Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Grand meeting of the Crazy gang

Recommended Posts

Muqdisho: Hogaamiyaasha ugu sareeya Mucaaradka dowladda oo kulmay....Xog sugan...

26. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Hogaamiyaasha ugu sareeya Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa wada hadalo dheeri ah ku qaatay magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana yar in wax badan laga ogaado waxyaabaha ay ka wada hadleen, balse warar hoose oo ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen hadaladii ugu dambeeyey ee ka soo yeeray Wasiir ka tirsan dowladda Shariifka iyo Madaxweynaha dowladdaasi oo ay sheegeen in ay ka soo baxeen hadalo aysan hubsan.

 

Hogaamiyaasha kulmay oo ah kuwa caanka ah dalka Soomaaliya, isla markaasna aad loogu yaqaano Siyaasadaha qalafsan ee aan cidna fahmi karin, ayaa ku sifeeyey hadalkii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mid masuuliyad daro ah luguna difaacayo cadowga Alle, waa sida ay hadalka udhigeene.

 

Col. Xasan Daahir Aweys, Col. Xasan C/laahi Xirsi, Muqtaar Roobow Cali, Fu'aad Maxamed Khalaf, Macalin Xaashi & rag kale oo ka mid ahaa raga ugu sareeya dhinacyada ka dagaalamaya Magaalada Muqdisho ayaa wada hadaladoodan waxa ay ahaayeen kuwa ay waxyaabo kala gedisan uga hadleen, waxaana ay soo qaadeen qodobo ay ka mid yihiin.

 

1- Howlgaladooda Koonfur Soomaaliya, sidii loo dar-dargalin lahaa jawaabna looga bixin lahaa hadalada ka soo yeeraya dowladda Shariif Sheekh Axmed, gaar ahaana sidii looga hortagi ahaa weerar ay qorsheynayaan Hogaamiye Kooxeedyadii hore oo ku socda Magaca dowladda Soomaaliya.

 

2- Udiyaar garoow dagaal ba'an oo ay ciidamada Shisheeye ee AMISOM ka qeybgali doonaan, kasoo hada-ba ka muuqda gudaha magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey uu Shariif Sheekh Axmed shalay amray in ay ciidamada AMISOM qaadaan howlgalo amaan sugid & difaac iskugu jira.

 

3- In Ciidamo ka tirsan dhinacyada oo xoojin ah la keeno Muqdisho si ay uga bar-bar dagaalamaan ciidamadii hore ee joogay magaalada Muqdisho ee ka tirsanaa Mucaaradka dowladda Soomaaliya, kuwasoo laga keenayo si wadar ah gobalada ay dhinacyadaasi maamulaan.

 

4- In dib loo eego waxa ka hirgalay qodobadii lugu gaaray Degmada Afgooye, gaar ahaana qodobada ugu muhiimsanaa oo ay ka mid yihiin Kaartadii Dagaalka ee lasoo dajiyey iyo Taliyaha ciidamada mucaaradka oo dhan in lamagacaabo.

 

5- In la kala badalo dhamaanba ciidamada difaacyada ku jiro oo qaarba meel la geeyo, si xeeladaha Milateri ee qaaliga ah looga faa'iidaysto, ayaa lugu yiri qodobada ay ka wada hadleen dhinacyadu.

 

6- In la-dajiyo kaartadii ugu dambeysay oo lugu wajahayo goobaha ay maamulayso dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha, Aqalka Madaxtooyada & Wadada Maka-Al-Mukarama oo ah meelaha kaliya ee Muqdisho ay ka maamusho dowladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Xarada uu hogaamiyo Xasan Turki ayaa usheegay AllPuntland in ay u arkayaan wada hadalada iyo hadalada ka soo yeeraya Shariif Sheekh Axmed kuwa taageero looga raadsanayo dalalka reer Galbeedka & Odayaasha uu ku sheegay kuwa ka soo horjeeda Kitaabka Alle, oo uusan cadeyn cida uu ula jeedo.

 

Masuulkan wuxuu ku sifeeyey hadaladii Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Janaqow iyo Madaxweynihiisa Shariif Sheekh Axmed kuwa ka soo horjeeda Diinta Alle, isla markaasna ladoonayo in dagaalka Muqdisho ee jihaadka waa sida uu hadalka udhigaye ay ugu rogaan qaab qabaa'il ayagoo adeegsanaya Idaacadaha qaar oo uu sheegay in ay ushaqeynayaan Cadowga Alle, waa sida uu hadalka udhigaye.

 

Hogaamiyaashan ayaa isku raacay qorshe wax loogu qabanayo dadka ka barakacay dagaalada magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay in ay maalin booqan doonaan dhamaanba xarumaha dadka soo barakacay, isla markaasna aysan sheegi doonin maalintaas oo ay tagi doonaan, maadaama ay cadowyo badan leeyihiin, waa sida ay sheegeen qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha.

 

Xogtan ku aadan shirkaasi oo ay AllPuntland siiyeen Saraakiil xubno fir-fircoon ka ah dhinacyada kulmaya kana gaabsaday in magacyadooda lasheego ayaa sheegay in ay sidoo kale siyaasiintan kulmay isla soo qaadeen cida lugu wareejinayo ciidamada dhinacyada oo dhan & qodobada.

 

Wada hadaladan ayaan la ogeyn waqtiga ay qabsoomeen, inkastoo ay dhaceen wixii ka dambeeyey maalinimadii shalay markii uu Muqdisho soo gaaray Wakiilka QM uqaabilsan Siyaasada Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo lugu rumay in uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kala hadlay suuragalnimada in duqeymo laga fuliyo Bartilmaameedyo kuyaala gudaha magaalada Muqdisho oo ay joogaan rag ka soo horjeedo dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xigasho: Saraakiil ka tirsan Al- Shabaab, Xisbul Islaam & Raskambooni.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this