Sign in to follow this  
Member-sol-

mafiayada loo yaqaano TFGda oo bilaabay in eey is dhacaan.

Recommended Posts

GUDDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE: “Maxamed Dheere iyo Ciidamadiisa ayaa gurigeyga soo weeraray waxayna ka qaateen Bastoolad aan isku ilaalinayay iyo Lacag”

 

 

Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere (Istakiin)

Jimco, July 18, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere (Istakiin) ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) in uu gurigiisa soo weeraray, isla markaana uu ka qaatay lacag iyo bastoolad uu isku ilaalin jiray.

 

“Sabab kale oo uu Maxamed Dheere gurigeyga u soo weeraray ma jirin, kaliya wuxuu ka careysnaa qaar ka mid ah Ciidamadiisa oo aan soo qabanay iyagoo falal dhac ah ka geysanayay gudaha Degmada Boondheere”ayuu yiri C/llaahi Xirsi Wardheere oo intaas ku daray in Ciidamada Maxamed Dheere ay jir-dil u geysteen Xaaskiisa iyo Dad kale oo ay qaraabo yihiin oo gurigiisa joogay.

 

Guddomiyaha Degmada Boondheere oo sheegay in uu howshiisa sii wadan doono waxaa uu caddeeyay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku dacweyn doono Dowladda Dhexe oo uu maamulka Gobolka Banaadir hoos-tago.

 

Mar wax laga weydiiyay in uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kadib markii gurigiisa falkaas lagula kacay waxaa uu sheegay in uu xiriir la sameey balse uu ka waayay Maxamed Dheere war uu ku qanco, “Wuxuu igu yiri Maxamed Dheere gurigaaga waxaa looga shakiyay in lagu sameeyo Waxyaabaha qarxa, sidaas ayaana loo baaray”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere (Istakiin).

 

Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa wuxuu noqonayaa Guddoomiyihii labaad oo eedeyn u jeediya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, mar sii horeysay ayayna ahayd markii uu Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Axmed Cabdulle (Cumar Jacfaan) uu Guddoomiyaha Gobolka Banadir ku eedeeyay in uusan ula dhaqmin sida Guddoomiye Degmo oo kale, isla markaana uu mararka qaarkood kula hadlo hadallo aan wanaagsaneyn, inkastoo khilaafkaas mar dambe la xaliyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this