Sign in to follow this  
Juje

Fighting In Baydhabo

Recommended Posts

Juje   

Is rasaasayn lakala shakiyey oo ay kugeeriyoodeen laba qofood oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

 

Abaarihii xiliga Maqribka laga soo baxayey ayaa booliiska magaalada Baydhabo iyo maleeshiyo ilaalo u ahayd gudoomiyaha degmada waxa ay ooda isaga qaadeen rasaas dhowr daqiiqo socotay iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen laba maleeshiyo oo ka tirsan ilaalada gudoomiyaha degmadda.

 

Wararka laysla dhex marayo ayaa waxa ay tibaaxayaan in Booliiska loo xil saaray in ay soo qab qabtaan maleeshiyaadka qoryaha ku wata magaalada gudaheeda ay soo qabteen nin maleeshiyo ah oo qori AK 47 ah watay isla markaana ay soo xereen qorigiina ka qaadeen, markay marayaan halka shilka ka dhacay ayaa waxa la aqoonsaday ninkii lasoo xeray kolkaasoo laysku dayay in laga furto ka dibna ay bilaabatay rasaastii.

 

Ciidamada Booliiska ayaa ka baxsaday ninkii lasoo qabtay waloow qorigii laga qaaday uu gacanta ugu jiray Booliiska, mid ka mid ah ciidanka Booliiska oo aan la kulmay ayaa ii sheegay sida wax u dhaceen waxaana uu igu yiri markii aan maraynay halka dhibku ka dhacay ayaa waxa nagula bilaabay xabad anagoo anaan ka filayn buu yiri in ay rasaas nagu bilaabaan waayo buu yiri raga xabada nagu bilaabay waxay wateen dharka Tuutaha ah oo lagu yaqaan ciidamada dowlada.

 

Sidoo kale halkii Rabshada ay ka dhacday oo ay ku geeriyoodeen labada maleeshiyo ayaan ka wareeystay sababta keentay shilkani waxaana uu yiri Booliiska iyagaa xabada nagu bilaabay waayo waxa ay doonayeen inay qoryaha naga qaadaan inaguna waanu iska caabinay maadaama aanu ilaalo u ahayn gudoomiyaha degmada Baydhabo.

 

Ma cadda waxa bilaabay xabada balse waxa ay u muuqatay in lakala shakiyey isla markaana mid ka mid ah uu xabadii bilaabay sidaasina ay waxyeeladu ku timi.

 

 

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI) Somaliweyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ilaalada C/lahi Yusuf Oo Dhaawacday Caaway Gudoomiyaha Baydhabo

 

AblahiYusuf.jpg Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in fiidkii caawa rasaas xoogan laga maqalay gudaha magaalada Beydhabo iyadoo rasaastaasi la sheegay iney u dhaxeysay maleeshiyaada ilaalisa madaxweynaha iyo ilaalada gudoomiyaha degmada Beydhabo Axmed Maadeey ***** waxaana wararku sheegayaan in khasaare labada dhinac uu soo gaaray inkastoo aan la ogeyn tirada dhabta ah ee waxyeelada is-rasaaseyntaasi.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in 4 qof oo uu ku jiro gudoomiyaha degmada Baydhabo uu dhaawac soo gaaray kuwaasoo la geeyay Isbitaalka magaalada. Hal nin oo ka mid ah ilaalada gudoomiyaha ayaa ku dhintay dagaalkaas. Dhaawaca gudoomiyaha ayaa lagu sheegay inuu yahay mid culus kadib markii ay xabad kaga dhacday qoorta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Warkaan waa ka duwan yahay kan ay noo soo qoreen qabiiliistayaasha meeshaan taageersan amxaarada inay baydhabo degganaato. Dadka waa faraxsan yihiin saaxib sida ku qoran wararkooda in that town speaking of their misery under Ceydiid Sr/Jr(I wonder why they don't want to hang ina Aidid in the public square to get even, that would be good for all of us). Allaaba ugu gargaaray Imaashada Amxaarada as it seems.

 

Aniga waxaaba ila fiican hadday sida la sheegaayo run tahay, In Laga talo baxo Amxaaro la dagaalankeeda maadaama dadkaan is leheen Amxaaro aysan raalli ka eheenaa loo keenay oo la iska dhiciyo TFGdaan gaala raaca ah and their dogs if and when they try to leave Baydhabo vicinities towards Muqdisho or towards other towns they have no business in being. Somalis should effectively deny A/Y and other warlords who converged in baydhabo any chance to ever come to muqdisho and surrounding areas. Amxaaradaaba xiran doonto if things don't work out too well as usual.

 

Hore looma sheegin taariikhda meel soomaali deggan tahay oo intay Amxaaro timaaddo Nabad gelyo dadka ugu noolaaday. Dadkayba waxay u kala qeybisaa Jaajuus iyaga u shaqeeya sida dadka hadda ku faraxsan imaashaheeda iyo kuwo la ciqaabo hadday ka hadlaan Amxaarka agtooda saxarada la fadhiya. Waxaa ku dartaa fasahaadinta bulshada with their AIDS. Qof damiir ku jiro wallahi inuu hal habeen meelay kuwaan soo galaan ku noolan karin iska daa inuu dharkoda xirto ama la shaqeeyo.

 

All in all, Ninkii Gumeysiga madoow la seexda ayay dhibtaa, soomaalida jecel islaamka iyo xorriyaddana haku noolaato freedom unmolested by the Ethiopia and their stooges.

 

I can guarantee you, tomorrow wax yaalo aad foolxun inaan maqli doonno iyo dhibaatooyin laga soo weriyo Baydhabo.

 

Soomaalinimo iyo Islaanimo waxaa ka muhiimsanaatay Qabiil in loo adeego iyo dana gaar ah ilaa waddankii la keensado Amxaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Soomaali waxay tiraahdaa "War jiraaba Cakaarahuu Imaan", TNG da way beeniyeeyn in Amxaaro soo gashay Baydhabo, balse dadka meesha ku nool waxay sheegeeyn in ay indhahooda ku arkeyn ciidamo ethiopian ah.

 

Ninka maanta Amxaaro nafka raadiyay ee yiri amxaaraa soomaali iga celinayso asigaa cirka roob ku og. Teeda kale, maxay tahay dadka ay Amxaaro ka celinayso?

 

Gaal iyo Gaalo raacba adduunka lagama waayo, waxay soo jireeyn barigii Rasuulka (CSW) wayna jirayaan, haddaba Islamka waxaa waajib ku ah inay iska celiyaan.

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this