Sign in to follow this  
Haashim

QAYBTA SEEXASHADA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Recommended Posts

Haashim   

I recieved this mail from my friend, although its long, it's very intresting and i want to share with you.

 

 

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI.

 

... Madaxda Soomaalida col ma’ahan, oo dad col ah ayaa la heshiisiiyaa. Saaxiibana ma’ahan oo dad saxiiba ah lama kala dhexgalo....

 

Marka aad booqato Isbitaalka weyn ee Mbagathi oo ah halka la yiri Soomaaliya ayaa ku shiraysa, lagana sugayo iney dowlad ka dhalato dhawaantan, waxaad ugu tagaysaa dad dagan oo jiifa qolol oo aan buuq lahayn, waaga markuu u baryana hawsha ugu horeysa ee ay qabtaan ay tahay iney doontaan raashinkii ay cuni lahaayeen, subixii marka uu soo quraacdo, wuxuu u egyahay sidii nin shaqo weyn Soomaali usoo qabtay. Inta Duhurka laga gaarayo sheeko iyo kaftan ayuu galaa, hawsha ugu quruxda badan agtiisa ee uu qaban karo ama qabanayo, waa inuu hogaamiye hebel caayaa, ama midkuu jecel yahay amaanaa. Colaadda ugu badan ninka uu u hayo waa kii ay saakay isku miiska ku quraacdeen, labada qol oo isku dhaganna ay wada dagan yihiin.

 

Gabar kamid ah kuwa cuntada kariya ayaan ku iri, dadkan halkan dagan maxay yihiin? Halkaanse maxay ka hayaan? Waxay igu tiri. Adigu ma Soomaali baad tahay? Haa ayaan ugu jawaabay. Qof Soomaali ah waxaanan u sheegin ayaan kuu sheegayaa ee i dhagayso ayey tiri. Waxay hadalkii ka bilowday: Dowladda Kenya waxay nagu tiri, dadkani waa dad col ah, waa dad dalkoodii isku soo laayey, waa dad 14-Sano xabad isku hayey, waa dad colaadda u dhaxaysa ay gaartay ineysan 14.Sano ku heshiin sidii ay dowlad u dhisan lahaayeen. Laakiin anigu markaan dadkan arkay iilama eka dad ay colaadi ka dhaxayso, wey isla qoslayaan markay sheekeynayaan, dad goobo goobo u kula fadhiyo oo ay colaadi u kala muuqato ma’ahan, wali ma’arag laba isu gacan-qaadaysa oo leh waxbaan isku af-garan la’nahay. Marka aniga dadkan xaalkooda hal-xiraale ayuu igu yahay. Si kale hadaad u eegto waa niman qurux-badan, dumarka kenyaanka ahna aan ka faanin oo jecel inaan la saaxiibno. Hadaba adaa Soomaali ahee i fahamsii dadkan waxay halkan u joogaan, iyo sida ay run u tahay wixii ay dowladayadu noo sheegtay. Gabadhii uma jawaabin. Waayo umahayn jawaab aan ku qanciyo.

 

Xilayadii uu dagaalku ka socday Burundi iyo Ruwaanda, ayaa mar danbe shir la isugu yeeray jabhadii isleynayey, nin kamid ah dadkii ka qab-qaatay dib-u-heshiisiintoodii ayaa iiga sheekeeyey. Wuxuu yiri: goobta ay ku shirayaan waxay ahayd, hool-weyn oo uu miis balaciisu dheer yahay u dhaxeeyo, kuraastuna ay u kala fogtahay, codkooda mooyee uusan jirkoodu isgaari karin, marka ay soo galayaan hoolka shirarka waxay ka soo kala galaan irido kala duwan, koox waliba waxaa la socota ciidan nabad-galyo, marka ay soo fariistaan hoolkii shirka, ciidanku kama dhex baxo ilaa inta uu shirku ka dhamaanayo. Wuxuu yiri, dowlada martida loo yahay shaqada ugu badan ee ay qabato waxaa weeye sidii naftooda loo kala ilaalin-lahaa, hadii ay is arkaan madaxdoodu, waxaa la ogyahay iney isleynayaan oo ay gacanta iskula tagayaan. Mid-mid salamaya majiro, wajigooda isma-arko, fariimahoodu isma gaaraan. Laakiin maalinta uu heshiisku dhacayo oo ay wax walba isla ogolaadaan, kadibna ay is gacan qaadaan, waxaa meesha laga saarayaa ciidankii nabad-galyada ee iyaga kala ilaalin jiray, si gooni gooni ah ayey iskula kulmayaan, iyagoo isla qoslaya ayaa la arkaa, dad heshiiyey sidoodii ayey u wada dhaqmaan. Hadalkii wuxuu iigu soo gabagabeeyey, Soomaalidu sidaas matahay?

 

"Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Nin soo jeedo lama toosin karoâ€

Waxaan ugu jawaabay. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Nin soo jeedo lama toosin karo†madaxda Soomaalida col ma’ahan, oo dad col ah ayaa la heshiisiiyaa. Saaxiibana ma’ahan oo dad saxiiba ah lama kala dhexgalo. Markaasuu inta yaabay igu yiri, mawaxay u egyihin sidii ay Soomaalidu dhihi jirtay “ Nin iyo naagtii saaxiibna ma’ahan colna ma’ahan†Waxaan ku iri, hadaan sidaas ugu maah-maahno armaa xaal nalaga qaadaa.

 

Mudo hadda bil laga jooga ayaan booqday degmada Neefaashe oo ah halka uu ka socda shiraka wada xaajoodka Suudaanta, waxaan ku soo arkay dad wax waliba ay u kala soocanyihiin, isku hoolal ma fariistaan, cuntada iskumeel kama cunaan, jiifka sidoo kale, waa dad aan isku sheeko ahayn, waxay kulmaan oo kaliya marka ay shirarka rasmiga ah isugu imanayaan, markaas lafteeda gudiyo unbaa is arka, ee inta meesha joogtaba masoo wada fariisato. Markaan arkay siday yihiin ayaan iri, shirkan waa mira dhalaya maxaa yeelay dad dagaalsan ayaa wada fadhiya, laakiin kan Soomaalida sideebuu ku miro dhalayaa hadaysan dadku colaadi ka dhaxayn.

 

Maxamed Daahir Afrax. Sida uu buugiisa ku sheegay, wuxuu qabaa in maanta ay Soomaali waalan-tahay. Maragna wuxuu ka dhigtay, in Culimada Cilmiga Bulshada ay dhahaan sida qof u waalan karo ayey bulsho dhanna u waalan kartaa. Saas owgeed “Afrax†wuxuu ku qanacsan-yahay in maanta Soomaalidu aysan bulsho ahaan u miyiri qabin. Lafteydu fikradaas iney suuragal-tahay kama fogi. Dhacdooyinka aan is dhihi karo Soomaali maanta ma miyir qabto kuwooda ugu yaryar waxaa kamid ah.

 

Beelaha Soomaaliyeed intooda badan, waxay magacii hogaamiye u ogolyihiin kii ay islahaayeen waa ugu hooseeyaa, aqoon ahaan, xishood ahaan, shakhsiyad ahaan, waliba waxaa af-hayeen iyo lataliyo u ah waxgaradkii reerka.

 

Waxaan aragay mid-kamid ah kuwa ladho Hogaamiye-yaasha Soomaalida oo ay hawshiisa oo dhan tahay in galinka horana uu hurdo, galinka danbana uu khamro iyo qaad isku wado, biilkiisa iyo xurmeyn-tiisana ay qabaan inta dadka ugu sareysa.

 

Midbaa halmaalin 3.Warqadood oo caski isku-wada ah saxiixay. IGAD ayaa ninkii u yeertay, waxaa lagu yiri, sadaxda warqadood ee aad maanta soo wada saxiixday oo hadana iska soo horjeeda ayaa naloo keenay ee teebaa adiga dhab kaa ah? Wuxuu yiri, dadkii ku kala qornaa sadaxdaas warqadood hadaad itustaan ayaan garan karaa midaan sida dhabta ah u taageersanahay. Malaha wixii ku qornaaba ma’uusan akhrin.

 

Kiplagat ayaa la yaabay Soomaalida, markasuu ku yiri, waligay ma’arag tiro intaan le’eg oo wada leh dalkii ayaan matalnaa.

 

Dhawaan markii uu yimid xarunta shirka Kofi Anan, ayaa intii uusan shirka soo galin waxaa Soomaalida lahadlay Kiplagat, wuxuu ku yiri, fadlan waxaan idinka codsanayaa in aydan Kofi Anan wax cunto xumo ah, ama jiif xumo ah, inaydanan u gudbin Kofi Anan.

 

Nimankii Soomaali 14.ka Sano gubayey, ee u diiday iney dowlad-nimo helaan, maanta jagada ugu sareysa ee ay helayaan waa xubin Baarlamaan, iyagoo lamid noqoya qof kasta oo soo gala Barlamaanka.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

680 Hotel, Nairobi

--------------------------------------------------------------------------------

Eldoret waa Magaalo sidee ah

Maalinbaa Isbitaalka ay Soomaalida qaarkood jiifaan ee ah Hotelka 680. soo booqday, irida ayaan ugu imid labaataneeyo qof oo Soomaali ah oo ay hortaagan-yihiin wiil iyo gabadh Saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta Kenya, waxay yiraahdeen anaga 20.qof masawiri karno, ee Wasiirkan hebel ah ayaan rabnaa inaan sawirno, maadaama aan isaga waraysi gaar ah ka qaadayno, lagama-yeelin codsigooda, iyagoo ay Saxafiyiintii caraysan yihin oo ay iska tagi rabaan ayaan ku iri, hal mar kuligood wada sawira, kadibna wasiirka aad goonida u rabtaan gaar ahaan usawirta, maxaayeelay adinkoon kuwan sawir ka wada qaadin idin katagimayaan. Hadaan dadkii wajiyadoodii fiiriyey waxay wada ahaayeen wasiiradii D.K.G. ah.

 

Cali Khaliif Galaydh ayaa igu yiri. Sanadkii 93.kii ayey Dowlada Maraykanka noo yeertay, halmeel ayey isugu kaaya keentay anagoo dhawr qof oo Soomaali ah, waxay nagu tiri. Soomaalidiina marka aad qof qof noola hadleysaan dad caqli badan, aftanno ah, aqoon leh, ayaad u egtihiin, ee bal qolkaas wada gala oo adinku isla hadla oo waxaad isku afagarataan noo soo sheega. Wuxuu yiri Galaydh, waxba waan isku afagan weynay, oo shirkii aan yeelanay wax miro ah kama soo bixin.

 

Maxamed Aadan Sheekh oo markaas kayimid Isbitaalka ay Soomaalidu ku xaraysan yihiin ee Mbagathi, ayaan weydiiyey Su’aashan. Maxaa waayadan shirku usocon la’yahay oo hakiyey shirka? Wuxuu iigu jawaabay, dadkii aan Mbagathi ku soo arkay su’aashaasba isma-weydiineyn, waxay u ekaayeen dad aysan hawli ka dayacmeyn, meel ay ku dagdagayaanna aysan jirin.

 

Waan ka xishoonayaa inaan sheeg-sheego ceebta ay dadkeygu leeyihiin. Qofka kasta oo isku daya inuu tilmaamo wanaagga iyo dhaqamada qurxoon ee ay dadkanagu leeyihiin, waxaa ka hor timaada su’aasha ah, oo hadaad saas u fiican-tihiin maad dowlad dhisataan.

 

Dadka wanaaga iyo khayrka hormuudka u ah hadaysan hadda umadda badbaadin, goormey wax qabanayaan, hadii la dhaho hebel waa nin jaahil ah, hadaanan wax lasiin dagaal iyo colaad ayuu nagalin, imisa ayey qaadan doontaa in dadka wanaagsan ay wax noqdaan. Oday Soomaaliyeed ayaa igu yiri, wiilka aan dhalay waxaan rabay inaan iskuul geeyo oo uu Jaamacad kasoo baxo, si dadka dhexdiisa uu qiime uga yeesho, oo xukunka dalka ula wareego, laakiin hadda sida ay Soomaalida wax ku doorato markaan arkay waxaa igu soo dhacda inaanan wiilkeyga wax barin, horumar iyo aqoonna uusan kororsan, si uu xukunka sidaas ugu gaaro, maxaa-yeelay hadhaw isaga iyo nin aqoon leh markay wax isku qabsadaan isaga ayaa jaahil-nimadiisa lagu dooranayaa.

 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this