Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Wariyaasha la ugaarsanaayo

Recommended Posts

Wariyaal ka howlgali jiray Idaacadaha Muqdisho qaarkood oo dalka isaga tagay kadib markii la soo gaarsiyay fariimo hanjabaad ah

 

Ilaa iyo 10 Wariye oo ka shaqeyn jireen qaar ka mid ah Idaacadaha FM-yada Muqdisho iyo Bogaga Internd-yada ayaa isaga cararay Magaalada Caasimadda ah ee Soomaaliya kadib markii la soo gaarsiiyay fariimo isugu hira hanjabaad iyo Digniino.

 

5 Wariye oo ka shaqeyn jirtay Idaacadda Hornafrik iyo Wariyaal kale oo Madax bannaan ayaa la ii xaqiijiyay inay u baqooleen dhinaca iyo Magaalada Nairobi kuwaas oo ka cararay xaaladda xun ee ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

11-bishii hore ayaa falal laga naxo waxaa lagu dilay Labo Agaasime oo midna ka mid ahaa Milkiilayaasha Shirkadda Warfaafinta Hornafrik iyo midna madax ka ahaa Idaacadda Codka Caasimadda oo Hornafrik hoos tagta waa Cali Iimaan Sharma’arke iyo Mahad Axmed Cilmi.

 

Wariye Mahad ayaa subaxnimadii 11-Agost waxaa Madaxa rasaas uga furay dablay hubeysan, isagoo markaasi ku sii jeeday Xafiiskiisa, halka Ali Iimaan Sharma’arke gaarigiisa Bam lala helay mar uu ka soo laabtay aaska Mahad Axmed Cilmi oo saaxiibo wada shaqeeya ahaayeen.

 

In kastoo Ahmed C/salaam oo ka mid ah Agaasimiyaasha Shirkadda Warfaafinta Hornafrik isagoo Canada jooga sheegay inay sii wadi doonaan shaqada ayaa haddana idaacadda laga dareemay inay isaga tageen wariyaal fara badan oo qaarkood hadda ku sugan Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland halka Wariyaal kale mar sii horeysa tageen Magaalada Nairobi qaar kalena hadda ku sii jiraan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi kadib markii la soo gaarsiiyay fariimo hanjabaad ah.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilantay inay sugto ammaanka Wariyaasha iyo mawaadininta Soomaaliyed.

 

Wariyaasha u shaqeeya Bogga Internedka Dayniile ayaa si dhuumaaleysi ah ku jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kadib markii nin ay deris yihiin Xafiiska Dayniile Muqisho soo gaarsiiyay fariin ah in la raadinayo Wariyaashaas, wax yar kadib Xafiiska Dayniile Muqdisho waxaa tagay niman Bustoolado ku hubeysan oo dhar cad ah kuwaas oo watay gaari waxayna doonayeen inay fal ku sameeyaan wariyaasha
.

 

Mar sii horeysay ayaa Wakiilada Bogga Midnimo ee Muqdisho hanjabaad waxay kala kulmeen Maamulada Dowladda Federaalka, kuwaas oo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Wariyaasha Bogga Midnimo
.

 

Xaaladda Wariyaasha Soomaaliyed ee Muqdisho jooga ayaa khatar badan ku jirta loona baahan yahay in ay helaan gurmad deg deg ah si looga badbaadiyo hanjabaadaha ka kala imaanaya kooxaha isku haaya Magaalada Muqdisho.

 

Mid ka mid ah Wariyaasha u shaqeeya Wakaalada wararka Dibadda ayaa isna isaga cararay Magaalada Muqdisho isagoo haatan ku sugan dalka Jabuuti, wariyahaas ayaa fariin dhinaca telefoonka la soo gaarsiiyay mar walba waxaa loo sheegayay meesha uu ku sugan yahay iyo dharka uu wato, loona sheegay In la dili karo waqtigii a doono.

 

Qalqal fara badan ayaa hadda soo food saaray Wariyaasha ku haray Muqdisho kuwaas oo qaarkood damiyay telefoonada gacanta kuna sugan guriyahooda, qaar kale ayaaba howshoda hakiyay, laakiin saas oo ay tahayna waxaa jira kuwa ku dadaalaya inay shaqadoodan sii wataan.

 

Inkastoo this site, Midnimo.com, is pro-Geedi, xataa this wariye soo qoray this warbixin waa ka garan gartaa inay cabsi ka muuqato. Xamar marxaladdo badan oo xun soo martay toban iyo dhowrii sane duliga lagu jiray, laakiin wariyaashii Soomaaliyeed la ugaarsanaayo had never been part of it. Waxaaba la rabaa in war dhan laga waayo dalka, siiba warka shaqsiyada qaarkood dhibaayo ee xasuuqa ah.

 

Wariyaashii warbaahinta caalamka u shaqeynaaye, sida kuwii kusoo caan baxay labadii sane u dambeysay ee Sahal Cabdulle iyo Guuleed Max'ed of Reuters, Salaad Dhuxul and Max'ed Colaad Xasan of Associated Press iyo C/llaahi Caddoow of Aljasiira, kuligood hadalkooda laba maqlin toddobaadyo, oo inay ka wada carareen dalka, siiba Xamar, tahay. Sahal Cabdulle Kanada uu ka tagay ayuu iskaga soo noqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Media watchdogs warn of Somali journalists' safety

 

NAIROBI (
- 5 Sep 2007) - Two international media watchdogs said on Wednesday Somali reporters were in danger after unidentified gunmen threatened the life of an official in the country's journalists union.

 

The International Federation of Journalists said a leader of the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), Ali Moallim Isak, received threatening telephone calls and two armed men went in search of him at the group's offices on Tuesday.

 

"
Ali and his colleagues are now targeted because their work disturbs some people who claim they are fighting for democracy but ignore the fact that press freedom is one of the bases of democracy
," said Gabriel Baglo, a director at the federation.

 

Another press freedom organisation, Reporters Without Borders, issued a statement condemning the murder of seven journalists in the anarchic country this year.

 

"Mogadishu's chronic violent crime makes journalists an easy target," the Paris-based body said. "The government should adopt urgent protective measures to show that it wants to retain what is currently one of the country's best assets."

 

Reporters Without Borders said at least 13 journalists had fled Mogadishu, with 10 stuck at a border crossing into Kenya because of restricted entry visas into the more stable neighbouring country.

 

Last month, three journalists were killed in Somalia.

 

These included two from the prominent HornAfrik media house. One was shot dead while going to work, the other was killed in a remote-controlled blast returning from the funeral.

 

The Horn of Africa country has known little peace in the last 16 years, since the fall of a military dictator, and is facing an insurgency led by Islamist fighters opposing the interim government and its Ethiopian military allies.

 

Both sides blame each other for the journalists' deaths.

 

Prime Minister Ali Mohamed Gedi, who has survived half a dozen assassination attempts, said last month he was deeply concerned about rising violence against the media.

 

"We want journalists to be able to do their work freely, and we are doing all we can to help them do that," he said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

MMA..Human Rights Watch sums up the whole situation...Xabashi iskaa dhaaf cid kale, harkooda aayeed ka didayaan and in that state of limitless fear they found themselves engulfed...they r terrorizing the whole nation....including,very often, if you could believe, their own stooges...

 

Somalia: War Crimes in Mogadishu

UN Should Address Civilian Protection

http://hrw.org/english/docs/2007/06/07/somali16099.htm

http://hrw.org/english/docs/2007/08/06/somali16599.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this