Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

The Shame Of Somaliland

Recommended Posts

Koox Suxufiiyiin Caalami Ah Oo Booqasho Ku Timi Jiida Hore Ee Dagaalka Waxa Kale oo Ay La Kulmeen Maxaabiista Laga Qabtay Malayshiyada Isaaqa

 

Laascaanood(Radiolascaanod.com) Isniin 01/11/04:-Koox Suxufiyiin ah Oo Ka Socday wargeysyo Caalami ah oo ka soo baxa wadamada Belgium,Holland iyo Switzerland ayaa waxa ay booqdeen jiida hore ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta Puntland iyaga oo halkaasi kula kulmay saraakiisha Ciidamada.

 

 

Suxufiyiintan caalamiga ah ayaa looga xogwaramay xad-gudubka ay ku talaabsanayaan beelaha Isaaqu iyaga oo dhulkii ay deegaanka u lahaayeen ka soo talaabay gudaha dhulka Puntland ugu jira 150km.

 

 

 

Waxa kale oo suxufiyiintan caalamiga ah la tusay sida wanaagsan ee loola dhaqmay maxaabiista ciidamada Malayshiyada Isaaqa oo si haboon loo xaq dhawray, iyaga oo la kulmay maxaabiista dhaawaca ah ee lagu daweynayo Cisbitaalka Laascaanood ,waraysi la yeeshay oo weydiiyeyna sida loola dhaqmay Siciid maxmed Garre oo ka mid ah Dhaawaca lagu daweynayo Cisbitaalaka ayaa waxa uu suxufiyiintaas u sheegay in si haboon loola dhaqmay, isla markaana xaaladiisu ay fiiican tahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Suxufiyiintan ayaa looga xogwaramay sida waxashnimada ah ee ay u beelaha Isaaqu ula dhaqmeen maxaabiistii laga qabtay ciidamada Daraawiishta iyaga oo ku toogtay jeelka dhexdiisa sida Col.Axmed Raan iyo Col .C/laahi Gadhabay , waxaana la tusay sidii xurmo darada ahayd ee ay Isaaqu maydadkii saraashii ka shahiiday Ciidama Daraawiishta ee ay qaateen ay ugu soo bandhigeen warbaahinta Taas oo argagax ku noqotay suxufiyiintii caalamiga ahayd ka diba markii ay indhahooda ku arkeen falalka waxashnimada ah ee ay ku talaabsanayaan Isaaqu.

 

 

 

Suxufiyiinta ajnabiga aha ayaa ku amaanay ciidamada Daraawiishtu sida fiican ee ay ula dhaqmeen maxaabiista , halka ay ku tilmaameen faldanbiyeed maydadka ay isaaqu soo bandhigeen ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah

 

 

 

Suxufiyiinta ayaa markii ay dhamaysteen hawlihii ay u yimaadeen dib ugu noqday Mahaalada Garoowe iyaga oo hore halkaasi loogu tusay Maxaabiista ku jita jeelka Garoowe, oo iyaga ay soo booqdeen hay’ada Bisha Cas.

 

 

 

 

 

Suxufiyiinta Oo fadhigoodu yahay Nairobi ayaa la filayaa in ay dib ugu noqdaan dhawaan marka ay dhamaystaan xogaha ay u socdeen.

 

 

 

Radiolascaanod.com

 

Laascaanood Puntland Somaliya

 

AND NOW THE WORLD WILL KNOW THE TRUTH

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this