

Dr: Jirde C/laahi Sugule iyo waliba msuuliyiin kale oo aad ufara badan.

 

 

Hadaba waxaan wali soo gaadhin magaalad Laascaanood wafdidii laga sugayay maamulka Puntland oo sida wararka magaalada Garoowe ay ku soo gaadhayaan shabakada afnugaal.com ay xaqiijinayaan in ay kasoo socdaan masuuliuyiin fara badan oo kusoo aadan magaalada Laascaanood kuwaas oo isugu jira wasiiro masuuliyiin kale.

 

 

 

Hadaba waxaa aaska Garaadka Ismaaciil Ducaale uu dhacayaa 11:00 aroornimo ee maanta iyadoo la filayo inay yimaadaan magalaada Laascaanood wafdiyo kale oo aad u fara badan kuwaas oo ay ka mid yihiin Ismimada Beelaha SSC oo aan ku suganayn magalaada Laascaanood tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta lagu aasay sidii loogu talo galay saacadu markay ahayd 11:00 maanta Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed alla ha unaxariistee oo habeenimadii xalay ku geeriyoodfay magaalada Laascaanood iyadoo ay maanta aaskiisa kasoo qayb galeen dad aad ufara badan.

 

 

Waxaa isugu soo baxay dad kor udhaafaya kumanaan qof oo kamid ah shacabka reer Laascaanood dadkaas oo ah dad si wayn uga naxsanaa geerida ku timi Garaadka oo dhamaanba shacabaka SSC ku reebi doonta xasuus lama ilaawaan ah Garaadka oo ahaa Garaad si wayn looga jeclaa deegaanka.

 

 

 

Waxaa dhanka magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland ka yimi wafdi balaadhan oo ah masuuliyiin ka socda Dawlada waxaana sidoo kale ka ymi maamulka Puntland ee Somalia wafdi uu hogaaminayoGudoomiyaha Gobolka Sool Cumar Jaamac Saleebaan.

 

 

 

Dhanka maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiintii timi Gobolka gaar ahaan magaalada Laascaanood Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen,Xildhibaan Faroole Dhabayaco,Gudoomiyaha Gobolka Sool Cumar Jaamac Saleebaan iyo qaar kamid ah shacabkii SSC ee ku sugnaa Garowe.

 

 

 

Iyadoo aysan imaan ilaa hadda magaalada Laascaanood masuul sare oo ka socda maamulka Puntland kana qayb qaata aaska marxuum Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed iyadoo sidoo kalena aysan imaan Isimada SSC oo qaar kamid ah shacabku ay saadaalinayeen inay imaan doonaan.

 

 

 

Hadaba isku soo wada duuboo aaska Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed ayaa waxa uu u dhacay si wayn iyadoo dhamaanba shacabka magaaladu ay si wayn uga qayb qaateen aaska Garaadka lagana dareemayay xabaalaha guud ee magaalada wax lagu aaso oo ay ku sugnaayeen dad kumaakun kor udhaafaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this