Sign in to follow this  
General Duke

Diin-digle: Puntland sends a message to Al Shabab + press visit PICS

Recommended Posts

DSCF16466-595x446.jpgTaliyaha Ciidanka Difaaca Puntland oo Shir Saxaafadeed Ku Qabtey Diin-digle Taliskii Ciidanka Attam ee Buuraha Galgala

 

[sawiro + Cod]

 

October 20, 20101

 

Share Maalmihii la soo dhaafey waxaa ka socdey buuraha ku dhaw magaalada Galgala ee gobolka Bari dagaalo u dhexeeyey ciidanka dawladda Puntland iyo ciidamo ka soo horjeeday kuwaas oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam oo isagu sheegtay in deegaanka Galgala uu kaga dhawaaqey maamul Islaami ah, waxaana uu dagaal toos ah kala horyimid Puntland.Dagaaladan ayaa bilowdey 17.10.2010 oo ku beegnayd Axaddii la soo dhaafey, waxaana ay soo afjarmeen maalintii shalay oo ku beegnayd 19.10.2010, kadib markii ciidanka Puntland ay u suurta gashey in ay qabsadaan saldhigii u danbeeyey ee ciidamada ka soo horjheeday.

Qaybaha kala duwan ee saxaafadda magaalada Bosaso ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay goobahaas si ay uga soo warbixiyaan wixii ay halkaas ku soo arkeen, waxaana fiidnimadii caawa (Arbaco) ay dib ugu soo laabteen magaalada Bosaso.

 

Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa saxaafadda kula hadley goobtii u danbeysey ee dagaalku ka dhaco, Jeneraalka ayaa sheegay in dagaalku socdey muddo saddex maalmood ah.

 

“….Dagaalku waxa uu ka dhacay ilaa shan goobood, kuwaas oo kala ah Dhagax daabur, Madarshoon, Dhagaxdheer, Karin Xaragood iyo goobta aan maanta idinkula hadlaayo ee Diin Digle, Markii uu ku jabay Attam bilihii la soo dhaafey dagaalkii Galgala ayuu Diin Digle ka dhigtey Saldhigiisa u danbeeya oo u weyn saadkuna u yaalo, Diin Digle waa meesha ay ku dhamaato wadada isku xirta Bosaso iyo Galgala, wixii intaas ka danbeeya buurta Casha ah ayaa la galayaa, mana jirto waddo ka danbeysa….” ayuu yiri Gen.Siciid Maxamed Xirsi.

 

Gen.Siciid Maxamed Xirsi ayaa amaan u jeediyey ciidanka Puntland waxaana uu tilmaamey in si wanaagsan iyo weliba sidii la rabay ay ku soo gebagebeeyeen hawlgalkii bilowdey saddex maalmood ka hor, qolyihii ka soo horjeeday ayuu sheegay intii dhimatey maahee in qaybihii kale ay u baxsadeen buurta iyaga oo keligood ah oo lugaynaaya isla markaana iska tuuray dhamaan hubkii ay wateen.

 

“….Arintaani waa fariin aan u direyno dhamaan kuwa diinta ku gabanaaya in Puntland aysan ahayn meel cidla ah oo la hawaysan karo, ee wa la eegi doonaa doonidkasta oo arintaas ku saabsan….” ayuu yiri.

 

Dhanka kale Gen.Siciid Dheere ayaa sheegay in hawgalkaani aanu ahayn mid reer lagu duuley, waxaa hawlgalkaan ka qaybqaatey dhamaan shacabka Puntland, waxaa jirta kuwo ku dooda dahab ayaa la doonaayaa taasna waa warxumatashiil, mana jirto dan gaar ah oo halkan laga lee yahay.

 

“… Inta uu jiro qof burcad ah oo diinta ku adeeganaya dagaalku waa soconayaa, inta nin qori sitaa oo maamulka Puntland xabad ku soo ridaayo dagaalku waa soconayaa Ciidankii halkaan aanu ka saarney ee nala dagaalamay waxa ay u badnaayeen dhalinyaro ka timid magaalada Burco ee gobolka Togdheer, kuwo ka yimid Baydhabo iyo meelo kale ee fog fog waxayna ahaayeen dad mashruuc soo qaatey ama lagu qaatey….”

 

Ugu danbeyntii Jeneraal Siciid Dheere ayaa sheegay in khasaaraha soo gaarey ciidanka Puntland uu yahay hal nin oo ka dhintey iyo sideed askeri oo dhaawac ah, dhanka kale ayuu sheegay in dhimashada ay ururiyeen ay gaareyso ilaa 20 nin laakiin dhaawacooda ma tiro koobin ayuu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSCF1568-595x446.jpg

 

Dhanka kale waxaa suxufiyiintu ay gaareen dusha sare ee buurta Diin Digle waxaana halkaas ay ku soo arkeen teendho la sheegay in ay ahayd halkii raashinku u yaaley ,waxaana halkaas ay ku soo arkeen raashinka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo ku cabeysan kiishash.

 

Sidoo kale waxaa saxaafadda loo soo bandhigey qalab kala duwan oo ay ku jiraan waxyaabaha qarxa iyo weliba furayaasha miinooyinka dhulka laga kiciyo oo aad u badan, kaamarada wax lagu duubo, Matoor dabka dhaliya iyo dhalo telefishan.

 

Waxyaabaha saxaafaddu soo aragtey ayaa waxaa kamid ah shan gaari gaari oo ay iska lahaayeen ciidanka Attam kuwaas oo noocyo kala duwan isugu jira, waxaa sidoo kale saxaafadda loo soo bandhigey rasaas aad u faro badan iyo hubka darandooriga u dhaca hoobiyaal, rasaasta baasuukaha.

 

Mar suxufiyiinta tegay deeganaada dagaalku ka dhaceen ay weydiiyeen Taliyaha ciidanka difaaca Puntland gen.Siciid Dheere, halka uu ku danbeeyey ninkii hoggaaminaayey ciidanka ay la dagaalameen ayaa sheegay in uu buurta casha ah ku baxsadey isaga oo qof shacab ah iska dhigey, laakiin waxaan wadnaa dedaal aan ku soo qabanayno waanuna ku raadjoognaa ayuu yiri.

 

Dagaalada ka dhacay buuraha ay dhacdo degmada Galgala ayaa bilowdey 23 Bishii Juun ee 2010 kadib markii ciidamo taabacsan wadaadka Attam ay weerar ku qaadeen goob kontoorool ahayd oo ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland goobtaas oo ku taaley tuulada Karin ee Bosaso u jirta 40km, dagaaladan ayaa geystey khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana sidoo kale ay sababeen in laga barakaco deeganaada Galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSCF1501-595x446.jpg

 

Wararka Horseed Media ay helayso ayaa sheegaya in Dawladda Puntland ay bilowdey durba dhaq-dhaqaaq ku aadan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ka dhashey dagaalkaas iyada oo cuqaasha iyo waxgaradka deegaanadaas xiriir la samaysey sidii noloshu caadi ugu soo laaban lahayd isla markaasna aysan sinaba raali uga noqon ee deeganaadaas aysan gabaad ugu noqon ama xeryo aysan ka samaysan kooxaha ka soo horjeeda Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

“….Arintaani waa fariin aan u direyno dhamaan kuwa diinta ku gabanaaya in Puntland aysan ahayn meel cidla ah oo la hawaysan karo, ee wa la eegi doonaa doonidkasta oo arintaas ku saabsan….”
ayuu yiri.

 

Gen Said Dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saymo   

Dont celebrate too early. We dont know if this is just made up stories. We dont see POWs we dont any indication that war took at that specific place.

 

Read Allsanaag.com

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Wiilashiisa ayaa waxay bilaabeen dacaayado afka ah oo aan sal iyo raad toona lahayn ayna ugu horaysay tii ay ka fidiyeen Qolka ay ku leeyihiin aalada internetka ee paltalk ayna ku sheegeen in ay waraysteen Atom una sheegay in uu yahay Alshabaab,hase ahaatee maalmo ka dib Alshabaab iyo Atomba ay beeniyeen warkaas

 

 

Buurta Cal madow ayaa waxa ka socda dagaal aad u culus sadexdii casho oo u danbaysay halkaas oo ay ku naf waayeen maleeshiyaad badan oo ahaa kuwii u dagaalamayey Maamulka Faroole halka qaar ka mid ah saraakiishii dagaalka ay gacanta u galeen Maxamed Atom sidoo kale dhaawicii maleeshiyaadka ayaa waxay buux dhaaafiyeen Cisbitaalka Boosaaso,halka caawa saacadihii danbe qaar ka mid ah dhaawaca lo qaaday gobolo kale.

 

 

Buurta Calmadow dhinaceeda kale waxa ka socdo Filimo ay samaynayaan beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha Puntland halkaas oo ay ku sugan yihiin Ninka loogu yeero taliyaha Daraawiishta Puntland Siciid Dheere oo ka soo jeeda Beesha madaxweynaha ee Ciise Maxamuud. Radio Garoowe oo uu asaasay madaxweynaha puntland hadana isaga iyo wiilashiisu wax ku qoraan ,websitka Horseed Media oo ay qoraan wiilal ka soo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud adeerna uu yahay wasiirka amniga Puntland, SBC oo isaguna leeyahay la taliyaha Madaxweynaha Cali Cabdi Awaare oo iyana ka soo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud waxa kale Buurta Cal Madow dhinaceeda kale oo aan dagaalku ka socon hase ahaatee filimada laga duubayo ku sugan Iskarogooyinkii dhagaxa ka guri jiray magaalada Garoowe oo halkaa maalmahan lagu ururinayey si loogu helo mashaariic lagu hirgaliyo Garoowe iyo Dangaro oo ay ka soo wada jeedaan madaxweynha Puntland faroole iyo taliyihii hore oo xasuuqa ka gaysatay koonfurta Soomaaliya siciid Dheere hadana raba in uu dhiig badn ku daadiyo Degaanada Maakhir.

 

 

Allsanaag oo maalmo ka hor sii sheegtay dacaayadan ay wadaan Faroole iyo Wiilashiisa iyo kuwa durbaanka ugu tumaya Beel ahaan iyaga oo kamarado wata halka ka akhri http://allsanaag.com/Details.asp?id=6720.

 

 

Idaacadaha Aduunka ugu waaweyn uguna caansan ahna kuwa dhexdhexadka ah waxa ka mid ah VOA hase ahaatee waraysigii uu Atom siiyey wariye Cali Xaraare,Faroole wuxuu ku sheegay in waraysigaasi ahaa ********** is waraysanaya.

 

 

Ugu danbayntii dagaalka dacaayada raqiiska ah iyo hal Beel oo soocan oo sheeganaya guulo ay gaareen iyaga oo isticmaalaya warbaahintooda maaha mid ka dhigaysa ama ka dhigi doonta Puntland meel nabad ah hase ahaatee jar iska xoornimadii hore oo aan laga fakerin ayeey sii labo jibaaraysaa waxaana adkaan doonta isku socodka Garoowe iyo Boosaaso,marka bulshada inteeda badani fahmaan wax badan

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am not sure how reporting news equates to celebrations.

Clearly we see Galgala region with the States troops, yet all you are providing is the same old stories with no

evidance.

 

Anger is not required now lads, comon sense needs to prevail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this