Sign in to follow this  
Che -Guevara

Garowe: Puntland oo ka jawaabtay Bayaankii Congress-ka Mareykanka ah.

Recommended Posts

Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa jawab ka bixisay hadal uu labo maalin ka hor soo saaray Wakiilka golaha Baarlamanka ee Mareykanka uqabilsan Xaajada African Donald Payne oo uu kaga hadlayay xaaladaha deegaanad Puntland iyo dadka ay Puntland udhiibtay dawladda Itoobiya.

 

Wasiiru dowladaha Dawlad-Wanaaga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garowe kuqabtay Shir jaraa’id ayaa sheegay in aad uga xun yihiin hadalka dawladda Mareykanka.

 

Gaashaan ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo kasta oo ay ku xaqiijinayaan amaanka Puntland, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin in dad udhashay Galbeedka Soomaaliya :D loo dhiibay dawladda Itoobiya, isagoo sheegay in ay labada dawladood ka dhaxeeyaan xiriiro iskaashiga dhinaca amaanka ah, wuxuuna tilmaamay in dadkaas ay sheegtay dawladda Mareykanku ay hada ku jiraan Xabsiyada deegaanada Puntland.

 

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in ay xiran yihiin dad uu sheegay in ay ka soo jeedaan Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayna ku xiraan Xabsiyada magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in dhawaan la horgeyn doono Maxkamad oo sharciga lugu qaadi doono, wuxuuna waxba kama jiraan ku sifeeyey wararka sheegaya in ladoonayo dadkaasi in loo dhiibo dawladda Itoobiya.

 

“ Dawladda Puntland xil ayaa ka saaran amaankeeda, cid kasta oo ay uaragto in ay dhibaato ku hayaan amaanka Puntland wey qabanaysaa sharcigana wey horgeyn doonaysaa, waxaana arrimaha la sheegayo ee ku wajahan in dad udhashay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya loo dhiibay dawladda Itoobiya, ay tahay mid aan waxba ka jirin” Ayuu yiri Wasiiru dowlahan oo shirkiisa Jaraa’id su’aalo kala duwan lugu weydiiyey.

 

Donald Payne ayaa ah Mudane ka tirsab baarlamaanka dalka Mareykanka, wuxuuna ka soo galay baarlamaanka dhinaca Xisbiga talada haya ee Dimuquraadiga, isagoo aad ula socda dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marar badan la kulmay Siyaasiinta Soomaalida ee isku haya xaajada dalka Soomaaliya.

 

APL oo weydiisay Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) in ninkii ku dhintay gudaha Xabsiga Boosaaso ee Puntland, uu cadeyn karo waxa uu udhintay ayuu sheegay in uu udhintay Xanuun hayay, isagoo been iyo war aan waxba ka jirin ku sheegay in ninkaas ugeeriyooday Jirdil ay ku sameeyan ciidamada Sirdoonka ee Puntland.

 

Wakiilka golaha Congress-ka ee Mareykanka uqabilsan Xaajada African Donald Payne ayaa ku eedeeyey Puntland in ay dad udhoofisay Itoobiya, isla markaasna ay sidoo kale wali xabsiyadeeda ku jiraan dad kale oo ay doonayso in ay udhiibto dawladda Itoobiya, isagoo ugu hanjabay in ay Saraakiisha leh Masuuliyadaas ay ka qaadi doonaan talaabooyin caalami ah oo ula jeeday in maxkamad la horgeyn doono.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo jawaab ka bixisay eedeynta D.Payne

23 Nov 23, 2009 - 4:52:56 AM

 

 

 

Warsaxfadeed maanta 23 Nov,2009 Madaxtooyada Puntland uu ku qabtey Wasiiru dowlaha dowlad wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gashaan ayaa ka hadlayey qoraal dhowaan kasoo baxey xafiiska Mudane ka tirsan aqalka odayaasha Mareykanka Donald Payne.

 

Warasaxafadeekaan oo kooban ayaa qoraa sidatan:

 

Warsaxafdeedkaan aan maanta 23 Nov,2009 ku qabaneyno xarunta Madaxtooyada Puntland ayaan waxaan ugu talagaley in aan ku saxno khalaadaad ku jirey iyo war been abuur ah oo lagu sheegey qoraal la yiri wuxuu kasoo baxey xafiiska Wakiil ka tirsan aqalka Hoose ee Mareykanka Donald Payne kaasoo lagu xusey 21 Nov,2009, waxyaabo badan oo xaqiiqada ka fog kuwaasoo been abuur ah taas ayaan rabnaa in aan ku saxno oo bulshada caalamka iyo Ummada Somaliyed kula socodsiino xaqiiqda runta ah ee arrimahaas la sheegey.

 

Shirkii Madaxweynaha Puntland iyo Congressman-kaas oo bisha Nov bartamaheda ka dhacey magaalada Nairobi waxuu ku dhamaadey is-afgarad buuxa wax khilaaf ah ma ay jirin haba yaraatee. Waxaa nasiib darro ah warsaxafadeedka laga soo saarey xafiiska Donald Payne kasoo aan muqaal iyo astaan xafiis midna aan laheyn ayaa waxa ku jirey eedeeymo aan xaqiiqada wafaqsaneyn sida maxbuus la diley iyo dad jirdil lagu sameeyey, eedeeymahaas oo weliba weheliyeen hanjabadyo waxaan u iileynaa [ u nisbeyneynaa] iney ka yimaadeen ama Congressman-ka u gudbiyeen dad dano gaar ah oo siyaasdeed ka leh [ Conflict of Interest] arrimahas lagu xusey qoraalkaas.

 

Waxaan saxaafada u cadeyneynaa in nidaamka Puntland uusan ku dhisneyn kaligii talis-nimo sida qoraalkaas ka muuqata, maxaa yeeley Madaxdeedu waxa ay ku timaadaa Doorasho iyada oo muqtaqbalka soo socda u gudbeysa doorasho kasii balaaran kuwii hore oo xisbiyo siyaasdeed wadanka laga hirgaliyo taas oo qof walba xaq u leeyahay inuu u tartamo xilka uu rabana isaga oo adeegsanaya waayo aragnimadiisa, aqoontiisa iyo wadanimadiisa qaban kara.

 

Dhinaca kale waxaan shegeynaa oo codbuuxa ku celcelineynaa in dowladda Puntland cidna magan uga aheyn difaaca xuduudyadeeda, xuquudeeda iyo siyaasadeeda iyada oo sharciga u wada siman yihiin dadka muwaadiniinta ee reer Puntland iyo kuwa kale ee martida u ah ee ka yimid dhulalka kale

 

Waad Mahadsantihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB:

Are you covering for General `Cut-n-Paste´? He's been quiet since Payne's public bollocking of Faroole.

I don't think this is something he posted, so no.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by AYOUB:

Are you covering for General `Cut-n-Paste´? He's been quiet since Payne's public bollocking of Faroole.

:D Ka daa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^I missed nothing, I just chose to not entertain where Ayoub is going with that-in case point Abwaan.

 

 

N yes, this would be something Duke wouldn't have posted considering this cat-mouse game between Puntlanders and Slanders with occasional cheers from folks elsewhere in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Zack:

^And I can believe that Che missed the point. He hasn't posted this one kulahaa ehehe.

kaba daran! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this