Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ethiopians withdrawing from Mogadishu

Recommended Posts

Hargeysa (Somalilandnation)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta beenisay warar been abuur ah oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ee ka guuraya Muqdisho hubkooda culus ay soo marin doonaan Dekeda Magaalada Berbera.

 

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge , ayaa u qornaa sidan:

 

“Aniga oo tix raacayna wararkii ay soo qoreen wargeysyada qaar ka mid ah maanta oo ay taariikhdu tahay 19/08/08 , kuwaasi oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka guuraya Muqdisho hubkooda culus ay soo marin doonaan Dekeda Magaalada Berbera.

 

Warkaasi waxa uu yahay mid been ah oo aan waxba ka jirin , sal iyo raad toona lahayn.

 

Waxa xusid mudan in markii Ciidamada Itoobiyaanku ay galayeen Soomaaliya in wargeysyada qaarkood ay qoreen in ciidamada Itoobiyaanka laga soo dajin doono Dekeda Berbera , sidaa awgeed waxa aanu leenahay warkan ay qoreen wargeysyada qaarkood in uu yahay beentii looga bartay iyo wararkii raqiiska ahaa ee caadada u ahayd in ay qoraan wargeysyada qaarkood, waxana ayaan darro ah in wargeysyo sheeganaya in ay ka mid yihiin warbaahinta qaranka Somaliland in ay beentaa ka iibiyaan shacbiga Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba.

 

Waxa aanu shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in aanay u dhaga taagin wargeysyada noocaas ah ee looga bartay beenta iyo wararka qaran dumiska ah ee ay caadaysteen”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   
Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

[QB] Hargeysa (Somalilandnation)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta beenisay warar been abuur ah oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ee ka guuraya Muqdisho hubkooda culus ay soo marin doonaan Dekeda Magaalada Berbera.

 

This is not a big deal man, it is not their decesion not to allow the Ehiopians to use thev port, but they are not yet asked. if, Ethiopia needs to use that port, I think SL, has no other option except giving hasty permission.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

join the celebration badow yaho

 

 

today am so angry my own people are killing each other goormanu ilbixi dooona sidi reer bariga oo kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this