Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cali Khalif Galaydh Speaks About Somalia Somaliland

Recommended Posts

Ra’iisal-Wasaarihii Dawladdii Carta ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh, ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Somaliland lagala hadlo sidii Shirweyne loogu qaban lahaa Hargeysa, iyada oo la waafajinayo danaha Somaliland, isla markaana sheegay in maamul-gobolleedka Puntland uu u ordayo sidii uu uga go’I lahaa Koonfurta Soomaaliya.

 

Cali Khaliif Gallaydh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa dhaliilay hab uu sheegay inay ka jirto Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Koonfurta Soomaaliya, taas oo la xidhiidha in lacag lagu qaato Ciidan aan jirin oo Mushahar loo qoro. “Somaliland iyo Puntland waxa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato..Miisaaniyadda Somaliland ma arag sanadkii ilaa labadii sanno ee u dambeeyay oo malaha maba jiro, laakiin way jirtaa Ciidankaas oo dadka ayaa lagu naas-nuujiyaa. Miisaaniyadda Puntland-na waan ogahay oo iyana way ka jirtaa.” Ayuu yidhi Cali oo isaga oo ku sugan magaalada London Waraysi khaas ah xalay siiyay Telefishanka UNIVERSAL.

 

Cali Khaliif Gallaydh wuxuu sheegay in Xalka Soomaaliya uu ku jiro in iyada oo Somaliland danaheeda la fulinayo Umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Shirweyne loogu qabto Magaalada Hargeysa. “Meelaha qaarkood laga raadinayo xalka Soomaaliya in ay Hargeysa ka mid noqon karto ayaan qabaa, inta marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka, dhaqankii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo Shirar, in Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan. Laakiin, waa haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsiinaya danta Somaliland iyo danta Umadda Soomaaliyeed ee kale lagala hadlo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Gallaydh, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababtoo ah, waynu ognahay Somaliland lafteeda ayaa dan leh oo uga baahi badan. Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland, hadda 19 sanno ayay maraysaa (jirtaa Somaliland). Markaas si dadka reer Somaliland u dan ah ha la yeelo.”

 

Mar uu Cali Khaliif ka hadlayay qaddiyadda Madax bannaanida Somaliland wuxuu sheegay in aanay ahayn in la qasbo, isla markaana wuxuu ka hadlay gobolka Sool oo uu sheegay in Xukuummaddu ka qaaday tallaabooyin isaga qalad ula muuqday. “Anigu ma qabo in cidna la qasbo. Laakiin, sidii aan u diidanaa Diyaaradihii iyo Ciidamadii garaacayay Hargeysa (waqtigii Siyaad Barre), ayaan u diidanahay waxyaabaha aragtidayda ka socda Laascaanood.” Ayuu yidhi Cali Khallif. Hase yeeshee, mar la waydiiyay in marka uu ka hadlayo Laascaanood ay tahay ujeedadiisu in uu u dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maaha waan u dashay ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waagii hore waxaan ogaa Somaliland oo tidhi waan goosanay, Puntland laftiisa ayaanay ka madhnayn oo uga orod badan (Somaliland) in uu go’o. Waxaanan qabaa haddii dhulkooda ay nabad ka dhalinayaan (Puntland iyo Somaliland) oo aanay cidna wax ka qabin in loo daayo iyaga ayaa u faro-dhuudhuuban.”

 

Cali Khaliif wuxuu naqdiyay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. “Kornayllo Itoobiyaan ah ayaa dhex fadhiya Garowe iyo Hargeysa, Koonfurtana iskaba daa hadalkooda. Kuwaasina mid iyo laba toona maaha. Kama hadlayo oo in xidhiidh la yeesho lama diidin, gaar ahaan in Somaliland xidhiidh ka raadiso Itoobiya waa wax aan garan karo, laakiin waxa ii muuqata in wixii ay Soomaalidu lahayd ay meesha ka baxdo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

 

Gebogebadii, Cali Khalliif oo wax ka dhiga Jaamacad, ayaa mar la waydiiyay in uu Siyaasadda ka baxay iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay hadda uu hawl-gab yahay, isla markaana uu kaba fadhiistay Macallinimada Jaamacadda. “Siyaasadda Soomaalidu Albaab laga galo ayay leedahay ee Albaab laga baxo ma leh oo meel uun baa la dhex wareegaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cali Khaliif.

 

 

Xigasho: Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Khaliif says:

"Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland"

 

yet in the next breath says:

"ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay.”

 

Now if you're such a dedicated Somaliweyn believer, why did you go to two Grand Shir's reaffirming the independence of Somaliland??

 

It's very difficult to take most vocal supporters of Somaliweyn seriously due to their glaring contradictions on a daily basis.

 

To paraphrase a Somali adage (maah maah): 'The ears do not hear what the mouth is saying (on the same head)'!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Mintid Farayar:

Cali Khaliif says:

"Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland"

 

yet in the next breath says:

"ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay.”

 

Now if you're such a dedicated Somaliweyn believer, why did you go to two Grand Shir's reaffirming the independence of Somaliland??

 

It's very difficult to take most vocal supporters of Somaliweyn seriously due to their glaring contradictions on a daily basis.

 

To paraphrase a Somali adage (maah maah): 'The ears do not hear what the mouth is saying (on the same head)'!!

Saaxiib you are making your own assumptions without further finding the facts lay beneath the staments. I remember once asked Ali Khalif Galaydh this very same question about why he changed his heart about Somaliland’s succession since he attended the meetings that was built this project. His answer was yes I was in the meeting holes and attended them however there were no discussions/agreements made about breaking Somalia up but we talked about peace, business, and stability in the region. However each attended group/elders went back to their constituencies and told what like. He continued and we (non-successionist) told our regions that we must keep the peace and stability where your elders/leader told you otherwise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khaddar is telling us cali khalif galaydh wasn’t aware of The declaration of independence in 1991, which is absurd Garaad cabdiqani and garaad selebaan and cali khalif Knew exactly what was going on , Why didn’t you just say cali khalif didn’t like the independence of Somaliland, The declaration of independence was very clear

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lately, it seems all roads are leading to Hargeisa and Somaliland!

 

I hope some on this Forum don't get a heart attack ;)

 

We're not there yet, but slowly the penny is dropping on some (as Odweyne would say)...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Khaddar is telling us cali khalif galaydh wasn’t aware of The declaration of independence in 1991, which is absurd Garaad cabdiqani and garaad selebaan and cali khalif Knew exactly what was going on , Why didn’t you just say cali khalif didn’t like the independence of Somaliland, The declaration of independence was very clear

Being aware of something and agreeing and being part of it is two different animals. Read my post again yaa Xaji and I said again: there were no discussions/agreements on this meaningless project of SL. Merely the meetings inside the holes were about peace, reconsiliation and stability among people. At the end of meetings each team reported their wishes back to the airs of the people.Yours told you “Waan goosanaynaa” where other attendees said let us keep the peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this