Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: New national currency after 17 years

Recommended Posts

lacag2.jpg

 

Dowlada KMG ah Oo Shaacisay in Ay samaynayso Lacag Cusub Oo shilin Somali ah Oo bedesha Tan hada dalka Laga Isticmaalo :

Last Updated::2008-04-15 18:10:46

 

Muqdisho(HR Media):-Xukuumada DKMG ah ee Somalia ayaa soo wada Lacag cusub oo shilin Somali ah taasi oo lagu bedeli doono...

lacagta hada laga isticmaalo dalka , sida uu maanta saxaafada u sheegay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe DKMGS Bashiir Ciise Cali.

 

Shirjara’id Oo uu qabtay ayuu gudoomiyuhu kusoo bandhigay Qaabka la’istusay in laga dhigo lacagta cusub ee DKMG ah ku bedelayso lacagta hada dalka laga Isticmaalo .

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay soo wadaan Lacago aan lafarsamayn Karin ayaan soo wadnaa kuwaasi oo samayntooda gacan naga siinayaan Hayado calami ah Oo aaduunka laga yaqaabo isla markaana Aqoon dheer u leh samaynta lacagta .

 

Gudoomiyaha Bangiga dhexe waxaa uu ka jawaabay hadalo kasoo yeeray Afhayeenka Ururka Alshabaab oo sheegayey in Dowladu ay rabto in shilinsomaliga laga baxo oo la’isticmaalo Birta Dalka Ethopia.

 

Lacagta Maanta ay soo bandhigtay DKMGS oo leh astaan ka duwan lacata hada waxay soo sal salaabtaa lacagtii hore ee kotonka shilin iyo Boqolka shilin .

 

Waxayna soo bandhigista lacagtaasi kusoo aaday xili dalka Meelo ka mid ah laga diiday in isticmaalka lacagta duuga ah isla markaana uu dalka oo dhan ka jiro sicir barar saameyey nolosha somalida .

 

C.somali

Horseed Media

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo daboolka ka qaaday in ay soo daabici doonto Lacago cusub oo bedesha lacagaha uu iminka ismaandhaafka ka taagan yahay ee Duuga ah.

15. april 2008

 

Muqdisho (AllPuntland) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay soo daabici doonto lacago shilin soomaali ah oo isku dheeli tiran, isla markaana wax ka bedela ismaandhaafka xilligan ka taagan socodsiinta lacagaha duugoobay.

 

Gudoomiyaha Baankiga Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Dowladda qorsheyneyso sameynta lacagaha cusub, si looga gudbo dhibaatooyinka hada ragaadiyay gobolada dalka ee quseeyay lacagaha Duuga iyo kuwa jeex jeexa ah.

 

"Waxaan ku guda jirnaa inaan dhowaan soo sameynto lacagihii Dowladdii hore ay laheyd, kuwaasoo oo aan fileyno in ay xal u noqdaan Umada Soomaaliyeed"ayuu yiri Gudoomiyaha Baankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.

 

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in lacagahaas ay noqon doonto kuwo ay ku badalaan lacagaha duuga, isla markaana aysan dhici doonin in ay ku badalaan kuwa Faalsada ah ee Makiinadaha lagu daabaco.

 

Gudoomiyaha ayaa wuxuu beeniyay hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ururka Alshabaab ee ku aadanaa in Dowladda ka mas'uul tahay sicir bararka, isla markaana qiimo dhac ballaaran ku riday shilinka soomaaliya.

 

Wuxuu Gudoomiyuhu intaa ku daray in hadalada kooxdaas ka soo yeera aanu aheyn mid wax ka jira, hase ahaatee ay Dowladda ku dadaaleyso sidii xal kama dambeys ugu heli laheyd xaaladaha hada ka taagan ganacsiga iyo arrimaha lacagta shilin soomaaliga.

 

"Waxaan soo bandhignay lacago cusub oo leh astaan ka badalan lacagihii horay dalka usoo maray, waxaana diyaar u nahay inaan socodsiino sida lacagihii jajabka ahaa sida Shantii Boqol, Boqolkii hore"ayuu yiri Gudoomiyuhu oo intaa ku daray in ay sidoo kale socod siin doonaan Lacagaha sanuuda ahaa.

 

Mudooyinkii dambe waxaa Gobolada dalka si xoogan uga taagnaa isticmaalka lacagaha duuga iyo kuwa jeex jeexa ah, iyadoo ay u dheer tahay sicir bararka oo noqday mid gobolada dalka saameeyay, waxaana qarka ay u saaran tahay in ay qiimo beesho lacagta Kun ee hada ah lacagta kaliya ee ugu yar uguna weyn.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliya oo sheegay in dowlada KMG ah soo daabici doonto lacag cusub

Posted to the MOL April 15, 2008, 11:35 am

 

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowlada KMG ah, Bashiir Ciise Cali, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Federalka soo daabici doonto Lacago cusub oo Shillin Soomaali ah, xilli ganacsatada suuqa bakaaraha qaadaceen qaadhashada lacagaha duuga h.

 

 

Guddoomiyaha manta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdishu ayaa wuxuuna tilmaamay inay dowladu la tashanayso Shirkaddo waa weyn sidii lacagaha la soo sanmeeyo aan mardambe cid kale u soo daabacan.

 

 

Guddoomiyaha ayaa kula taliyay dadka Somaliyeed inaysan iska tuurin lacagaha duuga ah ee la diiday, isagoo sheegay inay dowlada u badali doonto.

 

 

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmay xili ay Somaliya oo dhan ka taagan tahay sicir barar ay dhalisay lacagta beenta ah ee dad ganacsato ah ay ku soo harqiyeen suuqyada waaweyn. Waxaana dad badan isweydiinayaan sababta ay dowlada horey ugu dhaqaaqi weyday talaabooyin wax looga qabanayo arimahaan.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay soo saareyso lacgo cusub oo aan la faabrikeyn Karin {SHIR JARAA'ID DAAWO LACAGTA CUSUB EE SHILING SOOMAALIGA AH EE SOO DAABACDAY DOWLADA FEDARALKA SOMALIA}

Dowladda federalka Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu soconayo qorshe dalka lagula baahinayo lacago cusub oo shilin Soomali ah oo lasoo daabacay lagunabadalayo lacagta duugowday ee mudada dheer la isticmaalayay, xili dallka somalia uu kajiro sicir barar xoogan oo saameyn kuyeeshay Ganacsiga Guud ahaan dalka Soomaaliya

 

 

 

 

Dowladda federalka Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu soconayo qorshe dalka lagula baahinayo lacago cusub oo shilin Soomali ah oo lasoo daabacay lagunabadalayo lacagta duugowday ee mudada dheer la isticmaalayay, xili dallka somalia uu kajiro sicir barar xoogan oo saameyn kuyeeshay Ganacsiga Guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

 

Mr. Bashiir Ciise oo ah guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu heer gabo gabo ah u marayo qorshe ku aadan in dalka laga dhaqan geliyo lacago cusub oo shilin Soomaali ah oo lagu badalayo lacagta keliya ee haatan dalka laga isticmaalo oo ah kunka shilin.

 

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu shalay sii daayay afhayeenka argagixisada caalamiga ah ee AL Shabaab Abuu Mansuur oo sheegay in lacagta birta Itoobiya lagu badalayo shilinka Soomaaliga .

 

“Shilinka Soomaaliga waxaa dhacday in qof kasta uu iskasoo daabacdo,laakin hada dowladdu waxaa ay heshiis la gashay shrikad caalami ah oo soo daabacday lacag ay adagtahay in sidan oo kale loo farsameysto”ayuu yiri guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya.

 

Dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Boosaso iyo Muqdisho ayaa albaabada loo laabay goobaha lacagaha lagu sarrifto,waxaana sarriflayaashu ay diideen in ay qaataan lacagaha duugoobay.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirjara’id Oo uu qabtay ayuu gudoomiyuhu kusoo bandhigay Qaabka la’istusay in laga dhigo lacagta cusub ee DKMG ah ku bedelayso lacagta hada dalka laga Isticmaalo .

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay soo wadaan Lacago aan lafarsamayn Karin
ayaan soo wadnaa kuwaasi oo samayntooda gacan naga siinayaan Hayado calami ah Oo aaduunka laga yaqaabo isla markaana Aqoon dheer u leh samaynta lacagta .

 

Lacagta Maanta ay soo bandhigtay DKMGS oo leh astaan ka duwan lacata hada waxay soo sal salaabtaa lacagtii hore ee kotonka shilin iyo Boqolka shilin .

Ahem, a whole new currency regulated by the central bank was the aim. Not printing the same silly notes in Sudan. A great difference lad. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by AYOUB:

ahem!

lol...AYOUB...caadi ma tihid...sidaa u soo quftay...Wallee SOL caadi maahan waa la iska daba keenayaa...

 

Waxaa la yaab leh the same dude Bashiir Ciise oo hadda dhahayo kuna doodayo lacag lama samayn karo ayaaba horboodaya oo dhahaya hawshu gebagebo ayay nooo maraysaa...

 

Waxaa dooddiisa hadda ka mid ah "Lacagta xaggee la dhigaya"? Oo awal markii 2008 uu lahaa lacag baa la samaynayaa xaggee buu dhigi lahaa? Ma Itoobiyaanka iyo Gabre ayuu u dhiiban lahaa toloow? Soomaalidu indho adkaa...muu iska caddaysto danaha kale ee uu leeyahay inta uusan been kale ku marmarsiiyoon. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The problem with Sharif Hotel supporters much like their failed hero is they basiclly can not comprehend basic statements.

 

The title of the thread is “Mogadishu: New national currency after 17 years”

 

 

What we have hin the Sakin scandal is printing of notes.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this