Sign in to follow this  
Jabhad

NRC aka Tigre project vs UN, AU, EU, Jaamacada Carabta and the Contact group .

Recommended Posts

Jabhad   

Muqdisho, Isniin, July 23, 2007 SMC

 

Dowladda Federalka Somalia, ayaa Walaac-siyaasadeed ka muujiyey Sababaha rasmiga ah ee ay QM, Ururka Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Arrimaha Somalia ay Ergooyin ugu soo dirsan waayeen Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee haatan ka socda magaalladda Muqdishu.

 

Iyadoo ay Dowladda Federalka Casuumaad u kala dirtay Ururradda Caalamiga iyo dowladaha daneeya Arrimaha dalka Somalia, si ay uga soo qeyb galaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia oo bishan 15-dii ka furmay magaalladda Muqdishu, ayaa waxaan ilaa iyo haatan soo xaadirin Ergadda Caalamiga ee lagu casuumay Kulankaasi oo aay DFKMGS gogoshiisa dhigtay.

 

 

 

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inay Ergooyinka Caalamiga sababo dhinaca Ammaanka ay uga soo qeyb-geli waayeen, inkastoo aysan DFKMGS weli wax cuddurdaar rasmi ah ka helin Ergooyinka QM, Ururradda Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Europe iyo Kooxda Caalamiga ee Isku-xirka Arrimaha dalka Somalia.

 

Mas’uul sare oo ku dhowdhow Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddioo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa magaalladda London, ayaa sheegay inay Xukuumadda weli ka war-dhowrayaan haddii Mas’uul ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ka soo qeyb geli doono Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Soamlia, amaba ay Wakiillo ka kala socda Ururradda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Kooxda Caalamiga ee Isku-xirka Arrimaha Somalia ay u imaan doonaan Kulan-weynaha dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia.

 

Sida lagu soo daabacay Cadadka maanta ee Wargeyska Asharqal Awsad, waxa uu Mas’uulkaasi oo aan la carabaabin sheegay inaysan ilaa iyo shalay wax mas’uul ama Ergay ah oo ka socda Jaamacadda Carabta soo xaadirin Fadhiyadda Shirkaasi, isla markaana aan la fahmi karin Mowqifka noocaasi ah.

 

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Axmed Bin Xali ayaa u sheegay Wargeyska Asharqal-awsad inuu Caamir Muuse u soo xil-saaray Ergayga Khaaska ee Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan dalka Somalia, Danjire Saalim Al-khasaybi loo soo xil-saaray inuu Ururka u matalo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia,.

 

Ergaygaasi, oo la sheegay inuu ku sugan yahay Magaalladda Muqdishu, ayaan la sheegay inuusan weli ka qeyb gelin Furitaanka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia iyo fadhiyaddii ka dambeeyey.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this