Sign in to follow this  
xiinfaniin

Change of strategy..

Recommended Posts

Uganda oo Wada hadal la fureysa Odayaasha Qabiilka Hawiyaha

 

Isniin, March 26, 2007(HOL): Sarkaal u hadlay Ciidamada Dhulka Uganda oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay in ay saraakiishooda jooga Magaalada Muqdisho ay wada hadallo la furayaan Qabaa’ilka Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha ****** ee Muqdisho ku sugan.

 

 

 

“Wiilasheena jooga magaalada Muqdisho waxay isku dayayaan in ay la hadlaan dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda, weyna sameyn karaan sidaas, haddii ay sidaas sameeyaana waxaa u sahlanaaneysa in ay qaab wada hadal ah ku soo celiyaan xasiloonida Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Lt. Gen. Katumba Wamala oo ah Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda.

 

 

 

Taliyaha wuxuu ka gaabsaday in uu ka hadlo Diyaarad Midowga Afrika u kireysneyd oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay ku dhacday duleedka Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku dhinteen 11 ruux oo isugu jiray shaqaalihii diyaaradda iyo Injineerro dayactiri lahaa diyaarad ku haleysan Garoonka Diyaaradaha Mqudisho.

 

 

 

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayay Ciidamada Uganda oo ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika waxay la wareegeen gacan ku heynta Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka, iyagoo horayna ula soo wareegay gacan ku heynta Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

 

 

Dhanka kalena Madaxa Ciidamada Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in ay jiraan tuhunno ku saabsan in xubno ka tirsan Al-qaacidda ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, isagoo carrabka ku dhuftay in madaafiicda hoobiyayaasha ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay caddeyn u noqon karaan arrintaas.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliyaa ayaa dagaallo ka dhacay dabayaaqadii todobaadkii hore waxaa ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac inta badan soo gaaray dad rayid ah, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanaya kuwo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay la hadleyso Odayaasha Beelaha ****** ee ka soo horjeeda

 

Isniin, March 26, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay la hadasho odaayaasha Beesha ****** ee eedda ka sheeganaya.

 

 

 

“Annagu horayba diyaar ayaan ugu ahayn in aan la hadalno, balse iyaga ayaa na diidanaa oo wada hadallada ka meer-meerayay, hadana waxaan caddeyneynaa in aan rabno in la hadalno oo aan cabashadooda dhegeysanno”ayuu yiri Gacma-dheere.

 

 

 

Wasiirka waxaa uu rajo ka muujiyay in wax la isla meel dhigi karo haddii ay labada dhinac isu yimaadaan oo ay wada hadlaan, waayo ayuu yiri Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in ay la heshiiso cid kasta oo ka soo horjeeda.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maalmihii tegay ka qaxayay dagaallada Magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqayay in ay qaxa joojiyaan, isla markaana ay kuwii qaxay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

 

 

 

Dhanka kalena, Odayaasha beesha ****** ayaa iyaguna waxay soo dhaweeyeen wada hadalka ay ku baaqday Dowladda Federaalka, wuxuuna Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sheegta in uu yahay Afhayeenka Beelaha ****** uu sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo bani’aadam ah oo nabad raadineysa.

 

 

 

Sidoo kalena Odayaasha Beesha ****** waxay iyaguna ugu baaqeen Shacabka Muqdisho ku dhaqan in ay qaxa joojiyaan bacdamaa ay adkeynayaan xabad-joojintii ay dhawaan ku baaqeen, waxayna dadkii qaxay ka codsadeen in ay dib u soo laabtaan.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha Beesha ****** oo wareejiyay 18 Maxbuus oo laga qabtay Dowladda Federaalka

 

Isniin, March 26, 2007(HOL): Odayaasha Beesha ****** ayaa maanta wareejiyay 18 Maxbuus oo ka tirsan Ciidamada Dowladda federaalka, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Waxgarad iyo Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeedo Beelaha ****** ayaa maxaabiistan ku wareejiyay eheladooda, iyadoo kuwii eheladooda la waayayna lagu wareejiyay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka.

 

 

 

Odayaasha wareejiyay Maxaabiistan ayaa waxay sheegeen in maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Muqdisho ay guud ahaan ahaayeen 24 maxbuus balse lix maxbuus oo ka mid ahaa horay loo wareejiyay iyagoo dhaawac ah.

 

 

 

Qaar ka mid ah Maxaabiistan oo wareysi siiyay Saxaafadda kadib markii ay xoriyaddooda dib u heleen ayaa waxay sheegeen in aysan dooneyn in ay dib dambe ugu dagaalamaan Dowladda Federaalka, waxayna caddeeyeen in intii ay xirnaayeen si wanaagsan loola dhaqmay.

 

 

 

Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sheegta Afhayeennimada Beesha ****** oo ka hadlay munaasabaddii lagu wareejinayay Maxaabiistan ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa mid ahli ah, wuxuuna caddeeyay in shir ay yeesheen Odayaasha Beesha ****** kadib la isku af-gartay in la sii daayo Maxaabiistan, isagoo dhinaca kalena tacsi u diray dadkii ay ka geeriyoodeen askar kale oo u dagaalamayay dowladda Federaalka, kuwaasi oo meydkooda dab la qabadsiiyay.

 

 

 

Dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho dabayaaqadii todobaadkii hore ayaa waxaa lagu qabtay, laguna dilay Ciidamo u dagaalamayay Dowladda Federaalka, kadib markii ay dagaal xooggan iskala hor-yimaadeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this