Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Strategiyada Dib-u-Heshiisiinta Dawladda (H.E Dr. Mohamed

Recommended Posts

Strategiyada Dib-u-Heshiisiinta Dawladda Federalka KMG ee Jamhuriyadda Somaliyeed

 

By H.E. Dr. Mohamed Mohamoud Handule

Friday, March 21, 2008

 

Horudhac

 

Dawladda Federalka KMG ee Jamhuriyadda Somaliyeed waxay rumeysantahay in dib-u-heshiisiintu saldhig u tahay xal ka gaaridda khilaafka siyaasadeed ee Somaliya, taabagelinta nabad waarta iyo habsami u hawlgelin hanaankii dawladnimo ee Somaliya. Dawladda FKMG waxay kaloo aaminsantahay in dadka Somaliyeed ay dhamaantood door ku leeyihiin hirgelinta heshiisiin buuxda ee dhexmarta bulshada Somaliyeed, loona baahan yahay in qof kasta guto waajibaadka ka saran Dalka, helana xuquuqda uu ku leeyahay.

 

Iyadoo la raacayo axdiga KMG ah DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaliyeed, lana sii ambaqaadayo go'aamadii ka soo baxay shirkii D/heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdishu 2007, Dawladda FKMG Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay soo bandhigeysaa aragtideeda geedi socodka dib-u-heshiisiinta Somaliya, si loogu dhameeyo khilaafka iyo colaada Somalida dhexdeeda qaab nabadeed, loo wada dhan yahay, oo dhaliya xal waara.

 

Qaabka Dib-u-Heshiisiinta

 

Dawladda FKMG Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay u aragtaa in dib-u-heshiisiintu ay ka koobnaato laba qaybood oo isu adeegaya, kalana ah: Dib-u-heshiisiinta bulsho/degaan iyo Dib-u-heshiisinta Dawladda iyo Mucaaradka.

 

Dib-U-Heshiisiinta Bulsho/ Degaan

 

Community Engagement / local level reconciliation

 

Wajigan dib-u-heshiisiinta ujeedadiisu waa in lagu demiyo xiisadaha colaadeed ee degaanada qaarkood, lagu xalliyo khilaafaadka bulshada dhexdeeda, loogana wada qaybgalo dhismaha maamul loo wada dhan yahay heer degmo ilaa heer gobol.

 

Dib-u-Heshiisiintan Bulsho/Degaan waxaa fulinteeda ka hawgelaya Dawladda KMG iyadoo, si kalsooni ku jirto, ugala kaashaneysa qaybaha bulshada ee degaanada sida; Odoyaasha Dhaqanka, Culuma’udiinka, Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Siyaasiyiinta Degaanka.

 

Dib-U-Heshiisiinta Bulshada / Degaanka waxaa loo kala qaadi karaa laba waji oo is kaabaya, kalana ah:

 

Abuuris Jawi Nabadeed - Peace promotion

 

Ujeedada wajigan dib-u-heshiisiineyd waa in lagu demiyo ama la qaboojiyo xiisadaha colaadeed iyo dagaalada ka socda degaanka si loo abuuro jawi lagu wada tashan karo laguna shaqeyn karo. Wajigan hore ee Dib-u-heshiisiinta Bulshada saldhig waxaa u ah in dawladdu abuurto kalsooni ay Bulshada degaanku si dhab ah uga qeybgalaan, talona ugu yeeshaan hawsha wacyigelinta bulshada, deminta xiisadda colaadeed iyo adkeynta xabadjoojinta la gaaro.

 

Goobaha Dawladdu u qorsheysay in laga fuliyo wajigan dib-u-heshiisiinta waxaa ka mid degaanda xiisaduhu weli ka jiraan “trouble spots”.

 

Nabadeyn iyo Dhisidda Maamul Degaan

 

 

Dib-u-heshiisiintan wajigeeda 2aad waxaa lagu dhameeynayaa khilaafaadka iyo aamin darrada bulshada ka dhex jira, iyadoo wada xaajoodkooda la gaarsiinayo heer ay dib u soo laabato kalsoonida iyo iskaashiga dhexdooda.

 

Wajigan dib-u-heshiisiinta waxaa loogu talo galay in la gaarsiiyo heer bulshada degaanku si buuxda uga qaybqaadato habka Maamul sameynta heer degmo ilaa heer gobol, kuna dhistaan maamul ay ku kalsoon yihiin degaankooda.

 

Dawladdu waxay hore uga bilowday nabadeyn, kana dhistay gobollada qaarkood maamulo heer degmo iyo gobol, waxaana u qorsheysan in laga hirgeliyo dib-u-heshiisiin dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee aan weli laga sameyn.

 

 

Fiiro Gaar ah

 

Dawladda FKMG Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay rumeysantahay in dhisidda maamullo wanaagsan oo wakiil ka ah bulshada, dib u soo celinta adeegyada bulshada, habsami u hawlgelinta hayadaha sharciga iyo amniga, iyo dib u soo nooleynta kaabayaasha dhaqaale ay udub dhexaad u yihiin taabogelinta dib u heshiisiinta bulshada iyo degaanadooda.

 

Dib-U- Heshiisiinta Dawladda iyo Mucaaradka

 

Dawladda FKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho, lana heshiiso cid kasta oo Somali ah oo ka soo horjeeda.

 

Dawladda FKMG waxay oggoshahay in lagu qabto kulanka wada xaajoodka goob kasta oo Dawladda iyo Mucaaradka isku afgartaan.

 

Dawladda FKMG waxay soo jeedinaysaa in hal marin loo qaado wadahadalka siyaasadeed, si loo gaaro dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, kuna talineysaa in dhexdhexaadinta ay sameeyaan xubnaha beesha caalamka ee ku firfircoon arrimaha Somaliya oo uu hoggaminayo Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somaliya.

 

Dawladda FKMG waxay u soo jeedinaysaa dhexdhexaadiyaasha beesha caalamka in uu soo bandhigo qaabka wada hadalka iyo waqtiga kullanka Dawladda iyo Mucaaradka.

 

Dawladda FKMG waxay ku boorineysaa beesha caalamka in ay gacan ku siiso dawladda, mucaaradka iyo dhexdheaadiyahaba sidii uu u guuleysan lahaa wadahadalku. Sidaas darted, Dawladda FKMG waxay ka codsaneysaa xubnaha beesha caalamka ee u heelan Somaliya, gaar ahaan Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Somaliya in ay siiyaan taageero dhaqaale.

 

Xukuumada FKMG ee Jamhuriyadda Somaliyeed waxay u magacaabeysaa guddi la xaajooda mucaaradka, talooyinna soo siiya Dawladda.

 

H.E. Dr. Mohamed Mohamoud Handule

Ambassador extraordinay and plenipotentiary

The Embassy of the Somali Republic

Moscow, 117556

Simferopolsky Bulvar. Dom 7a, Kv. 145

Somali Embassy in Russia

Russia

somembassy@nabad.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this