Sign in to follow this  
Cowke

Garowe: Vice President Abdisamad Opens New Anti Piracy Project

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweyne ku-xigeenka PL oo Garowe ka furey mashruuc

5 May 5, 2010 - 6:40:23 AM

 

Munaasabadan oo maanta 5 May,2010 ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacada PSU ee magaalada madaxda Puntland ee Garowe ayaa lagu soo bandhigay mashruuc looogu talo-galey sidii loo badali lahaa nolasha dadka burcad badeeda ahaan jirey iyo kuwo haatan u hanqaltaagaya, loona sameeyo xirfado ay ku badelaan nolashooda.

 

Mashuuraca waxaa si wadajira u fulinaya hay'adda NCA oo dhaqaale ka hesha dalka Norway & Wasaarada Caddaalada iyo dhaqan celinta.

 

Waxaa ugu horayn munaasabada hadal kooban ka jeediyey maareeyaha mashruucan Burhaane Goshe Makaa'iil.oo u mahad celiyey dowlada,culimada iyo hogaanka dhaqanka Puntland doorka lama ilaawaanka ah ee sida wadareed uga qayb-qaaten sidii loo suulin lahaa burcad badeeda iyo dhaqan celintooda.

 

Maxada hay'ada NCA islamarkana wakiil UGA AH wadamada Somaliya, Kenya, iyo Ugandha GAIM KEBREB ayaa sheegay in ujeedada mashruucu yahay in la jiheeyo dhalinyarda noqotey burcad badeedka iyo sidii loo soo celin lahaa kuwa ku maqan badaha.

 

Munasabada lagu furayey mashrucan ayaa waxaa ka hadley Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi-samad Cali Shire isaga oo sheegey sida loogu bahaanyahay in dhaqan celin lagu sameeyo dhalinyarada Burcad badeedka ahaan jirey iyo kuwa noqonaya isaga oo xusey in loo bahaan yahay in shaqooyin loo abuuro iyadoo la barayo xirfado.

 

Puntland badaheeda ku xeeran oo ay ka howlgalaan Burcad badeed ayaa laga wadaa olole balaaran oo lagula dagaalamayo kooxahaas badaha ka qowleysta.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xaji yeah bro theirs pics!!!

 

Puntland iyo Norwey oo iska kaashanaya Dhaqan celin lagu samaynayo B/Badeeda

 

Barnaamijkaan oo ay iska kaashanayaan Dowlada Norway iyo Dowlada puntland ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay in uu yahay mid lagu dhaqan celinayo dhalinyaradda hab waafaqsan shareecada islaamka iyadoo la wacyi galinayo 600 oo dhalinyaro ah loo samaynayo xirfado iyo shaqooyin, xirfadahaas oo ay ka mid yihiin sida konrontada Farsamada gacanta iyo kuwo kale.

 

Xaflad balaaran oo mashruucan xariga lagaga jarayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay xarunta jamacadda PSU ee Magaalada Garowe taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka puntland Wasiiro Xildhibaano Isimo Culumowdiin iyo ha’yada Fulinaysa Barnaamijaani oo deeqdu soo martay NSA oo ah ha’yad Norwegeian ah

 

Ugu horayn waxaa ka hadlay Wasiirka Wasarada Cadaalada diinta, awqaafta puntland iyo dhaqan celinta oo ayagu hawsha fulinayo khaliif Xasan Ahmed oo ka warbixinaya ujeedada barnaamijkaan lagu jihaynayo dhalinyarada burcada sidii looga soo weecin lahaa Falalka burcada loguna abuuri lahaa shaqooyin iyo xirfado kala duwan

 

Daa’uud Maxamud cumar waa wasiirka Qorshaynta iyo xirirka caalamiga ah ayaa isna tibaaxay in loo bahan yahay odaasha dhaqanku sidii ay horay u sameeyeen in ay wacyi galiyaan dhalinyarada oo ku hoobanaya bada qaybna la qabanayo kuwana lagu laynayo

 

Wakiilka ha’yada NSA u qaabisaln Kenya, Somaliya iyo Uganda Eng Gaim Kerbeaab ayaa sheegay in hawshaani ay xil iska saaraan Dowlada puntland maadaama uu muhiim u yahay dhalinyarada in loo abuuro shaqooyin waxaana kale oo uu sheegay in uu Mashruucani soconayo mudo 3 sano ah laguna hormarayo in ku dhow 200 oo dhalinyaro ah oo isaga baxay Burcadnimadii in ay iayagu laf ahantoodu ay wacyigalin sameeyaan

 

Dhibta burcada iyo ku dhiiri galinta in ay qabsadaan maraakiibta ayaa waxaa la sheegay in ay qayb ka yihiin haweenka sida ay sharxayso Siciido Xirsi Cigaal oo ah Madaxa ha’yada Diakooniya .

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa sooa ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo isagu si rasmi ah xariga uga jarayey Mashruucan waxaana uu u mahad celiyay Dowlada Norway oo kaalin wayn ka qadatay barnaamijkaan waxaa kale uu intaasi ku daray in mar walba loo bahan yahay wacyigalinta dhalinyarada caadaysatay tahriibta iyo Burcada isagoo soo dhaweeyey marshruucaan kuna tilmaamay mid ka qayb qaadan kara sidii xal loogu heli lahaa dhalin yarada soomaliyeed ee ku howlan sidii ay maraakiib uga qafaalan lahaayeen biyaha caalamiga ah

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe

 

Untitled-66.jpg

 

Untitled-67.jpg

 

Untitled-68.jpg

 

Untitled-69.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

Hey Cowke.... is this available in English anywhere?

 

I`d really like to take a look at it, and my Translator (my wife) isn't in right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

Is this it?

 

Somalia: Puntland's vice president launches project to help troubled youth

5 May 5, 2010 - 4:01:29 PM

 

Puntland vice president opens reform project for youth

The Vice President of Somalia’s northern state of Puntland Abdi-samad Ali Shire has on Wednesday launched a multi-million project to help individuals who denounced piracy reform their lives for better.

 

The project, a joint collaboration between Norway-funded NCA and Puntland ministry of Justice, Religious Affairs and Rehabilitation is to help give skill training and capacity building to the youth who have abandoned the risky piracy business.

 

Vice President Ali Shire said there is need to rehabilitate and create jobs for the youth in order to discourage them from venturing into the risky menace.

 

NCA regional representative Gaim Kebreb on his part said the project would have great impact on both the former sea gangs and their colleagues who are at the moment in the sea.

 

Puntland authority’s use of mosques and public forums to highlight the negative impact of piracy on the local community has paid off with many suspected pirates denouncing their actions.

 

Piracy off the coast of Somalia, which has been on increase in recent past, has greatly damaged Puntland’s economy inlets including livestock exports and the fishing industry, while bringing vices like alcohol and prostitution.

 

The semi-autonomous state is relatively peaceful and prosperous compared with southern Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

Really great. This needs to be in Main Stream Media for some positive PR for Puntland & Somalia. I can see about arranging that... we have very positive media influences.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this