Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu Somalia welcome Eid with much joy

Recommended Posts

Munaasabadda Maalinta Ciida oo si wayn looga dareemayo Caasimada Muqdisho iyo Gobolada dalka Somalia.

 

Mogadishu ,12, September 2007 (HornAfrik Media)

 

Munaasabadda Ciida ayaa maanta si wayn looga dareemay Caasimada Muqdisgo iyo Gobolada dalka oo dhan.

 

Waxaa saaka wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho laga dheehan karayaa dhaqdhaqaaqa Munaasabadda Ciida,iyadoo Masaajidaka Magaalada ay si aad ah u soo buux dhaafiyeen muslimiinta gutay maalinta ku wayn umadaha islaamka ee dhamaadka bisha ramadaan.

 

Deegaanada kala duwan ee Muqdisho ayaa waxaa la arkayaa carruur iyo dad waaweyn oo socod dheer ku maraya wadooyinka in kastoo aysan u dhaweyn Ciidaani ku wii hore marka laga hadlayo dhinaca amaanka Magaalada Muqdisho.

 

Inta badan Muqdisho ayaa saaka si guud waxaa looga tugay saalada Ciidul fidriga.

 

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa saaka iyana laga dareemayay damaashaadka munaasabadda Ciida.

 

Deegaanada saaka sida wayn looga ciiday ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose,Magaalada Marko ee xarunta Gobolka sh/Hoose,Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa Ciidaan lagu tilmaami karaa mid ay si guud hal mar u wada Ciideen qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmooyin kamid ah Gobolka Banaadir oo Munaasabadda Ciidul Fitriga Awgii si weyn la isugu soo baxay

 

Muqdisho Jimco , October 12 2007 SMC

 

Maanta oo ay tahay Maalintii Koowaad ee Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa waxaa si weyn looga ciidayaa Guud ahaan Caalamka Islaamka Gaar ahaan Soomaaliya oo kamid ah Wadamada Caalamka Islaamka.

 

Muqdisho ayaa si weyn looga tukaday Salaaddii Ciidda, waxaana Xaafado kamid ah Muqdisho la isugu soo baxay Fagaarooyin ay Dadka ku muujinayeen Farxadda Ciida halkaasi oo ay ku qaadayeen Qasiidooyin kala duwan.

 

 

Xaafadda Xamar weyne oo katirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay kamid tahay Degmooyinka sida weyn looga ciiday Maanta isla markaana uu ka dhacay isu soo bax ballaaran oo dadka ay ku muujinayeen Farxadda Ciida.

 

Macallin Ceydaruus Cumar oo kamid ah Culumaa’udiinka Beesha Reer Faqi isla markaana soo abaabushay isu soo baxani oo Idaacadda Somaliweyn u waramayay ayaa waxa uu sheegay in Sanad waliba ay iyagu sameeyaan Arrintani oo kale isla markaan aysan jirin Degmo lamid ah Xamar weyne oo sidani oo kale looga ciido.

 

Sidoo kale Shacabka kudhaqan Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood si weyn looga dareemayay Maanta Farxadda Ciidda Waxaana si aad ah Habeenimadii xalay ay dhegta ugu hayeen Shacabka Idaacadda Somaliweyn oo ay sheegeen in ay tahay Idaacadda ay ku kalsoon yihiin isla markaana ay iyada markii hore ku soomaan iminkana ay ku afurayaan marka ay keento Xaqiiqda in Ciid ay tahay sidaasina ay ku wada ciideen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Hanbalyada Ciidul Fitriga u diray Umada Somaliyeed meel walbaa oo ay Caalamka ka joogaan.

 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isagoo Magaalada Baydhaba jooga waxa uu hanbalyada Ciida u diray Dhamaan Shucubta somaliyeed meel walbaa oo ay Caalamka ka joogaan,waxaana uu u rajeeyey in Ciidan Ciideyda ay ku gaaraan Horumar,Bashbash iyo Barwaaqo.

 

 

a:-

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale waxa uu ummada Somaliyeed ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay isku cafiyaan Fadliga Ciidu fitriga .

 

Madaxweynaha oo qudbad gaaban ka jeediyey Qasrigiisa Madaxtooyada ayaanan ka hadlin wax Siyaasad ah , waxaan uu Munaasabada Ciidan awgeed Hanbalyo lixaad leh Gaarsiiyey Shucuubta Somaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay.

 

Madaxweynaha ayaa Munaasabadaan aawageed waxa uu Shucuubta Somaliyed u balanqaaday in Dawladu ay muujin doonto in ay Shacabkeeda Horumariso oo ay Tubta Nabada iyo Is dhaxgalka Hogaan ugu noqotaa.

 

Dhinaca kale Magaalada Baydhaba ee uu madaxweynaha jooga ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana Maanta isu soo baxay dadweyne fara badan oo Magaalada Dhex mushaaxay .

 

Magaalada ayaa waxaa maanta aad mashquul u ahaa Meelaaha la isku qurxiyaa iyo Dukamada iyo carwooyinka oo dadku ay aad uga dukaameysanayeen mashquul darana laga dareemayey

 

Xafiiska wararqabadka shaabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice pictures. Isn't nice to see that some of the original Muqdishu people are still there? The elders tell me all the other areas people living there took over other people houses and most of them fled. Therefore the ones fighting in Muqdishu right now have no right to be there in the first place. Amazing they fight over properties that don't belong to them what type of mentality is that? By the way EID MUBARAK!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this