Sign in to follow this  
Paragon

OGEYSIIS MUHIM AH: SHIRWEYNE LAGU QABANAYO GALBEEDKA LONDON 27/04/08

Recommended Posts

Paragon   

OGEYSIIS MUHIM AH: SHIRWEYNE LAGU QABANAYO GALBEEDKA LONDON 27/04/08

 

(21-04-2008) Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool UK waxaa lala socodsiinayaa in lagu qabanayo galbeedka London Shirweyne muhim ah 27 April 2008. Shirkan oo Sanadkastaba la qabto waxaa iska kaashanaya qabanqaabadiisa: Golayaasha Xuquuqul-Insaanka & Nabadda Geeska Afrika, Golaha Midnimada Soomaaliweyn iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

 

Shirweynahan waxaa si guud lagaga hadlayaa dhibaatooyinka balaadhan ee ay ku sugantahey Soomaalidu haatan oo isugu jira: Dagaalada ka socda, Xasuuqa, Barakicinta, Abaaraha ka jira gobolada qaar, Gumaysiga Ethiopia iyo Xadgudubyada Xuquuqul-Insaanka loo gaysanayo dadka rayadka ah.

 

Sidoo kale waxaa shirweynahan lagaga hadlayaa qaabka ugu haboon ee Soomaalida qurbaha ku nooli isu kaashan karto, ugana qayb qaadan laheyd arrimaha siyaasadda iyo bulashada dalalka ay ku nooshahey.

 

 

Waxaa lagu casuumay kulankan dad aad muhim u ah oo ay ka midyihiin siyaasiyiin, aqoonyahano, culamaa-u diin, waxgarad Soomaali iyo musharixiin Somali & shishiiye isugu jira iyo hay'adaha Xuquuqul-Insaanka.

 

Haddaba dadweynaha sharafta leh ee Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa iney ka soo qaybgalaan shirkan aad muhimka u ah,isla markaana dhowraan waqtiga.

 

Waxaa si sharaf leh laguuugu casuumay shirkaan muhiimka ah ee fadlan ka soo qeybgal, Asaxaabtaadana u sheeg ha ka soo qeybgalaane. Yaan loo kala harin.

 

Wuxuu dhirku ka dhacayaa : West London Islamic Centre, Browlow Road, West Ealing, London W13 OSQ Saacaddu markay tahay 2pm-7pm.

 

Gaadiidka [ Transportiga] lagu imankarayo waa:

Tub: West Ealing Station- British rail& Und; Ealing Broadway[ Central & District Line]

Bus: E-8, 607,207,427,83,E-3 [front Ealing Broadway]

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala soo xiriir:

Dr. A. Hirey

Mob:07903810231, 07949958341

Tel: 02031100022

E-mail: hornrights@yahoo.com or

Dahabo Dowlo

E-mail: dahaboisse@googlemail.com

 

Sidaas iyo ka soo qaybgalwacan Shirka

Dr. A. Hirey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkaan aniga maalin dhawayd u sheegay, wax Soomaaliya, Soomaali, Soomaalinimo ma maqli karo, iskaba dhaaf Soomaaliweyn. Cudur weyn waaye.

 

I don't know what he types when he comes here since the word Soomaaliya is there on the URL's name.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this