Sign in to follow this  
Liibaan

Sheekh Maxamuud Dagalka waa dambi wuxuuna uu dhex marayo Somali labada dhinacba

Recommended Posts

Liibaan   

Af hayeenka ahlusunna wal jamaaca Sheikh Maxamuud Sheikh Xasan Faarax "Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa Dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya iyo midowga maxaakimta".

 

sh.1.jpg

sh.2.jpg Waa in la joojiyaa dagaallada dhiiggu ku daadanayaan, lana qaataa dib uhishiisiinta ay ku baaqeen culammaa’udiinka soomaaliyeed sidaas waxaa yiri caalimka weyn e sida aadka ah looga yaqaano geeska afrika iyo waddamada carabta.

 

Sheikh maxamuud sheikh xasan oo wareysi siinayey qaar ka mid ah idaacadaha muqdisho ka jira kuna hadlayey magaca culammaa’udiinka soomaaliyeed ayaa sheegay in aan la taageerin dagaallada ka socda soomaaliya oo uu sheegay in labada kooxood ee isaga soo horjeeda dagaallada ay kala adeegsanayaan dad ajnabi ah.

 

Sheekhu wuxuu sheegay inaan diin lagu dagaallamayn ee dhiigga umadda loo daadinayo xukun jacayl, taasoo cid waliba ay heli karto waxay doonayso ee Ilaahay u qadaro iyagooo aan daadin dhiigga ummadda.

 

 

Sheekha oo la wqeydiiyey in ciidama Ethiopian ah ka dagaallamayaan gudaha soomaaliya ayaa yiri ilaa goormaa la lahaa ciidamaa soo galay maxaa faa’iido laga hayaa, mar horaan caddaynay sida looga badbaadi karo labada dhinac inay adeegsadaan ciidama ajnabi ah.

 

Culammada soomaaliyeed horey ayey ugu baaqeen in ay u sameynayaan dib u hishiisin kooxaha maxkamadaha iyo dawlada ku meelgaarka, laakiin kooxaha maxkamadaha ayaa yiri see loola hishiinayaa kooxo mujrimiin ah oo ay ula jeedaaan dawladda ku meel gaarka oo horey Usaama Binlaadin amar ugu siiyey maxkamadaha inay laayaan dawladda iyo Madaxweyne C/laahi yusuf oo uu Usaama sheegay inay gaalo yihiin.

 

 

sh.2.jpg

sh.3.jpg

 

 

Sheekh Maxamuud "Dagalka waa dambi wuxuuna uu dhex marayo Somali labada dhinacba, isla markaana Muslim ah, ayna xaaraan tahay in qof muslim ah si cad loo dilo"

 

Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunnah Wal-Jaamaca oo sheegay inay dhexdhexaadinayaan Dowladda iyo Maxamadaha, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan oo ka mid ah wadaadada waaweyn ee Dariiqada Ahlu Sunnah Wal-jamaaca ahna afhayeenka dariiqadaas ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay dhexgalaan dagaalka Soomaaliya.

 

Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan wuxuu sheegay in dagaalkaan socda uu yahay mid u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Baydhabo iyo Maxkamadaha oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

 

Mar Sheekh Maxamuud wax laga weydiiyay dagaallada socda iyo sida ay u arkaan dariiqada ayaa wuxuu sheegay in dambi uu yahay dagaalka uuna dhex marayo Somali labada dhinacba, isla markaana Muslim ah, ayna xaaraan tahay in qof muslim ah si cad loo dilo.

 

"Dowladdu waxay wadataa Ciidammo Ethiopian ah; sidoo kale Maxkamaduhu waxay wataan ciidammo Eritrean ah, marka lama oran karo koox keliya ayaa dambi leh, ee waxa ku dhimanaya waa dadka Soomaaliyeed, waxaana soo jeedin lahaa in dagaalka la joojiyo" ayuu yiri Sheekh Maxamuud oo ah afhayeenka Dariiqada Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

 

Sidoo kale Sheekhu wuxuu sheegay in loo noqdo kitaabka ALLE, wax kastana laga run sheego, isla markaana dadka Soomaaliyeed aan la marin habaabin, laguna dadaalo sidii loo hakin lahaa dagaallada dhiigga badani ku daadayo ee ka socda gudaha Soomaaliya.

 

Mar uu Sheekhu ka hadlay kaalinta ay ku yeelan karto dariiqaada Ahlu sunna joojinta dagaallada u dhexeeya Dowladda iyo Maxkamadaha ayuu sheegay in dariiqadu ay waddo isku dayo ay ku dhexdhexaadinayso labada dhinac, waxaana uu sheegay inay dhawaan filayaan inay kulammo u qabtaan labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Now you are giving lectures on Islamic beahviour and Muslim conduct.

As for the comment, getting support and instructions from Christian Eritrea is ok right?

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by General Duke:

^^^Now you are giving lectures on Islamic beahviour and Muslim conduct.

As for the comment, getting support and instructions from Christian Eritrea is ok right?

.

 

^^

Ethopian cheeleader and clan propagandist

Share this post


Link to post
Share on other sites
S.O.S   

Suufiyiin calooshood ushaqaystayaal ah oo si fiican loo yaqaano waxay yihiin miyaad hadda moodaysaan inaad erreyadooda dadka ku siri kartaan? Waxaan kuu aqaanaa kuwo u' duceeyo ciidama Tigreega markasta oo ay dagaal damcaan inay ku qaadaan Muslimiinta, oo wax cusub ma'aha.

 

Waxa kaliya ee sanadadan cusub ayaa ah magaca maqaar-saarka laga dhigtay ee ah Ahlu Sunna Wal-Jamaacah, iyagoo ooga dhow magaca ah Ahlu Shirki Wal-Tafarruq!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharmarke, the pretences are up my son, if I love my clan more thna others I must love Somali's more than Ethiopians. Just logical, since Somali's are closer to me than Ethiopians.

 

Sister Fanisha, I dont need a job, just my nation back on the map. But you would not undertsand since your mind is on some other dreadful things..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

SOS, dude, do you accept indha cadde or Dahir Aweys a legitimate sheikh? If you do, tone down the hypocritical righteousness.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Answering a question with a question? Are you too embarrassed to say that those anti-christs (dajjaals) are your sheikhs?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

^That is the problem why ppl dont trust the icu their leadership. this is dirty politics and using good brothers, each side will use any means necessary to gain the end objective-the kursi.......the strongest man wins- AY doesnt gives shit and now he has support of governments.....somalia is ****ed the war will engluf the entire country and somali blood will be lost........ppl are skeptical of the icu agendas but at the end of the day they are somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this