Sign in to follow this  
The Zack

Breaking News: Melez on Hague

Recommended Posts

The Zack   

Eedeymo ka dhan ah Males Zenawi oo loo gudbinayo Heeg.

 

Sida ay maanta shaacisay shabakadda wararka ee Naasareed tacadiyo lidi ku ah xaquuqul aadamiga oo la sheegay in taliska xukuumada Itoobiya ee hogaamiyo Males Zanewi uu ka geystay ismaamulka Soomaalidu degto ee bariga wadankaasi ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo maxkamada qaada dambiyada dagaalka Heeg ee wadankaasi Yurub ee Netherlands.

 

Fariintaan oo ay soo diyaariyeen hay’ado fara badan oo isugu jira caalamiga iyo kuwo maxali ah ayey ku xuseen falal waxshi ah oo ay ku kaceen askarta Itoobiya xili ay dagaalo ku galeen ismaamulka Soomaalida ee Soonka Shanaad, halkaasi oo laga soo calaamadeeyay in ay ka dhaceen falal ay ka mid ahaayeen dilal, kufsi, jirdil iyo tacadiyo kale oo dhamaantood ka dhan ahaa arrimaha xaquuqda aadanaha.

 

Gabood faladaasi badankoodu waxa ay ku kaceen ciidamada militaarka Itoobiya sanadyadii ugu dambeeyay kuwaasi oo saameyn lixaadle ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaamadda hoostaga ismaamulka Soonka Shanaad.

 

Gudbinta eedeymaha loo hayso ra’isal wasaaraha Itoobiya Males Zanewi ayaa waxaa haatan iska kaashanaya hay’adaha ay ka midka yihiin Amnesty International, Human Wrights Warch iyo ururo kale oo u dhaq dhaqaaqa dhowrista xaquuqul aadamiga kuwaasi oo mudooyinkaani dambe ku howlanaa soo aruurinta tacadiyada loo geystay Soomaalida ku nool bariga wadankaasi Itoobiya.

 

Source: Hornafrik

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

as long zenawi has the support of the U.S, he won't be charged with anything. the only way this will happen is if he falls out of favor with the rulers of the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this