Sign in to follow this  
wind.talker

PM Ghedi to go to Mogadishu on Friday, Apr. 29

Recommended Posts

About time!

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo Galabta ku dhawaaqay inuu Jimcaha Muqdisho soo gaarayo.

 

Cali Maxamed Geeddi oo ah Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta markii ugu horeysay waxaa uu sheegay in magaalada muqdisho imaan doona maalinta jimcaha ee fooda nagu soo hayso.

 

Geeddi ayaa sheegay inuu qorsheystay in dadka muqdisho si niyad samo ku jirta ula hadlo, isagoo sheegay in jimcaha ay noqon doonta maalinta isaga caga soo dhigaya soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho.

 

“Waxaan doonayaa inaan dadka muqdisho la hadlo oo ka saaro waxyaabaha xun ee loo sheegay, sidoo kale waxaan doonayaa inaan la kulmo xubnaha Labada Gole ee Xamar jooga, howsha ay wadaana waa mid aan soo dhaweynayno mar kastaâ€ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in Xukuumadiisa todobaadka soo socda ka tashan doonta halka ay dowladda dagayso si markaasi Baarlamaanka loo horgeeyo.

 

Haddii Magaalada muqdisho yimaado Cali Maxamed Geeddi ayaa waxay ka dhigaysa markii ugu horeysay oo Geedi yimaado tan iyo November sanadkii tagay markii uu xilkaasi qabtay.

 

Waxaa socda qaban qaabo looga jiro soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, iyadoo la filayo in si weyn loo soo dhaweeyo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Maxamed Dheere oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta kulan saacado qaatay ku dhex maray halka uu Madaxweynaha Dowladda KMG ah ka degan yahay Nairobi Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo hogaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

 

Wararka ayaa sheegaya in 3 nin oo Siyaasad ahaan isku dhaw ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u soo guurida dowladda KMG ah iyo qorshihii ahaa in Dowladdu xarun KMG ah ka dhigato magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar.

 

Sida ay sheegayan wararka la imaanayo halkaasi Maxamed Dheere ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha u gudbiyay Barnaamij gaar ah oo ku saabsan inuu Maamulkiisa diyaariyay goobihii ay Dowladda degi lahayd.

 

Isla wararkaas ayaa sheegaya in ay ka wada tashadeen arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya, sida howlgalada Magaalada Muqdisho ay ka wadaan xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda KMG ah.

 

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Maxamed Dheere C/llaahi iyo Prof Geeddi u gudbiyay heshiis dhawaan magaalada muqdisho kula galay xubno uu ka mid ahaa Ganacsade Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this