Sign in to follow this  
Saalax

Xaaji Cabdi Waraabe oo U Maah Maahay Guddoomiyaha Guurtida iyo Saleebaan Oo Jawaab Ka

Recommended Posts

Saalax   

Xaaji Cabdi Waraabe oo U Maah Maahay Guddoomiyaha Guurtida iyo Saleebaan Oo Jawaab Ka Bixiyay.

"Waxaan Kaa Codsanaynaa Inaad Guurtida Imaansataa Oo Kursiga Kale Aanad Doonin" Xaaji Cabdi Waraabe

"Xaajiga Hadalkiisu Waa Weerar kamanaan Filayn Saaka Erayada ee Waxaan Ka Filayay Kuwo Wax Ururiya" Guddoomiyaha Guurtida

 

 

Hargeysa(Ramaas) Feb.01, 2010 - Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si kulul u duray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxaanu ku tilmaamay inaanu Golaha u hoggaamin sidii laga filayay.

 

 

Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, wuxuu sidaasi ka sheegay fadhigii maanta ee Golaha Guurtida qadar yar ka dib markii Xildhibanaada Aqalkaasi ay cod aqlabiyad ah ku diideen istiqaaladii uu Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre u soo gudbiyay 30-kii bishii la soo dhaafay.

 

 

Md. Cabdi Waraabe oo ka hadlayay dhaliilalaha Guddoomiyaha wuxuu yidhi "Waxaan leeyahay qaloocu wuxuu ka socdaa waa sadexdiina Shir-gudoonka haddii aad sadexdiina xubnood qawl aad u dhan tihiin la timaadaan Goluhu idinku diidi maayo.Golaha cudurku meesha uu ka galaa waa Shir-gudoonka waxaan leeyahay Saleebaan Guddoomiyaha nin baa wuxuu yidhi Ma waxaan ku mooday, ma waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday libaax, waxaad noqotay kurtin waxaanse loo noqon doonin guure-gal habeenimo. Guddoomiye, 82-ka Xildhibaan doorashadaadii way isku kaa raaceen, Guurtida umaad wadin siday kugu waday. Waxaan kaa codsanaynaa inaad guurtida imaansataa oo kursiga kale aanad doonin."

 

 

Md. Cabdi Waraabe oo si gaar ah ula dardaarmayay Guddoomiyaha wuxuu yidhi "Waa inaad kursigan Guddoomiyaha geeri kaga tagto ama sharaf kaga tagtaa, oo aad Guurtida midaysaa oo aad Somaliland dhaqaalaysaa oo aanad dan aad leedahay uun tiigsanine’e. Jamhuuriyadu dushaada ayay saaran tahay Guurtidana adigaa u wada aabo ah inaad qabyaalada ka dayso oo aad walaaca ka dayso ayaan kaa codsanaynaa."

 

 

Dhinaca kale, waxa Hadalkii Xaaji Cabdi-Waraabe uu Golaha ka abuuri gaadhay buuq iyo qas waxaana si deg deg ah uga jawaabay Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu yidhi "Haddii Cidi u jawaabayso Xaajiga Anigaa u jawaabaya.hadalkiisu weerar weeye. Kama aan filayn Xaaji Cabdi saaka goobtan aynu joogno erayadan, waxaan ka filayay hadal Golaha isu soo dhaweeya oo ururiya. Waxaan leeyahay sidaad sheegtay haddii Khilaafku sadexdayada Shirgudoonka uun yahay xal la waayi maayo."

 

 

"Sida Xaajigu uu yidhina ma aha, Xaajiga xilka uun baan kaga weynaaye’e da’da iyo Waayo aragnimadaba inuu igaga horreeyo ayaan moodayay. Waxaan leeyahay Xaajiga markay idinka qaraxday ee khilaafkiinu soo baxay goobta iyo dalkaba ma joogin. Waxaan joogay meel jirta 8 kun oo Km,"ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Goluhu uu sii shaqayn doono oo aanu xidhnaan doonin.

 

 

Dhinaca kale waxa fadhigii maanta ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md, Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, waxaanu u mahad naqay Golaha ka diiday istiqaaladii uu u soo gudbiyay.

 

 

"Waxa laga yaabaa inaad is weydiinaysaan maxaa wadaadka ku kalifay iscasilaada waxaan sheegay inaan iska daalan nahay oo aan doonayo inaan iska nasto. Waxa kale oo saamayn ku lahayd khilaafkii yaraa ee golaha dhex maray oo aan is leeyahay Shirgudoon ahaan aanu hore u dhammayn weynay taasina saamaynteeda ayay lahayd. Waxaan is idhi haddii aad khilaafkii yaraa ee golaha dhexdiisa xalin kari waydeen qaranka iyo dalkana waxba uma taraysaan,"ayuu yidhi Guddoomiye ku Xigeenka koowaad, waxaanu intaasi ku daray "Ma doonayo inaan sharax dheer bixiyo laakiin waxaan is leeyahay dad badan oo kaa wanaagsan ayaa Golaha iyo dibadaba jooga, inagana uu ilaahay uun iskeen baday. Shirgudoonkana waanu isa saamaxaynaa markaanu imika isku gaar noqono."

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Waxaan leeyahay sidaad sheegtay haddii Khilaafku sadexdayada Shirgudoonka uun yahay xal la waayi maayo."

:D

Xaajigii sowkan iska cabaade. Walee asad baa helay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this