Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Maanso: Waxay Saado Leedahay......

Recommended Posts

Maansadaan waxaa curiyey Abwaan Mataan oo uga dhigey Afcelin raga dhaqanka ka tagay oo ku aflagaadoodey Saado. Maalmahana saxaafadaha ku qorayey weeraro ka dhan ah, iyadoo ay qaab qabiil ay u weerareen Saado Cali Warsame. Abwaanka ayaa tibaaxaya waxay saado leedahay.

 

HALKAAN RIIX OO KA DHAGAYSO

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

and some more calacaal.

Yaa calaalcalay ma wasiiradiina mise ???

 

War xaaji miyaad iska dhawaqdaa horta...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay saado leedahay

lama socotid adiguye

ha ku sarin duraamada

hadalkana ha saafsaafin

sidigtana ha dheerayn

ha ku gefin siyaasadda

qabyaaladna ha sooryayn

siday diintu nagu tidhi

saamaxaada ugu dadaal

 

Waxay saado iman heedhe

iyadoo sidata calankoo

subcinaysa hadalkoo

uu sacab tumaysa laantoo

farxad lagu soo dhawayn ,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

"waxay saado leedahay

soomaali baan ahay

midnimaan sugaayaa

dagaalada sokeeyiyo

qabyaaladi ha suurtoo

dawladnimo la saantiyo

socodsiiya qarankee

ma cid bay saraysaa?

 

waxay saado leedahay

eedaad saanyateenbaa

sursurada maraysee

saxaafada ka tebiseen

maantana sawaxankiyo

ka salgaadhey ceebaha

ma suurayn karaysaan?

 

salfudaydkan baasee

sedka aad u leediin

maxaa qoorta sudhayoo

suuqyada u keenteen?

 

waxay saado leedahay

xoolaa la soocaa

sumad lagu dhigaayoo

seere lagu xereystaayoo

xadhko loogu soohdee

sakaladaad dhigaysaan

miyaa laygu sirayaa?

 

caqligaa saliimka ah

ra yigiisu saa yahay

ma qoys sabara yaaluu

sumcadiisa dhimayaa?"

 

Jaceylbaro, haku qatalmin meesha! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Excellent gabay. Saado is a somali heroine.

 

Salfudayda baas ee

Sadka aad u leedihiin

Maxaa qorta sudhayoo,

Suuqyada u keenteen?

 

:D:D War rer-midnimo-diid salfudeyd lagu sheeg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this