Sign in to follow this  
General Duke

Warlords meet in Dayniile, alliance gets a new member, why???

Recommended Posts

What has brought Abdiqaybdeed into the alliance of warlords? Their confidence and unity where does it come from??????

 

Ba.gif

 

Ba1.gif

 

Ba3.gif

 

Ba4.gif

Hogaamiyaasha Isbaheysiga Argagaxiso la dirirka Muqdisho oo isku....

 

 

Muqdisho:- Hogaamiyaasha Isbaheysiga La dagaalanka argagaxisada ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayaan in kulankooda shalay waxa uu la qaatay mudda 9 saa ah, iyagoo isku fahmi waayay ninka noqonaya Shirgudoon.

 

Deegaanka Deyniile oo ah halka kulanka uu ka dhacay ayaa Fadhiga Hogaamiyaasha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen loona diiday inay wax ka ogaadaan kooxaha Warbaahinta ayaa la isku mari waayay qodobo badan sida ilo muhiim ah aanu ku helnay.

 

Kulankaas oo saacado qaatay ayaa waxaa xubno oo ka tirsan Isbahaysiga ay noo sheegeen in kulankaasi looga hadlayay cidda Guddoomiye looga dhigayo Isbahaysigaasi. iyadoo raggaasi ay noo sheegeen in ay si weyn isugu khilaafeen cidda gudoomiye u noqoneysa Isbahaysiga, qaar ka mid ah Xubnaha Isbaheysigaasi waxay soo jeediyeen in Guddoomiye laga dhigo Max’ed Qanyare Afrax, halka ay kuwo kalana soo jeediyeen in Guddoomiye laga dhigo Max’ed Dheere.

 

Intii Muranka uu socday ayaa Hogaamiyaasha waxa ay sameynayeen Xiriiro dibadda ah oo ay la yeelanayeen rag ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo weliba Warqado Fax ah oo ay heleyeen intii fadhiga uu socday.

 

Waxaa kaloo qodobada lagaga dooday ka mid ahaa dhismo Ciidan Heegan oo Isbaheysiga ay yeeshaan , taasoo aan la isku fahmin, waxaana loo balamay kulan kii shalay ka balaaran oo ka dhacaya Sh/dhexe.

 

G/sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybdii ayaa isna ku biiray isbaheysiga la dagaalanka Argagixida, wuxuuna noqday xubinitii 11-aad ee Ururukani .

 

Cali Cabdi Cali (Suxayfa)

Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Qeybdiid oo 11 ku noqday Hoggaamiyayaasha ku bahoobay Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada

 

cabdi-qeybdiid.jpg

 

Isniin, April 17, 2006(HOL): Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ahaa Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ee Dowladdii Carta lagu soo dhisay, mar sii horeysayna uu Wasiirka Amniga Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in uu ku biiray Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada iyo Soo Celinta Nabadda.

 

Cabdi Qeybdiid ayaa ku biiristiisa Isbaheysiga waxaa uu uga dhawaaqay Xarunta Wasiirka Amniga Qaranka ee deegaanka Dayniile, iyadoo halkaasina ay ku kulansanaayeen dhamaan xubnaha Isbaheysiga ku bahoobay oo shalay kulan ay u dhan yihiin isugu yimid kadib dagaalkii ay la galeen Midowga Maxkamadaha Islaamka.

 

Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in uu Isbaheysiga La dagaalanka argagixisada ku biiray kadib markii uu ogaaday in ay Muqdisho ku sugan yihiin unugyo ka tirsan Ururka Al-Itixaad oo kadib markii sida uu yiri laga soo eryay gobollada dalka, haatan isku uruursanaya Magaalada Muqdisho, isla markaana ku megengelinaya shakhsiyaad argagixiso ah oo dalalkoodii ka soo cararay.

 

“Waa waajib muqadas ah in lala dagaalamo nimanka magaca Maxkamadaha ku dhuumanaya ee magaalada Muqdisho ka fuliya dilalka naxariista daran, welibana ka soo horjeeda isu socodka iyo nabadgelyada ka jirta magaalada Muqdishoâ€ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo carrabka ku dhuftay in ay qof kasta oo muwaadin ah waajib ku tahay in uu dadka dhibaatada ka wada dalka uu wax ka suuliyo, isagana uu sidaas ugu biiray Isbaheyisga la dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta Nabadda.

 

Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta Nabadda waxaa horay si rasmi ah uga mid ahaa Maxamed Qanyare, Bashiir Raage, Muuse Suudi, Maxamed Dheere, Cumar Filish, Bootaan Ciise, C/rashiid Ilqeyte, Ciise Cusmaan, Cabdi Nuurre Siyaad Cabdi Shukri, halka Cabdi Qeybdiidna uu noqday Hoggaamiyihii 11aad ee Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta Nabadda.

 

Cabdi Qeybdiid wuxuu weli sheegtaa in uu yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu sanadkii hore xilkaas u magacaabay Wasiirka Amniga Maxamed Qanyare oo isagana ka mid ah xubnaha Isbaheysiga, inkastoo ay dowladda Federaalka jagadaas u aqoonsan tahay Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe).

 

Maleeshiyooyin u daacad ah Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxay ku sugan yihiin Deegaano ka tirsan Koofurta Muqdisho iyo goobo hoos taga Degmada Afgooye, gaar ahaan Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasina waxay Isbaheysiga ku kordhineysaa awood iyo deegaano hor leh oo ay gacanta ku hayaan.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

The list of warlords in the alliance against the courts.

 

1)- Max’ed Qanyare Afrax

 

2)- “ Muuse Suudi Yalaxow

 

3)- “ Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)

 

4)- “ Cumar Maxamuud Max’ed Filish

 

5)- “ Bootaan Ciise Caalin

 

6)- “ Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

 

7)- “ Bashiir Raage Shiiraar

 

8)- “ C/rashiid Shire Ilqeyte

 

9)- “ Cabdi Nuurre Siyaad

 

10)- Cabdishukri Cali Xirsi

 

11)- “ Ciise Cisman Cali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this