Sign in to follow this  
Siciid1986

Madaxweynaha Somaliland oo Ganacstada Dalka Ka Codsaday 5 milyan Oo Dollar

Recommended Posts

Hargeysa (CRBO)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud, ayaa ganacstada Somaliland ka codsaday inay amaahiyaan shan milyan oo Dollar, si uu ugu dhaqaajiyo hawlaha qaranka uu dhawaan xilkiisa la wareegay.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed, waxa uu habeen hore gurigiisa shir ay albaabadu u xidhanyihiin kula yeeshay ganacsatada dalka, waxaana shirkaas ku weheliyay Wasiirkiisa Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu kulankaas ka soo saartay, laakiin sida ay ilo xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, Madaxweynuhu waxa uu kulankaas ganacsada ugu soo bandhigay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo khasnadaha dawladda ee madhan ee uu kala wareegay xukumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu ka codsaday ganacstadaas inay amaahiyaan lacag dhan 5 Milyan oo Dollar, taas oo uu sheegay inay xukuumadu iskaga bixin doonto sida ugu dhaqsaha badan.

 

Sida uu warku sheegay Madaxweyne Axmed Maxamed, waxa uu kulankaas ku soo hadal qaaday hantida dawladda ee ay xukuumadii hore ka iibisay qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaas oo uu dhawaan xayiraad ku soo rogay Wasiirka hawlaha guud, isagoo wasiirku sheegay inay kala shaandhaynayaan ganacsatada waraaqaha haysata iyo kuwa u hoos raaciyay. Madaxweynuhu waxa uu kulankaas ka sheegay inaanay xukuumadu dhismaha ka joojinayn cidda xukuumadii hore ka haysata waraaqo, balse ay talaabadan u qaadeen si ay u kala ogaadaan kuwa aan sharciga haysan iyo kuwa haysta.

 

Wasiirka Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyay sida ay tahay xaaladda dhaqaale ee xukuumadooda cusubi, waxaanu xusay in khasnadda dawladu la mid tahay halkii uu Alle haw naxariste Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal ka bilaabay sannadkii 1993-kii, markaas oo uu lacag amaah ah ka doontay wadanka Djibouti. Sidaas daraadeed sida ay ilo wareedyadani sheegeen waxa uu wasiirku ganacstada ka dalbaday inay lacagtaas ammaahiyaan xukuumadda cusub, waxaanu sheegay inay lacagtaas dib ugu soo celin doonaan dhawr goor oo kala duwan.

 

Qaar ka mid ah ganacstada ayaa sida uu warku sheegay kulankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin inay xukuumadda amaahiyaan qadarka lacageed ee ay codsatay, waxaanay masuuliyiintii xukuumadu sheegeen inay ganacstada xafiisyadooda ugu gayn doonaan waraaqo codsi ah iyo qadarka lacageed ee ay shirkad kasta ka doonayaan.

 

Ganacsatada kulankaas joogtay waxa ka mid ahaa Baxsane, Cali Maaweel, Dahab-Shiil, Telesom, OGF Comapnay, Indho-Deero Company, Xarbi Company, iyo kuwo kale, waxaana la filayaa inay ganacsatadu xukuumadda amaahiso lacagtaas.

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this