Sign in to follow this  
Maaddeey

Boosaaso: Askar qarax miino ku dhintay

Recommended Posts

Maaddeey   

Qarax Ka Dhacay Magaalada Bosaaso oo Khasaaro Dhaliyey

September 22, 20101 comment| leave your own!

Waxaa aroornimada saaka(Arbaca) magaalada Bosaaso ka dhacay qarax xoogan oo si aad ah looga maqlay magaalada qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka masaajidka Al-Rashiid.

 

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Horseed Media u sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu aasay wadada dhinaceeda,waxaana soo baxaaya warar iskhilaafsan oo ku aadan cidda lala beegsaday.

 

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in qaraxaas lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka amaanka Puntland kuwaas oo goobta maraayey, isla markaana uu ka dhashey khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac wararka qaar ayaa sheegaaya in labo askari ay ku dhinteen tiro kale ay ku dhaawacmeen.

 

Saraakiisha Booliska oo aan xirriir kala duwan la sameynay ayaa gebi ahaan ka gaabsaday in ay ka hadlaan qaraxaan.

 

Ciidan badan ayaa isla markii soo gaaray goobtii uu qaraxa ka dhacay iyadoo ay ka sameyeen baaritaano kala duwan. Qaraxyada caynkan oo kale ah ayaa marar badan ka dhacay magaalada Bosaso iyada oo aan cidda ka danbeysey la soo qaban.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Magaalada Bossaso ayaa saaka hiirtii waaberi waxaa lagu dilay 2-askari tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib markii weerar loo adeegsaday miindada meesha fog laga hago lagu qarxiyey Ciidamada ammaanka taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Booliska ee Magaalada Bossaso.

 

 

Saaka ayaa qaar kamid ah dadweynaha ku nool aga gaarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telecom waxay Ciidamada Booliska kusoo wargeliyeen in waddada dhinaceeda la dhigay walxaha qarxa iyadoo isla wakhtigii ay Ciidamada ammaanku soo gaareen goobta qaraxu oolaa, Ciidamada ayaa isweer ka qabtay aaga goobta qaraxu oolaa intaasi kadib Ciidamada ammaanku waxay isku dayeen in ay qaraxaasi meesha kasoo saaraan hase yeeshee meel aan sidaasi uga fogayn goobta ay Ciidamada joogeen ayaa weerarkaasi laga hagaayey waxaana lagu qarxiyey miinadii kadib markii loo adeegsaday waxa loo yaqaan Remote Cantrolk-ka.

 

 

Inta la ogyahay labo kamid ah Ciidamada ayaa ku geeriyooday weerarkaasi sidoo kale dhaawacyo kala duwan ayaa waxa ay weerarkaasi kasoo gaareen qaar kamid ah Ciidamada ammaanka, Ciidamada ammaanka ayaa goobta iyo xaafadaha ka agdhow ka sameeyey hawlgallo balaaran oo baaritaan ah hase yeeshee ilaa iyo iminka lama soo sheegin cid ay weerarkaasi usoo qabteen.

 

 

Qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee Magaalada Bossaso oo aan xiriir kala samaynay imaanshaha weerarkan khasaaraha gaystay iyo waxa ay kusoo qabteen hawlgalada ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin naga siiyaan iyaga oo ku gaabsaday in ay ka warbixin doonaan xilliga ay soo idlaadaan hawlgaladan ay xilligan wadaan Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso, Ciidamada ayaa xilligan baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ciddii ka dambaysay weerarkaasi maanta lala eegtay Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso.

 

 

Maydadka iyo dhaawaca soo gaaray Ciidamada ammaanka ayaa waxaa loo daad gureeyey Cusbataalka guud ee Magaalada Bossaso ee Bendar-Qaasim Hospital waxaana dadka loo diiday in ay booqdaan Isbitaalka iyada oo lagu gedaamay Ciidamo farabadan kuwaasi oo ciddii ay ka shakiyaan rasaas ku furaayey, Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa waxa ay gebi ahaanba xireen aga gaarka goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi xilligan ka socda hawlgallo baaritaan.

 

 

Weerarkan ayaa waxa uu yahay kii ugu horeeyey ee Ciidamada ammaanka lala eegto xilli ay ku guda jira soo bixinta qarax lagu aasay mee kamid ah Magaalada Bossaso, Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso ayaa ku guulaystay hadda ka hor sabata bixinta in ka badan 20 qarax oo lagu aasay meelo kala duwan oo kamid ah Magaalada Bossaso inkastoo kii ugu dambaayey ee maanta ahaa lagu qarxiyey uuna sababay khasaare soo gaaray Ciidamada ammaanka.

 

 

Jaamac Joofane

Joofane11@hotmail.com

Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Daabaco

U *** saaxiibkaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this