Sign in to follow this  
Dhubad.

Xildh. Caasho Axmed C/lla “Labada dagaal ooge ee Rayaale iyo Cadde waa iney..

Recommended Posts

Dhubad.   

Xildh. Caasho Axmed C/lla “Labada dagaal ooge ee Rayaale iyo Cadde waa iney faraha kala baxaan arimaha gobolada Sool iyo Sanaag”

 

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari ayaa markii ugu horeeyey ka hadashay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Dahar ee gobolka Sanaag ciidamada labada maamul ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ay ku tilmaantay iney yihiin dagaalo lagu dhibaateynayo dadka halkaas ku dhaqan oo ay sheegtay iney yihiin kuwo nabada jecel.

 

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyeysay labada maamul iney hardamayaan dadka dushiisa waxayna ugu baaqday iney si deg deg ah colaada u soo afjaraan oo haddii ay sidaa yeeli waayaaana ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee ka yimaada dagaalada ay wadaan sida ay sheegtay “kuwa Puntland u shaqeeyana dano gaar ah ayey wataan, kuwa kale ee Somaliland la shaqeeya iyana dano gaar ah ayey leeyihiin ma jirto labada dhinacba cid u daneyneysa shacabka halkaas ku nool, waxaan ugu baaqayaa labada dagaal ooge ee Rayaale iyo cadde iney faraha kala baxaan arimaha gobolada Sool iyo Sanaag haddii ay sidaa yeeli waayaana dacwad ayaan ka gudbinaynaa aanu geyneyno maxkamada dembiyada dagaalka” ayey tiri xildhbaanad Caasho Axmed Cabdalla.

 

“Ma soconeyso isku qabiil ayaanu nahay oo anagey na raacayaan iyo isticmaarkii ayaa xadeeyey oo anagey na soo raacayaan, qabiil haddii wax lagu faa’iidayo Soomaalida ayuu wax u tari lahaa oo maanta kuwii isla dhashay ayaaba is dilaya, isticmaar mar hore tegay xuduudo uu dhigay inaan weligeen ku kala oodnaanana waa nasiib daro dad aaminsan haddii ay jiraan, dadkan reer Sool iyo Sanaag, bari galbeed midna lagama xukumi jirin waxay ahaayeen boqortooyo iyada ismaamusha” ayey sidoo kale tiri xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ugu baaqday dadka ku nool Sool iyo Sanaag iney aayahooda ka tashadaan oo aaney noqon dad ay kala jiitaan wax ay ku tilmaamntay maamulada danaha gaarka ah kala wata.

 

 

Xafiiska Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^ This women is tough I tell yah. It is 100% true what she is saying, non of them cares about the people of Sool & Sanaag. I think the people of those regions should liberate themselves from both administrations...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I agree with what Asha and many say. Soomaalidii waxay dhaqan ka dhigatay in la is gumesyto oo magacyo dowlad iyo maamul lagu sheego ay dadka dhiigga ka jiqaan.

 

I also heard one of the cuqaals/odayada being interviewed in BBC saying the same thing although not denying that some local opportunists were to blame for each campaigning to stick with SL and Punt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this