Sign in to follow this  
Shiikh_Yaasiin33

Baydho-Warlord HeadQuarters-The lates to join Qanyare

Recommended Posts

Maxmed Qanyar oo xaley saqdii dhexe gaaray Baydhabo

TopStoryBaydhabo- 24.July.2006 Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolla Baay ayaa sheegaya in Hogaamiye kooxeedka Max’ed Qamyare Afrax oo ka

mid ahaa xubnihii isbahaysigii burburey ee la dagaalanka argagagixisada uu xaley saqdii dhexe gaarey magaalada Baydhabo.

 

Waxa wararku sheegayaan in tagisya Qanyare uu Baydhaba tagey ay ka dhalatey ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan Midowga Maxaakimta Islaamiga ahi ay ku weerareen tuulada Dari ee ka tirsan degmada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud.

 

Maxamed Qanyare Afrax waa hogaamiye Kooxeedkii Saddaxaad ee ka tirsan Urukii la dagaalanka Argagixisada ee Muqdisho lagu jabshey oo taga magaalada Baydhaba oo iminka fariisin KMG ah u ah Golayaasha DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Horaantii bishan ayaa waxaa magaalada Baydhaba si kala gooni ah u gaarey Maxamed Dheere iyo Cabdi Qeyb-diid oo ka mid ahaa Isbahaysigii burburey ee la dagaalanka argagixisada, kuwaasi oo kulamo gaar ah la qaatey Ra’salwasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madexweyne Cabdullahi Yusuf Axmed.

 

Socdaalka Max’ed Qanyare Afrax uu ku tagey magaalada Baydhabo ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay deegaanadaasi ku sugan yihiin ciidamo ka socda Xukuumada Itoobiya kuwaasi oo ujeedkooda lagu macneeyey inay difaacayaan DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Max’ed Qanyare ayaa intii ahaa wasiirka Amniga Qaranka, isla markaana uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ka hor intii ay halkaasi ka soo cayrin Maxkamadaha Islaamiga ah wuxuu si weyn mucaarad ugu ahaa siyaasada xukuumada Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.

 

Col.Cabdi Qaybdiid iyo Max’ed Qanyare waligood ma ayan tagin xarumaha DFKMG ah wixii ka horeeyey markii Maxkamadaha Islaamiga ah qabsadeen xarumahoodii magaalada Muqdisho.

 

Ma jiro wax hadal oo ka soo baxay DFKMG ah oo ku aadan safarka magaalada Baydhabo uu ku tagey Max’ed Qanyare Afrax, iyadoo Max’ed Qanyare la dajiyey mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Baydhabo.

 

Qof codsadey inaan saxaafada laga sheegin ayaa sheegay in Max’ed Qanayre uu wato 13 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo uu kala yimid deegaanadii uu ka soo cararey ee Gobolka Galguduud.

 

C/laahi Soomaali

SBC Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this