Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Baaqa kasoo baxay shirkii Dooxa

Recommended Posts

Shirkii Dooxa Oo Dhamaaday Iyo Baaq Kasoo Baxay Shirka

 

09-06-2007

 

Shirkii dooxa ee 7-8 bisha June ka socday magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa soo gabageboobay iyadoo laga soo saaray baaq loogu magac daray "BAAQII DOOXA".

 

Shirka ayaa lagu heshiiyey in lagu dhiso gudi 15 xubnood ah oo ka kooban Golaha Maxmadaha, Barlamaanka Xorta ah, Jaaliyadda Debedda kuwaasoo soo dhisa urur wayne dalka dib u xereeya dawlad qaranna u baadi gooba.

 

Baaqii Dooxa

 

Inta u dhexaysay 7-8 Juun waxaa shir ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qadar xubno ka kala socda Maxakmadaha Islaamiga ah, Barlamaanka xorta ah iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo gudaha iyo debedda Soomaaliya ka kala yimid.

 

Shirka oo ay martigelisay Xarunta Caalamiga ah ee la Dagalaanka Xadgudubka ayaa looga hadlay Faragelinta Ajnabiga iyo Mustaqbalka Geeska Afrika.

 

Kadib dood dheer oo laga yeeshay lana soo bandhigay dhibaatooyinka iyo mushkilooyinka ku habsaday Bulshadda Soomaaliyeed kuwaasoo dhamaantood uu sabab u yahay gumaysiga Itoobiya oo laayey, dhacay qixiyey shacabkii Soomaaliyeed ayaa shirku wuxuu soo saaray baaqan:

  1. In Soomaaliya tahay dal gumaysi ku jira
  2. In canbaarayn buuxda dusha looga tuuro cadowga Itoobiya
In loo aqoosado hawgaladda dadka lagu laynayo kuwooda nidaamsan iyo kuwa aan nidaamsanayn xasuuq lala beegsanayo shacabka Soomaaliya, bulshadda caalamkanna laga doonayo dhismaha maxkamad caalami ah oo baarta danbiyadda dagaalka iyo xasuuqii Soomaaliya ka dhacay

In dawlada Itoobiya ay ciidankeeda sida ugu dhaqsaha badan shuruud la’aan ciidankeeda Soomaaliya kala baxdo, hadii kale ay masuul ka tahay burburka ku dhaca Geeska Afrika
In dalwada Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee isku magacaabday dawlada federlaaka kumeel gaarka ah ay masuul ka yihiin xadgudubka lala beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.
In dawladaha iyo hay’adaha samafalka caalamiga iyo shakhsiyaadka samofalayaasha ah ay shacabka Soomaaliyeed lasoo gaaraan gargaar deg deg ah.
In la sameeyo urur lagu midaysanyahay kaasoo u istaaga inuu dalka ka xoreeyo gumaysiga Itoobiya, si loo helo ururkaasna waa in la qaadaa talaabooyinka soo socda:

--- (A) In la dhiso gudi ka kooban 15 xubnoo oo isugu jira Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka xorta ah, Jaaliyadaha dibedda iyo qaybaha kale ee Bulshadda si shirkaas u hirgalanna waa in la qaadaa.

--- (B)In shirka ururka lagu dhisayo la qabto 45 maalmood gudahood
Ugu danbayntii ka qaybgalayaashu waxay mahad balaaran u jeedinayaan dawlada aan walaaalaha nahay ee Qadar iyo Amiirkeeda kuwaasoo markasta u taagan garab istaaga shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo mahad gaar ah loo jeedinayaa Xarunta La Dagalaanka Xadgudubka oo iyadu kaalin wayn ku lahayd hirgelinta shirka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

TYPICALLY ARAB CONFERENCE ,,,,,,,,, ALWAYS USELESS AND UNSUPPORTING ,,,

 

 

In Soomaaliya tahay dal gumaysi ku jira

Just like Phalestine ,,,, what did they do to help ???

 

What about Qatar itself ?? aren't they under US command ??

 

In canbaarayn buuxda dusha looga tuuro cadowga Itoobiya

Yeah i know that ,,, they always do as it is the only weapon they fight against Israel ,,,

 

 

In loo aqoosado hawgaladda dadka lagu laynayo kuwooda nidaamsan iyo kuwa aan nidaamsanayn xasuuq lala beegsanayo shacabka Soomaaliya, bulshadda caalamkanna laga doonayo dhismaha maxkamad caalami ah oo baarta danbiyadda dagaalka iyo xasuuqii Soomaaliya ka dhacay

In dawlada Itoobiya ay ciidankeeda sida ugu dhaqsaha badan shuruud la’aan ciidankeeda Soomaaliya kala baxdo, hadii kale ay masuul ka tahay burburka ku dhaca Geeska Afrika

BAAQ ?? ,,,,,, Ok let's see if anyone will listen and obey their baaq.

 

In dalwada Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee isku magacaabday dawlada federlaaka kumeel gaarka ah ay masuul ka yihiin xadgudubka lala beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.

What about the previous xadgudub that has been going on for the last 17 years ?? did arabs help or at least try ??

 

weren't they supporing Siad barre by shipments of poisonous gas to use them against Somaliland ?? wasn't that xadgudub to shacabka soomaaliyeed ??

 

In dawladaha iyo hay’adaha samafalka caalamiga iyo shakhsiyaadka samofalayaasha ah ay shacabka Soomaaliyeed lasoo gaaraan gargaar deg deg ah.

Ok, this is really funny ,,,,, what about them ?? why dont they give any help ??

 

In la sameeyo urur lagu midaysanyahay kaasoo u istaaga inuu dalka ka xoreeyo gumaysiga Itoobiya, si loo helo ururkaasna waa in la qaadaa talaabooyinka soo socda:

--- (A) In la dhiso gudi ka kooban 15 xubnoo oo isugu jira Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka xorta ah, Jaaliyadaha dibedda iyo qaybaha kale ee Bulshadda si shirkaas u hirgalanna waa in la qaadaa.

--- (B)In shirka ururka lagu dhisayo la qabto 45 maalmood gudahood

If this is true, why they don't support the existing groups ?? why new urur ??

 

Ok, in the other hand why don't they support Hisbullah in Lebanon, Hamas in Palestine and others ???

 

Why do they supporting the US against Iraq ?? is the US a urur xoraynaya dalka ciraaq ???

 

 

In General, i feel the whole thing is wasting a time and can only be nothing but show off.

 

Arabs could not help themselves for the last 50 years ,, who do they want to help others ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^ Now that you are done with your emotional outburst against Arabs, do you have time to explain were in the article does it say the meeting is an Arab meeting mise af-Soomaliga ayaadan aqrin aqoon?

 

Inta u dhexaysay 7-8 Juun waxaa shir ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qadar xubno ka kala socda Maxakmadaha Islaamiga ah, Barlamaanka xorta ah iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo gudaha iyo debedda Soomaaliya ka kala yimid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In any ways it is influenced by Arabs and i'm only mentioning the Arabs version of the statement ,,,,,,,,, it is not a Somali version at all ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

How is Eritrea different from Ethiopia?

These stooges have no other solution but to call out more conferences, more suicide from the comfort of Asmara. Hey Aideed Jr. since you were in the US marines why not pick up a rifle and fight the Ethiopians yourself, and while you are at it bring your crew with you. You've been defeated face the music and stop the crying games(LOL)

Share this post


Link to post
Share on other sites

conference after conference after another after another one ,,,,,,,,,,,,,, flights, expensive hotels and cold drinks all the time ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Thnx MMA for sharing this with us bro.

 

Jcaylbaro I don't think that your insults deserve a reply.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jacaylbaro...It seems to me you are against Arabs for not supporting Maamulka Riyaale. I don't think they caused a particular harm to Hargeysa or supported Mogadishu and elsewhere separately.

 

I know destructions killing, looting in Northern Somalia from 80s to 1990(including an arial bombardment) which I was completely against and cannot find words to describe how evil it was but never heard of the poisonous gass you are talking about unless you mean Halabja (in Iraq).

 

Plus The destruction has reached many other areas in Somalia ee maxaa Hargeysa iyo Soomaaliya un keliya ugu dikrinaysaa as inaadan dan ka lahayn Soomaalida kale. Mise waxaad rabtaa inaad naga dhaadhicisid in Koofuri Waqooyi baabi'isey sida dadka masaakiinta ah laga gado?

Share this post


Link to post
Share on other sites

and i can't see why you are supporting Arabs ,,,, may be coz they intertain H Aideed and others ??

 

they are against our existance and there is no way i will love and support them once they are working against me sxb ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

and i can't see why you are supporting Arabs ,,,, may be coz they intertain H Aideed and others ??

 

they are against our existance and there is no way i will love and support them once they are working against me sxb ,,,,,,

lol...Jacaylbaro I don't support them neither oppose them waxaan un diidannahay eeddaan aad Carabta la daba taagan tahay. Saaxiib I think Carabta laftooda ayaa ah victims in many ways marka maxay Riyaale u aqoonsan waayeen hakula daalin. Ma u malaynayo inay Hargeysa Colaad gaar ah iyo jacayl gaar ah midna u qabaan.

 

lol...You said they intertain Hussien Aydeed and others in which way I wonder and even if they did that ma u malaynayo inaan ku jeclaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro...It seems to me you are against Arabs for not supporting Maamulka Riyaale. I don't think they caused a particular harm to Hargeysa or supported Mogadishu and elsewhere separately.

Aaheey. Dadka qaarkood Carab maba maqli karaan because the Carabs steadfastly refused to recognize their little deegaan as a sovereign nation. Magac Carab markee maqlaan dhiiga ayaa karo, xataa meesha haddeeba yaalin Carab.

 

The same people, ironically, day in and day out noo faaliyo Xabasho, lehna they are a neighbourly 'country,' blinding themselves about how Xabasho occupies a considerable land of Soomaalida leh and now the whole country.

 

NB - The shir was not organized by Carab. It was by daljecel Soomaalis for Soomaalis dalkooda jecel arrimahooda ka tashanaayo, not Soomaali isku sheeg, oo "useless, useless" lasoo taagan thread walba. Anagaa ku rabno "useless" or not, anagee na quseysaa taas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

quote:Jacaylbaro...It seems to me you are against Arabs for not supporting Maamulka Riyaale. I don't think they caused a particular harm to Hargeysa or supported Mogadishu and elsewhere separately.

NB - The shir was not organized by Carab. It was by daljecel Soomaalis for Soomaalis dalkooda jecel arrimahooda ka tashanaayo, not Soomaali isku sheeg, oo "useless, useless" lasoo taagan thread walba. Anagaa ku rabno "useless" or not, anagee na quseysaa taas.
If it was not organized by Arabs it wouldn't be in Qatar ,,,,

 

And why are they giving money to the AU troops ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabhad dagaal la gali doonto Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo 45 cisho kadib lagu dhawaaqi doono

 

Guddi Farsamo oo soo diyaariya dhismaha Jabhad hubeysan oo dagaal la gali doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa lagu magacabay shir Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Dooxa ee dalka Qadar uga socday xubno ka tirsaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee laga adkaaday bishii Decembar ee sanadkii hore, xubnaha Golaha Baarlamaanka Xorta ah ee hoggaamiya Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xilka laga qaaday iyo xubno kale oo ka tirsan Soomaalida Dibadaha ku nool.

Guddoomiyihii Golaha fulinta Maxkamadihii Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa xaqiijiyay dhismaha Jabhadaas wuxuuna sheegay inay qasab tahay in dalka xoog loogu saaro waxaa uu ku tilmaamay gumeysiga Itoobiya.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo Shirweyne Dib u heshiisiineed oo lagu qabanayo gudaha dalka inta ay dalka joogaan gumeysiga Itoobiya,isagoo qaadacay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee sida qorshuhu yahay furmi doono khamiista in kastoo shirkaas laga yaabo inuu baaqdo sababo ergooyinkii ka qeybgalayay shirka oo weli imaan Magaalada Muqdisho.

 

waxaa uu sheegay Guddoomiyihii Maxkamadihii Islaamiga Sheekh Shariif in Jabhadan cusub lagu dhawaaqi doono 45 cisho kadib marka ay guddiga soo diyaariyaan qaab dhismeedka Jabhadda iyo hoggaanka Jabhadda markaasi wixii ka dambeeya xaalada waxay noqon doontaa dagaal ka dhaca gudaha dalka.

 

Lama oga cidda hoggaamin doonto Jabhadaas waxaase durba soo baxaya warar sheegaya in Sheekh Shariif uu ka mid yahay dadka u sharaxan Guddoonka Jabhadan in kastoo ay dhici karto in xubno kale cusub jagadaas ku soo baxaan.

 

Hadda iyo koow iyo jabhad. Soomaali iyo jabhadnimo inay kala daaleen mooday. I can understand, though. Kuwaas Xabashadda keensaday, maatidii ku laaye xasuuqay, xoolihii dhacay, masaakiintii iska xirxiro, warbaahintii iridaha u laabay, iyagoo aanan awood buuxdaba lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

Sh. Shariif and his company, the Islamic Courts, have already lost the war against the TFG and Ethiopians. Instead of calling for more war and destruction to kill more mothers and children why not call for political negotiations and create a peaceful opposition party?

 

Keep going in this circle of violence while calling yourselves Somali-jecel! I wonder when you guys will see the light and come into your senses.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this