Sign in to follow this  
Gediid

Radio Ma Qaloocshe

Recommended Posts

Gediid   

Who said this guy wasnt funny.....

 

A. A. Garas

 

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo ilaaq abuurka ah.

 

Akhyaartayada indhaha buurbuuranow waxaynu soo gaadhnay ammintii aanu soo malaasi jirnay warkii carro-edeg, waxaana maanta idinku soo yuubi doona Mr, Tafa-gaab.

Madaxyuubka shankaroon-land ayaa khuruuj siyaasadeed ku marmaraya Cariga Afrika Oogo, isaga safar tabliiqinimo ah saddex dal oo Carrada Afrika ah isaga dab-qaaday.

 

Madax-yuubka oo awelba markuu agtayda joogay aamusnaan jiray ayaa markii uu fogaadayna safarkiisii wax sanqadh ah laga maqal, iyadoo ay wacnayd nin wayni hadii uu dal booqdo in qabqabtiisa la maqlo, balse war aan ka soo faramaroojiyey habar xagaa iyo Cariga Afrika ka soo hindiwaastay oo aan dharaar dhowayd suryo halkeer ah afka ugu dhuubaya ayaa ii sheegtay inuu madaxyuubku indha-indhayn iyo dhego-dhegayn laxaad leh ku guda jiro cariga Afrika Oogo. Waxa kale oo ay tibaaxdu sheegtay in afadii arimaha debedda u qaabilsanayd shankaroonta ay casharo ka akhriday milcaamad ku taal Tuulo ku taal Afrika Oogo.

Madaxyuubka oo il-mugeed ka soo buuxsaday arlada Afrika Oogo ayaa la filayaa inuu dharaar berito ama dharaarta ku xigta ka soo bixitimi doono caradaa.

 

Ha tashato diidee ha isu tukubto

 

Dalku aqoonsi buu u tukubayaa, aqoonsiguna doorashuu u tukubayaa, doorashaduna xeer bay u tukubaysaa, xeerkuna xal buu u tukubayaa, baarlamaanku dan bay u tukubayaan, guurtiduna dastuurkay u tukubayaan, Rayaalena kursigiisuu u tukubayaa, kursigana rag badan baa u tukubaya, Siilaanyona Rayaaluu u tukubayaa, Siilaanyona Saleebaan baa u tukubaya, wasiiraduna Saleebaan bay u tukubayaan, UDUB Kulmiyey u tukubayaan, Kulmiyena UCID buu u tukubayaa, komishanku xeerkuu u tukubayaa, xeerkuna tirokoob buu u tukubayaa, tirokoobkuna dawladduu u tukubayaa, dawladdana khiyaamo qaran baa u tukubaysa, C/qaadir Jirde Ina Xaashi buu u tukubayaa, Ina Xaashina Cawil baa u tukubaya, Cawilna Rayaale agtiisuu u tukubayaa, Ina Sulub Ismaaciil yaruu u tukubayaa, Jabuuti Itoobiya ayey u tukubaysaa, Itoobiyana Soomaaliyay u tukubaysaa, Somaliyana Somaliland bay u tukubaysaa, Somaliland-ba Puntland bay u tukubaysaa, Puntland-na dooxada Jubba ayey u tukubaysaa, dawladda Imbagatina Maxkamadaha islaamkay u tukubaysaa, Maxkamaduhuna C/laahi Yuusuf bay u tukubayaan, C/laahina ciidamo shisheeyuu u tukubayaa, Tigreeguna deked buu u tukubayaa, wadaaduna tigreegay u tukubayaan, Calateriya Itoobiyey u tukubaysaa, Suudaan Calateriyey u tukubaysaa, Masarna Suudaan bay u tukubaysaa, Maraykanku argagixisuu u tukubayaa, Bush Binu Laadin buu u tukubayaa, Binu Laadin-na Boqortooyada Sucuudiguu u tukubayaa, Yurub Maraykankay u tukubaysaa, Ingiriiskuna Yurub buu u tukubayaa, Iiraan Nukliyeer bay u tukubaysaa, Lacagta Yuuradu doolarkay u tukubaysaa, qaadleydu muqawadkay u tukubaysaa, muqawadkuna qaayimaduu u tukubayaa, mudanayaashu maayaray u tukubayaan, maayaraduna baloodhay u tukubayaan, dadkuna dhul bay u tukubayaan, dhulkuna sharci buu u tukubayaa, dadka dulmani cadaalad bay u tukubayaan, maxkamaduhuna musuqmaasuq bay u tukubayaan, Berberi Burcay u tukubaysaa, Booramena Hargeysay u tukubaysaa, Gabilayna gobol bay u tukubaysaa, Caynabo Laascaanood bay u tukubaysaa, Laascaanood-na Ceerigaabay u tukubaysaa, Raadyowgu war buu u tukubayaa, aniguna Islaan baan u tukubayaan, Aslina anigay ila yaaban tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

radio ma qaloocshe of Haatuf is legendary in hargeisa, his column in haatuf is my favourite..

 

i also like dhanxiir another funny person am not sure if it is not the written by A.Garas as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this