Sign in to follow this  
Land_Soldier

The new leader of the Opposition

Recommended Posts

Let me introduce you to the possible new leader of the opposition, the Lion of Hargeysa, former Minister of Aviation and Airports, and candidate for the UDUB leadership: Warancade

 

jiciir-warancade2.jpg

 

CaruurLibaaxdaawanaya.jpg He has lions in his house.

 

0fbfed72ed.jpg

 

warancade.jpg

 

hargeisa%20airport.jpg

 

Airport in construction

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warancadde Oo kolkii u horaysay shaaca ka qaaday in uu u sharaxanyahay tartanka madaxwaynanimada

Written by Qaran News

Sep 05, 2010 at 02:35 PM

Hargaysa,(Qaran news)- Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta galinkii danbe isaga oo ku sugan gurigiisa saxaafada xagaasi kula hadlay waxa uu si toos ah daaha uga qaaday in uu u sharaxanyahay una tartamaayo jagada madaxweynanimada kana sharaxanyahay xisbiga UDUB.

 

Warancadde oo in badan la tuhunsanaa dad badan oo tageerayasha xisbiga UDUB iyo guud ahaan shacabka Somaliland-ba ay u arkayeen nin jagadaasi buuxin kara ayaa markii u horaysay ku dhawaaqay in uu jagadaasi u taaganayahay musharaxa madaxweynanimada ee xisbiga UDUB, hadalka Warancadde oo dhinacyo badan taabanaayay waxa kale oo uu kaga hadlay arimaha doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo uu sheegay in ayna haboonayn in wax sanad ka badan dib loo dhigo isla markaasina waxa uu carabka ku dhuftay shaqsiyan in uu jeclaan lahaa in labada doorasho mar la wada qabto oo la is raaciyo, taasi oo uu sheegay in ay kharash ahaan iyo wakhti ahaanba u wanaagsantahay dalka

 

Sida ay doontaba ha ahaatee Warancadde waa shaqsi ay dadka reer Somaliland aad u qadariyaan kuna xasuustaan wax qabad iyo shaqsi nabadeed oo hawl kar ah, kana soo qayb qaatay nabadayntii Somaliland xiliyadii ugu adkaana u guntaday hadii uu xisbiga UDUB hogaanka musharaxnimo u qabtana waa shaqsi markale ku soo celinkara xisbiga UDUB dhabahii hogaaminta dalka ee ay xisbiga Kulmiye sida raaxada ah uga qaadeen, iyada oo ay jiraan rag kale oo hunguraynaaya jagadaasi isla markaasina tartan laga yaabo in ay kula galaan Warancadde ayaa hadana waxa uu Warancadde bulshada dhexdeeda ku haystaa tageero xoogan oo gobol iyo degmo kastaba leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this