Sign in to follow this  
Cowke

Berbera Police Open Fire On Civilians

Recommended Posts

Cowke   

boolis.jpg?w=438&h=212

 

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maalinimadii shalay Rasaas ku furay dhalinyaro ku socotay dhanka magaalada Berbera kuwas oo aha Dalxiis, Dhalinyaradan ayaa lagu qabqabtay degmada Dacarburuq oo u dhaxeeysa Berbera Iyo Hargeysa

 

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay sidaa caadiga ah u socdeen dhanka magaalada Berbera, iyaga oo ka soo baxay dhanka Caasimada JSL ee Hargeysa, Dhalinyaradan u ku safrayey gaawari ayaa la sheegay in loo diiday inay u gudbaan dhanka Magaalada Berbera, kadib markii aay diideen Boolisku gudbida dhalinyaradan ayaa la sheegay in qaar ka mid ah Dhalinyaradu aay jireen Kantaroolkii Booliska Taasina aay sababtay in rasaas lagu furo

 

Labo wiil oo la kala yirahdo Guuleed Faysal oo 12 jir ah iyo Axmed Faraax Diiriye oo 11 jir ah ayaa ku dhaawacmay dhacdada sidaa aay dadka degaanku u sheegen Somalifans Online, in kasta oo dhalinyarada aysan ku dhaawacmin rasaasta ciidanka balse aay soo gareen dhaawacyo kale oo ka soo gaaray kadib markii aay isku dayeen inay rasaasta ka baxsadaan balse aay dhulka ku dhaceen taasi oo sababtay in dhaawacyo ka soo gaaran halkaasi

 

Arrinkan ayaa noqonaya mid ku cusub dadka Safarka ah, waana markii ugu horeysay ee Ciidku u diido Dhalinyaro dalxiis ah in aay u gudban magaalada Berbera, arrinkan ayaa noqonaya mid ku cusub dhegaha shacabka

 

Xukuumadda Rayaale ayaa maalmahan dambe woda olole aay shacabka ku caburineyso, taasi oo aan la aqoon Ujeedkeeda

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this