Sign in to follow this  
Suldaanka

Waa ciide ciida maanta

Recommended Posts

As of 2 am this morning (local SL time), the polling stations throughout major cities in Somaliland are already full of people eager to cast their votes.

 

hambalyo

------------

Burco(ONN) Iyada oo Ay Saacado yari ka hadheen Xiligii Umda Reer Somaliland Si xor ah Codkooda u dhiiban lahaayeen ayaa waxa Durtaba Dadka Ku Dhaqan Magaalada Burco Safaf U galeen Cod Bixnta Doorashada ,

 

Saacadu waa 1:30 Habeenimo Waxana Durtaba goobaha Cod bixinta ku sugan Dad aad u tiro badan oo isugu Jira Rag Iyo Dumar ,

 

Hadaba Hawlwadeenada shabakada Oodweyne News ayaa wax ay u heelan yihiin in aya si is adaba jooga ah u soo tabiyaan wararka iyaga oo aan ilaa iyo hada seexan ,

 

Waxana hada magaalada Dhexdeeda ku sugan Tafatiraha Oodweyne News , Mr Foosi Saleebaan aw-bindhe oo isagu la socda dhaq dhaqaaqyada ka socada magaalada Dhexedaada waxana aanu hada kula xidhiidhnaya Telfoonkiisa gacanta ,

 

Wariye : Siciiid Maxamed Xaaji Cismaan ayaa ugu horayn way diiyay fOOSI Bal Sida ay waxa u Socdaan iyo Halka uu isagu ku sugan yahay Hada , ?

 

JAWAAB : Siciid Hada waxa aan ku suganahay Badhtamaha Magaalada Burco waxana aan soo maray Dhoowr Meelood oo ka mid ah meelaha Bari laga cod dhiiban doono ,

 

Waxana jira dad badan oo dhurtaba galaya safafkii iyaga oo sii buuxiyayaba kuyuuga ,

 

Waxana magaalada gudaheeda laga dareemayaa Dhaq dhaqaaq xoogleh oo aad dareemayaso in safafka la sii galaayo Iyada oo Codbixintuna si rasssmi aha u bilaabmi doonata bari 6:00 subaxnimo ,

 

Siciid Dadka waxa aad moodaa in ay U bislaadeen Habkan asxaabta badan oo waxa aad moodaa dad waligoodba ku dhaqmi Jiraya nidaamkan dimuquraadiga ah ee loo tar tamaayo ,

 

Dadku Si nabada galyo ah ayuu safafka u taagan yahay mana dareemaysid waxa Is riix riix ah xitaa magaalada jawigeeduna aad ayuu u wanaagsan yahay Qof walbaana si nabada galyo aha ayuu hawshiisa u wataa ,

 

MAHADSANID FOOSI

 

Kaasi waxa uu ahaa Foosi Saleebaan oo hada ku sugan Badhatamaha magaalada Burco oo si rasmi aha ula socda hawlaha dhaq dhaqaa magaalada iyo sida ay dadku ugu soo baxayaan Goobaha Codbixinta ,

 

Dhanka kale waxa magaalada caawa fiidkii helahay Roob aad u wanaagsan kaas oo magaalada Qaboojiayay waxana magaalada Bari subaxa dadku Codka dhiiban doonaa iyada oo magaalada dhexedeeda ay wadhan tahay Xareedu ,

 

Computerada Shabakada Oodweyne News ayaan caawa la Bakhtiin doonin iyada oo aya saamalayal u gali doonaan dhamaanba wariyayaasha shabakadu sidii aya u soo tabi lahaayeen Hadba halka laysla maraayo ,

 

Sidoo kale Sida uu ku soo waramaayao wariyahayaga magaalada Ceerigaabo waxa magaalada Ceerigaaabana si weyn loogu diyaar garoobaya siidii bari lixda looga dhiiban lahaa Codka Xorta ah ee lagu dooran doono 82 Mudane ee fadhiisan doona Kuraasta Barlamaanka Somaliland

 

Gudahaanba Dalka Jamhuriyada Shankaroonland ayaa bari si Xor ah looga dhiiban doonaa Codka Xalaasha ah Iyada oo lagu rajo wayn yahay in ay Si nabad agalyo ah uga wada dhici doonto Dhamaanba dalka oo dhan

 

Oodweyne News

Burco Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D

Sxb dadku waa wada ciidsanyahay.

 

Qoys Aabihi u xisbi u codeynaayo, oo hooyadii iyo inanteedi musharax dumara ay codkooda siinayan, oo curadkii isagu musharax dhalinyaro ah oo xisbi kale ka sharaxan u codeynaayo... this is Somali democracy.

 

--------

10kii Arimood ee la yaabka lahaa ee ololaha Doorashada

 

Maanta waxa shacbi weynaha Somaliland u dareerayaan doorashadii ugu horeysay ee baarlamaan ee ka dhacda Jamhuuriyadda Somaliland marka laga reebo tii xorriyadda ee la qabtay 45 sano ka hor. Haddaba maqaalkeenan waxa aynu ku eegaynaa muuqaalka uu lahaa ololihii doorashada ee soo socday 30kii maalmood ee la soo dhaafay, inaga oo maaddaama aynu ku jirro tirintii codadka aan isku badinayn ee soo qaadanayna 10kii arimood ee ugu la yaabka badnaa!

 

 

 

1) Mawjado Nidaamsan:

 

Intii uu socday ololaha doorashadu waxa la yaab lahaa bisyalka dadka reer Somaliland, waxa isu soo baxayey maalmaha dhoolla tuska kumanaan qof oo yar iyo weynba leh iyo gaadiidkoodii, dadkaa isu soo baxayey waxa lagu tilmaami karayey mawjado qul-qulaya. Waxase la yaab lahaa sida heerka sare ah ee ay u habaysnaayeen mawjadahaasi, ma jirin xisbi xasaradaynaya xisbi kale, qofna ma eegayn qof kale xitaa haddii uu ku joogsado, waxaadba moodaysay sidii dad soo galay 100 doorasho oo hore .

 

 

 

2) Guri Baarlamaan ah:

 

Waxa aan ku arkay magaalada la yidhaahdo DHAYNTA oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Ber-Bera guri keli ah oo ay wada sudhan yihiin calamada saddexda xisbiba , sababta oo ah dadka guriga ku wada nool oo saddexda xisbiba ka wada tirsan , markii aan weydiiyey waxa la ii sheegay in odayga reerku Kulmiye yahay, Islaantuna Udub tahay, Inanka reerka ugu weynina Ucid yahay, reerka intiisa kalena kala raacsan tahay saddexdooda, markii dambena lagu heshiiyey in qofba calankiisa guriga baal ka taagto. Dabadeed gurigii wuxu noqday guri baarlamaan oo kale.

 

 

 

3) Xisbinimo Xididaysatay

 

Waxa aannu isu taagnay jidka u dhexeeya Gebilay iyo Hargeysa nin oday ah oo lugaynaya kuna socda Arabsiyo, markii uu noo sheegay degaanka uu u socdo ayaan si kaftan ah ugu idhi soo fuul gaadhiga aad Kulmiyena codka siiside, intuu si xushmadi ku dheehan tahay isu taagay isaga oo kaftankaygii run mooday yidhi waar adeer nin weyn baan ahay oo been idiin sheegi kari maayee xisbi baan ballan u qaaday haddii aad iga tegaysaan iyo haddii aad I qaadaysaanba, anigu Ucid baan codkayga u ballan qaaday †adeer waan kula kaftamayey ayaan ku idhi ee miyaanad arkayn in aannu adiga isu kaa taagnay, laakiin waad ku mahad san tahay in aad codkaaga siinayso xisbiyada mucaaradka ah ayaan ku idhiâ€. Runtii taasi waxa ay muujinaysay sida xisbinimadu uga xididaysatay Somaliland.

 

 

 

 

 

4) Masrax Siyaasadeed

 

Makhaayadaha waaweyn ee Hargeysa fiidkii waxaad moodaysay in koobkii kubadda cagta ee Adduunka lagu daawanayo, dabcan waa koobkii siyaasadda, waxa la kala taageerayay musharixiinta, waxaana loogu kala sacabinayey sida ay u kala hadal yaqaansan yihiin (presentation). Tusaale ahaan waxa habeen ka mid ah habeenadii kaambaynku ugu kululaa anaga oo fadhina kafateeriyaa Caddaani ee Hargeysa lagu soo dhaweeyey shaashadda T.V-ga musharaxa Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo kamid ah musharixiinta ugu xoogga badan xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa, musharaxu aad iyo aad ayuu u xaragoonayey, waxa la weydiiyey waxa ku kellifay in uu is sharaxo, waxaanu yidhi:

 

“Anigu waxaan ka mid ahaa raggii khaliijka ku noolaa, dalkan halgan qadhaadh baannu ku xoraynay, sanado badan ayay carruutayadu soomanayd oo mushaharkayaguna ahaa shiidaalka siikaawaha ka dagaalamaya gudaha dalka, markii aannu is nidhi waydinkaa dalkii xoreeyey ee haddaba iska xoogsada ayaa war dhiillo lihi noo yimi oo la yidhi dalkii YEY diirato ah ayaa qabsatay , nasiib haddaad leedihiin waa haddii aad lafaha ka gaadhaan, sidaasaan dalka u imi, isuna sharaxay, kolkaas haddii dalkan Ilaahay jiritaan la damcayna wuu noo dhiibi, dee haddii Rabbi la dambcay in uu sidaa ku baaba’ona waannu waayi oo waa qaddar Eebbeâ€

 

Intaa markii uu yidhi Musharaxa Nac-Nac ayaa sacab iyo sawaxan lala oogsaday, iyada oo dhalinyaradu leh waa runtii, waa runtii, waa runtii, runtii barnaamijyada noocan oo kale ahi wuu kuwii ugu horreeyey taariikhda siyaasadda Soomaalida.

 

 

 

5) Isbahaysiyo Cusub, Waddooyin Cusub, iyo Suugaan Cusub

 

Ololihii doorashada waxa ku midoobay beelo iyo degaanno aan markii hore dadka iska xigin, laakiin doorashan ku mataanoobay oo dan siyaasadeed isu keentay, waxa kale oo ku kala fogaaday qaar isku bah ahaa ama dadka iska xigay ololaha ka hor, habdhaqanka noocan ahi isna waa mid ku cusub taariikhdeenna siyaasadda. Waxa kale oo musharixiintu tagtay meelo ay yarayd ololaha ka hor in cidi tagto tusaale ahaan waxa aan arkay siyaasiyiin ka soo ololeeyey Shal-caw, Ruguuda, Beeyo Dhaadheer, Caana Madoobe, Cali Jaamac, Doombiraley, Bullo Xaar, Lughaya, Awaare, Qararo IKM . Waxa kale oo dadku bartay heesaha cusub ee xisbiyada sida heesta Kulmiye ee ah: Maalmihii kululaa kuwii noo kecee, kaalintoodii galay ee ku nasiib lahaa, ha kadsoominee kulansiiya oo Kulmiye, Kulmiye, Kulmiye, Kulmiyeynu nahay. Iyo heesta udub ee tidhaahda Aaabihii ummaddeena iyo aasaasihii Somaliland inagu Udub baynu nahay .

 

 

 

6) Ciyaar Soomaali Casar kasta joogta

 

Intii ololuhu socday waxa degaanno badan oo ka mid ah Somaliland ku soo kordhay jaan-dheertii iyo hanna haybsantii la illaaway taasoo guryaha musharixiinta hortooda looga goleeyo galab kasta, xataa magaalooyinka qaar laamiyada waaweyn la isla soo taago.

 

 

 

7) Laba Jir Xisbiyaysan

 

Waxa aan ku arkay xaafadda TAWALI ee Burco 2 jir xisbiyaysan oo sita calanka Xisbiga KULMIYE kuna hadaaqaya Tulmiyeynu nahay, tulmiyeynu nahay .

 

 

 

8) Kulaalkii Burco

 

Isku habeen ayay madaxweynaha iyo madax weyne ku xigeenkiisa midna seexday Oodweyne, ka kalena seexday Qoryaale, labaduba isku saacad ayay subaxnimadii dib uga noqdeen oo midna Hargeysa ku noqday, midna Hawd ku noqday iyaga oo aan soo gelin Burco oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof, dabadeedna waxa la is weydiiyey waxa ay sidaa u yeeleen dadbaa yidhi waa siyaasad xeel-dheer oo fog , dadna waxay yidhaahdeen waa aqoon darro qota dheer oo fog, dadna waxay yidhaahdeen waa faal gun dheer oo fog.

 

 

 

9) Jees Jibbaysan

 

Mar aan Hawd u baxay waxa aan ku arkay kayn cidla ah dhexdeed jees keli ah oo yaalla oo doorashadu madax martay, waxay sudheen calanka Kulmiye buulkii yaraa dushiisii, waxay mid kale ka taageen xerada adhiga dhabarkeeda, calan yar oo kale waxay ka taageen gel-gelinta awrta, runtii waxa ay ahaayeen jees cidla yaalla oo haddana iskii u jibbaysan .

 

 

 

10) Eray Bixin Cusub

 

Olalaha doorashada waxa ka dhashay eray bixin cusub oo aan hore loo isticmaali jirin maalmihii doorashadana noqday erayada ugu badan ee la isticmaalo, tusaale ahaan waxa ka mid ah erayadaa:

 

Buur buu ka daba raray Ka dalooli

 

Ka cunoo ka codee

 

Iyoo qaar kaloo badan, oo aanad fahmaynba

 

 

 

Ilaahay doorashadan ha inooga dhigo tii dalkeenna u horseedda horumar iyo tisqaad

 

 

 

By Cismaan Abokor

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest News...

 

It is a beautiful cloudy day with less dust, thanks to a shower rains that falled on some parts of Somaliland particulary on major cities especialy in Hargeisa area.

 

The polling stations opened exactly as planned on 6 on the dot. The polls are going as expected in an orderly peaceful manner. The elderly and the disabled are being given priority in the long queues.

 

The President casted his ballot early in the morning in the presence of international media. He gave a breif conference to the media urging the International community and in particular the Africans to respect the wishes and aspirations of this bright star in the horn of Africa.

 

Both the opposition leaders Mr. Ahmed M. Mahomoud (Siilaanyo) and Mr. Faisal Ali Waraabe also casted their ballots in polling stations around the capital city. They both urged the citizens to cast their ballots in a peaceful orderly way and obey the orders of the policemen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I know what you mean...

 

The 240 or so candidates, of course, have each casted (or will cast - depending) their ballots in their respected electorates or constituencies - with the exception of few seats reserved for far-eastern Sanaag and Eastern Sool regions.

 

The President and the Opposition leaders are not running for the parliamentary seats so they each voted for their parties in the nearest polling station to where they reside.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^He is one of the best @ Laanta Somaliga... I am not so sure about the English section or maybe because it was early in the morning. Hmmm

 

 

There are 82 seats up for grabs. And each party was expected to put forward 82 candidates which makes a total of 246... but because there were a number of candidates that resigned the total number that are currently running is less than 246. 240 is a good guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I honestly will sing along with "Somalilanders" during the time of "Presidential" elections. I have my bets stacked on Jaale Riyaale magically "winning" another term.

 

Till then..

Share this post


Link to post
Share on other sites

The presidential elections will be called ealier then scheduled previously, if the opposition parties secure majority of the parliamentary seats.

 

The constitution allows the right for the parliament to call for an earlier election if they can make a case for it or in otherwords majority votes for the motion.

 

Anyways, dadku khibrad ku filan waa haystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Radio Shabeele reporting live from Hargeysa

 

"Siday u socoto Doorashadu waxay u eegtahay inay ka fiicantay kuwo badan oo dalalka hore u maray ah"

normal_rayaale.jpg

[Madaxweyne Rayaale oo codkiisi dhiibanaaya]

 

 

dad.jpg

[One of the many polling stations in Hargeisa- men line up one queue, women on another]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Suldaanow

This is definetily a wonderful day, not only for Somaliland but for the entire horn of Africa. You know that I'm vehemently against the notion of Somaliland as a breakaway republic, I wish to see it as an autonomous state within a federal Somalia. Nevertheless, Somaliland is doing exceptionally well for itself and beems a ray of hope and pride to the rest of the horn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D

Indeed specialy for the lucky man/woman that is taking part to vote in this historic day.

 

This elections will be one of a kind in Africa, when it come to how free, fair and transparent it is going to be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

latest

 

" In order to prevent double voting, the National Electoral Commission has banned movement of people, with the exception of emergency services, observers, election officials and journalists.

 

On Tuesday, Steve Kibble, the joint coordinator of the 76-member international observation team, said he was confident this year's parliamentary poll would be credible.

 

“
The provisions against double voting are quite high-tech. They have a pretty good system of ensuring nobody will vote twice
,†Mr. Kibble said.

 

Mr. Kibble works for the London-based Catholic Institute for International Relations.

 

Many of the candidates are citizens of the U.S., Britain, Canada and some European countries."

 

Voice of America: Report - Audio

Signpost in Somaliland's Quest for Sovereignty

 

 

Codbixintii doorashada oo si fiican uga socota 153 goobood ee Gobolka Awdal

 

Reer Laascaanood oo Ka Codeynaya Adhicadeeye & Yagoori

 

-----

somaliland_codbixin.jpg

 

Safdoorasho.jpg

 

Rayalevoting.jpg

 

Silanyovoting.jpg

 

Faysalvoting.jpg

 

Safdoorashodumar.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this