Sign in to follow this  
Siciid1986

Garabka Dhalinyarta Xisbiga UDUB ee Gobolka Sool ...

Recommended Posts

Dhalinyaro Gaadhaysa 400 Oo Xisbiga UDUB Ka Soo Digo Rogtay Kuna Biiray Kulmiye

 

(Haatuf) - in ka badan 400 afar boqol oo dhalinyaro ah oo xisbiga udub ka soo diga rogatay ayaa shalay ku soo biiray xisbiga kulmiye.

 

dhalinyaradan oo ay wateen guddomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada ee xisbiga UDUB ee gobolka Sool, Mr. Deeq Cali Maxamed iyo Xaali Xirsi Cali ayaa waxa xaflad balaadhan oo soodhoweyn ah logu sameeyay xafiiska xisbiga kulmiye ee magaalada Lascaanood xaflada oo ay goob jog ka ahayeen wafti sare oo ka socda xisbiga kulmiye oo u horkacayo eng Cali Siciid Raygal oo iyagu hada gobolka ku sugan iyo masuuliinta xisbiga ee gobolka Sool,

 

Cali Siciid Raygal oo halka ka hadlay ayaa sheegay in ay dhalinyarada reer Sool ee xisbiga udub ka soo baxay ay soo dhowaynayaan,kuwaas oo u ku tilmaamay in ay soo arkeen xaqiidada udub tala oo aan ahayn mid u danaynaysa bulshada iyo dalka,taas oo u sheegay in ay bulshada Somaliland ka tagantahay quus iyo faro madhnaan,mr cali waxa uu intaku daray in ay iyagu wadaan danta dalka iyo ta dadka reer Somaliland ayna isugu mid yihin,waxa ay ku dedalayaan haday talada qabtaana ay tahay dalka ooay ka sameeyaan isbedel dham ah oo la taban karo.ayna ku dedeli doonan in ay xooga saaran wax ka qabashada kabayaasha halbawlaha u ah arimaha bulshada.waxa uu inta ku daray in xukumada Daahir Rayaale Kaahin ay dalka meel walba ka curyamisay anayna waxa horumar ah anay u soo wadin.ugu danbayntiina waxa uu dadka reer Sool kula dardarmay in ay doorkoda ka qataan isbedelka la donayo in dalka laga sameeyo,C/waaxid C/qaadir C/raxmaan oo isna halka ka hadlay ayaa garabka dhalinyarada udub ee ku soo biiray xisbiga kulmiye amaan u soo jeediyay iyada oo u sheegay in dadka reer lascaanood xaqoodi kaga maqan yahay xukamada Rayaale,balse xisbiga kulmiye ula diyaar yahay in u wax u qabto,

 

mr Deeq Cali Maxamed gudoomiyihi garabka dhalinyarada udub ee hore oo isna halka ka hadlay ayaa ka hadlay wax yabaha ay uga soo diga rogteen udub taas oo u ku tilmaamay in ay ka soo guureen markay arkeen in aanu soo wadin wax horumara kuna fashilmay wax ka qabashada qaybaha bulshada,isla markaana anay fulin balamada ay xukumadu hadiyogoor ku dhawaqdo.waxana uu inta ku daray in ay taas ku rajo weeyn yihin in xisbigan ay u soo diga rogteen ee kulmiye uu wax badan ka qaban doono. isla markaana ay wixii maanta ka danbeya tageero hiil iyo hoba ah la garab taganyihin xisbiga kulmiye,

 

waxa kale oo iyana halka ka hadlay masuulin kale oo xisbiga kulmiye ah kuwaas oo ay hamid yihin gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka Sool Bile Xasan Xaaji Cali .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this