Sign in to follow this  
General Duke

British Minister Hillary Benn visits Somalia meets TFG.....

Recommended Posts

Yuusuf, Shariifka & Geedi oo la shirey wasiir ka socdey Ingiriiska

 

hilary_yusuf.jpg

 

Baydhabo- 17.May.2006 Madaxweynaha, Gudoomiyaha, iyo Ra'isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta

Gobolka Baay waxay kulan kula yeesheen wasiir ka tirsan xukuumada Ingiriiska oo socdaal kadis ah maanta ku yimid dalka Soomaaliya.

 

Hellery Ben oo ah xoghayaha iskaashiga iyo horumarinta ee wadanka Ingiriiska iyo wafdiga uu hogaaminyo oo saaka tagey degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxay isla maanta yimaadeen magaalada Baydhabo halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeeshey madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Kulanka magaalada Baydhabo ay ku yeesheen Hilery Ben iyo Madaxda Dawlada Soomaalida ayaa waxaa lagu jeexjeexay sida xukuumada Ingiriisku ay uga qayb qaadan laheyd hanaanka dib u heshiisinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha, Gudoomiyaha iyo Ra'isalwasaaraha DFKMG ah ay ka codsadeen xukuumada Britain inay sii ambaqaado hawlaha ay ku kaalmeynayso Soomaalida.

 

Xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Hellery Ben oo kulankaasi ka hadley ayaa ku nuuxnuunxsadey in xukuumadiisu ay diyaar y tahay gacan siinta Soomaalida xiligan oo ay jiraan xaalado abaareed oo aad u qalafsan oo saameeyey kumanaan qof.

 

Wasiirkan ka tirsan xukuumada Ingiriiska ayaa socdaalkiisu wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sareeyey ee safar ku yimaadan tan iyo markii DFKMG ah ay dalka ku soo laabatey bartamihii sanadkii 2005-tii.

 

Hiliry Ben iyo wafdigii la socdey ayaa isla galabta waxay dib ugu laabteen magaalada Nairobi halkaasi oo markii hore ay ka yimaadeen.

 

Maryan Saylac

SBC Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda ugu sarreysa DFS oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta Britain oo booqanaya Baydhabo

Posted to the Web May 17, 15:56

 

Baydhabo (PP) – Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kulan waxay kula yeesheen Magaalada Baydhabo Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalmiga ah ee Britain Hilary, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanmka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay warbixin ka siiyeen Wasiirkaan xaaladda dalka iyo howlaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka wado gudahadalka, waxaana ay sidoo kale warbixin ka siiyeen sida dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu heelan tahay inay sii wado howlaheeda ay dalka dib ugu dhisayso.

 

 

Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin dheer ka siiyay Madaxdda dowladda Federaalka Soomaaliya sida dowladdiisu ay ugu heelan tahay inay kaalmeyso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in imaanshihiisaan Soomaaliya uu yahay mid ku saabsan sidii uu u ogaan lahaa dalka Soomaaliya iyo sida ay xaaladdiisu tahay.

 

 

Mr. Hilary ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisu uu qayb ka yahay sidii u arki lahaa xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ay aaburuhu ku habsadeen, waxaana ay horay u soo mareen magaalada Waajid ee Gobolka Bakool oo ay u soo kuurgaleen xaaladaha bani’aadamnimo ee ka jira.

 

 

Wasiirkaan ayaa waxay horay kulan ugu yeesheen Magaalada Lodon Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed intii uu ku sugnaa magaalada London, wuxuuna u sheegay in dowladdiisu ay taageerayso dowladda federaalka Soomaaliya markay si wadajir ah u shaqeyso.

 

 

Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaan la garanayn inta ay magaalada Baydhabo ku sugnaan doonaan iyo sidoo kale inta ay ku sugnaan doonaan dalka gudihiisa.

 

 

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

 

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

 

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Helery Benn iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray waajid

 

Waajid/Baydhabo:-Wassiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Mr Helery Benn iyo wafdi balaaran oo hogaaminayo ayaa maata gaaray magaalada waajid ee gobolka bakool.

 

Waftiga Mr Benn ayaa ka ambabaxay magaalladda Nairobi ee xarunta Kenya iyaga oo ku sii jeeda deegaanka Bay iyo Bakool oo iyagu ahaa degaamadii ay abaartu sida xun u wax yeelaysay, taas oo galaafatay dad iyo duunyaba.

 

Helery Benn oo isagu horay shir ula qaatay madax weynaha FS C/llaahi Yuusf Axmed bartamihii bishii aan ka soo gudubnay xilli uu halkaas u yimid arimo caafimaad ayuu MR Benn balan qaaday inay Soomaaliya taageeri doonaan oo weliba ay booqan doonaan goboladda bay iyo bakool.

 

Illo xog-ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in wafdiga Belery Benn hadda ku soo wajahan yihiin magaalada Baydhabo oo iyadu xarun ku meel gaara u ah DFKMG ah.

 

Booqashadda wafdigaan ballaaran ayaa ku soo beegantay imaashaha dhowaan uu soo gaaray magaalada Baydhabo M/weyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo hadda shir warbixin lagaga dhegaysanyo uu uga socdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Waxaa iyana xusid mudan in wafdigani yahay kii ugu ballaaraa oo dawlada Ingiriiska ka socda tan iyo gu labaad intii la amaamuday dawladda FKMG ah.

 

Xarunta warbaahinta waayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

British international development minister Hilary Benn has met the president and prime minister there in a previously unannounced visit.

 

Mr Benn says he will be offering international support for attempts to end the anarchy.

 

PS: Great news in deed we need all the international support our Government can get so it can get us out of anarchy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Transitional government hails visit by UK minister

 

© Anthony Mitchell/IRIN

 

Madax_bay_170506_0.JPG

UK Development Secretary Hilary Benn.

 

 

NAIROBI, 18 May 2006 (IRIN) - The Somali government has described a surprise visit on Wednesday by British international development minister Hilary Benn to the town of Baidoa as a sign of the UK's support to the fledging government.

 

"It showed Britain's solidarity with the Somali people and a recognition of their new institutions," said Abdirahman Dinari, the government spokesman, on Thursday. "We hope that other powers will do the same."

 

Baidoa, 240 km southwest of the capital, Mogadishu, is the current base of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia.

 

Benn, who was visiting the East Africa region, met Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Ali Muhammad Gedi and pledged to boost aid to the government. "He promised support in institution-building and humanitarian assistance," Dinari said.

 

 

The TFG has a long road ahead in establishing stability in Somalia, which has had no functioning government for almost 16 years.

 

In Mogadishu, hundreds of people took to the streets on Wednesday to appeal for peace, three days after a ceasefire that ended seven days of fighting between heavily armed militias, in which at least 190 people were killed and hundreds more injured.

 

The demonstrators, including women and children, marched to express their anger at the recent violence between the Islamic courts and the newly created Alliance for Peace and the Fight Against International Terrorism, which comprises several Mogadishu-based faction leaders, some of whom are also cabinet ministers. Carrying banners and chanting slogans for peace, the protestors demanded an end to the carnage, a resident said.

 

Abdullahi Shirwa, a member of a civil-society group that organised the event, said the demonstrators later converged at the Mogadishu stadium where Mahamud Hassan Ade, the governor of Benadir [Mogadishu and its environs], delivered an address. He appealed for urgent humanitarian assistance for thousands displaced by the fighting.

 

Shirwa said people who had left their homes because of the fighting were still at makeshift camps "under the most difficult conditions and in desperate need of help."

 

Meanwhile, militia loyal to the Islamic court were involved in clashes on Wednesday with those loyal to Muhammad Omar Habeb, the self-proclaimed governor of Middle Shabelle Region, near the village of Warsheikh, 40 km northeast of Mogadishu. "The clash took place at a checkpoint manned by militia loyal to Muhammad Dheere [Habeb, a member of the anti-terror alliance]," a resident said. "Conflicting reports put the death toll at between two and five." The clash was the second outbreak of fighting since the ceasefire was announced on Sunday, which raised fears of renewed violence.

 

"It is an unfortunate incident, but I don't believe it would have much effect on Mogadishu," Shirwa said. "It is more likely to have an impact in Jowhar and Middle Shabelle."

 

"These skirmishes indicate that the two sides may take their differences to other regions," said another source in Mogadishu. "The Islamic courts may be telling Muhammad Dheere that if he keeps coming to Mogadishu, Jowhar [his stronghold] won’t be safe."

 

In a related development, the prime minister has issued an ultimatum to cabinet ministers who have refused to come to Baidoa. "The PM has given them seven days [from Wednesday] to come to Baidoa," said Dinari, who added that Gedi would take "appropriate action" if the ministers failed to comply.

 

The order is reportedly aimed at three Mogadishu-based cabinet members who are also part of the so-called anti-terror alliance, said a Somali observer. "The main targets of this order are Qanyare [Muhammad], Yalahow [Muse Sudi] Finish, [Muhammad Omar]."

 

President Yusuf recently warned ministers that they could not expect to be in the cabinet and wage war against the Somali people.

 

[ENDS]

 

Source: IRIN, May 18, 2006

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this