Sign in to follow this  
RedSea

Alart: new Suldaan, degmada Sheekh.

Recommended Posts

RedSea   

Aniga oo ah Suldaan Cismaan Suldaan Cali,waxa aan aad ugu farxsanahay Suldaanka Beesha Musa Cabdalle

 

 

Go’da (Jam)- Shir ay ka qaybgaleen 154 ergay oo kala socday ardaayada Beesha Muusa-cabdalle (Habar-yoonis) oo muddo afar maalmood ah uga socday tuulada Go’da ee degmada Sheekh, ayaa shalay lagu doortay Maxamed Xasan Ibraahim in uu noqdo Suldaanka beeshaas.

 

Sida uu soo tabiyay Weriye Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan wargeyska Ogaal, waxa uu muddadii uu shirkaasi socday lagu kala reebay musharaxiintii tartanka isu soo taagtay oo tiradoodu ahayd 8 musharrax, kuwaas oo Cuqaasha iyo xubnaha ergadu codad iyo xulasho ku kala reebeen, aakhirkiina waxa Maxamed Xasan Ibraahim iyo Nuur Faarax Xuseen oo iyagu noqday labadii xubnood ee isugu soo hadhay madashii shirku ka socday oo ay goob-joog ka ahaayeen 152 ergay.

 

Kadib markii ergadii Shirku waxay iska dhex-doorteen, shirguddoon ka koobnaa 4 xubnood, kuwaas oo kala ahaa; Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen, Xoghaye iyo Afhayeen.

 

Doorashadaa Shirguddoonka kadib, waxa uu Guddoomiye Khadar Cali Cilmi ergadii u akhriyay ajandihii shirka lagu maamulayay, kaasoo ka koobnaa dhawr qodob. Isla markaana wuxuu Guddoomiyuhu ergada ku wargeliyay in loo qaado cod gacan-taag ah labada xubnood ee isku soo hadhay ka noqon doona Suldaanka cusub ee Beesha Muuse Cabdalle. Sidaana waxay 134 ergay ugu codeeyeen in Maxamed Xasan Ibraahim in uu noqdo Suldaanka Beesha, halka 17 ergayna ay u codeeyeen Nuur Faarax Xuseen, Guddoomiyuhuna aanu ka codayn. Codayntii kadib, waxa Guddoomiye Khadar uu u yeedhay Suldaanka cusub Maxamed Xasan Ibraahim, isla markaana Suldaanka cusub waxa uu madasha horteeda ka jeediyay khudbad, taas oo isugu jirtay baraarujin, duco iyo dardaaran. Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo faahfaahinaaya miisaanka xilka loo doortay, ayaa sheegay in xilku yahay miisaan culus, “Maadaama xilkan la ii doortay miisaan culus yahay kumaan farxin ee waan ka werwerayaa, xilkuna waa wax Ilaahay kaala xisaabtamayo if iyo aakhiraba. Sidaa daraadeed, waxaan dhammaantiinba idinka codsanayaa inaad Ilaahay iiga baridaan in uu ii fududeeyo xilka la ii igmaday,” ayuu yidhi Suldaanku. Suldaanku waxa uu carrabka ku dhuftay inuu u baahan yahay talooyinka kuwii doortay. Dhinaca kale, waxa uu Suldaanku ammaan u soo jeediyay dhammaanba ergadii ka qaybgashay munaasibadda iyo guud ahaanba shacabka ku nool degaanka Go’da, oo uu ku ammaanay inay nasiib u yeesheen in lagu qabto munaasibaddan.

 

Ugu dambayntii, shirguddoonkii madasha Khadar Cali Cilmi ayaa sheegay, in munaasibadda caleemo-saarka Suldaanku ay toddobaadka soo socda ka dhici doonto magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

 

Dhinaca kale, suldaanka cusub ee beesha Muuse Cabdalle, Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ay gelbinayaan cuqaasha beesha iyo guutooyin dad ah, ayaa shalay subax gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo ay suldaankla iyo weftigiisa kaga horyimaaddeen duleedka magaalada boqollaal qof oo ka tirsan dadweynaha reer Burco, kuwaas oo watay gaadiid tiro badan.

 

Waxa kale oo suldaanka iyo weftigiisa qado-sharaf ugu sameeyey hoteelka Shamaxle, salaadiin, cuqaal, ganacsato, culimaa’udiin iyo dhallinyaro ka soo jeeda beelaha Habar/yoonis.

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali, oo ka mid ah madax-dhaqameedyada beelaha Gobolka Togdheer oo kulankaa hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay suldaanka cusub ee beesha Muuse Cabdalle, kaas oo uu ku tilmaamay in uu ka furan doono hawl badan oo markii hore isaga saarnayd. “Waayo,” ayuu yidhi; “halkii aannu markii hore Muuse Cabdalle oo u yeedhi jirnay, haddana marka arrini timaaddo waxaan odhanayaa waar Suldaankii Muuse Cabdalle ha loo yeedho.”

 

Muddadii Suldaanku joogay magaalada Burco, waxa booqasho iyo salaan ugu imanayey boqollaal qof oo ka tirsan bulshada ku dhaqan Burco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this