Sign in to follow this  
me

DFKMG oo maanta ka shirtay xayiraad dalka Kenya uu kusoo rogay dadka Soomaalida

Recommended Posts

me   

DFKMG oo maanta ka shirtay xayiraad dalka Kenya uu kusoo rogay dadka Soomaalida ee dalkaasi galaya

Muqdisho, 04 Oct, 2006 ( WDN) - Golaha wasiirada dawlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo. Kaasi oo lagaga hadlayay xanibaad waaxda socdaalka dawlada Kenya ay kusoo rogtay dadka Soomaalida ee dalkeeda galaya, ayadoo kulankan uu shir gudoominayey ra'isalwasaaraha dawlada federaalka Cali Maxamed Geedi.

 

Kulankan oo socday muddo saacado ah ayaa ugu horeyntii golaha wasiirada waxa laga hor akhriyey qoraalkii kasoo baxay waaxda socdaalka dalka Kenya, ee hor istaagaysay in dadka Soomaalida ee wata baasaboorka Soomaaliga in ay kasoo dagaan garoomada dalkaasi.

 

Kulankaasi ka dib waxaa saxaafada hadal siiyey ra'isalwasaare kuxigeenka Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, oo sheegay in golaha wasiirada uu isku raacay in dadka doonaya in Kenya ay galaan ay lasoo xiriiraan dawlada federaalka waaxdeeda arimaha dibada. Si ogolaanshiyo loo siiyo isla markaana danahooda ay dalka Kenya uga soo oofsadaan.

 

Dawlada federaalka si faahfaahsan ugama hadlin dareenkeeda ku aadan go'aanka waaxda socdaalka dalka Kenya, waxaase la filayaa in arintan ay ka danbeyso cabsi dhinaca amaanka la xidhiidha.

 

Maxamed Cumar Aadan.

WardheerNews, Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

This is discrimination against Somalis in Kenya, oooh what we will do to them smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by General Duke:

We should declare Jihad and send Adan Hashi Cayrow to capture Garissa.

Garissa? That old dusty place? If we are going to war why not go for the whole place? Ethnic cleanse the whole place send them to the Congo. Our Geel is mutiplying we need more grazing lands.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Originally posted by General Duke:

We should declare Jihad and send Adan Hashi Cayrow to capture Garissa.

First, fix your own tabakaayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Tabakaayadeena suuq ayeey u bahantahay, suuqaas waa in aan soo qabsano. Hadii aan cid kale ku jeesan anagaa isku soo jeesan doona. Jirrida iyo mooooriryaaanta waa in aan shaqo u sameeno, waxa kaliya ee yaqaanaan waa isbaaro, marka isbaarooyin waa in aan u dhignaa wadamo kale.

 

Waa in aan fakarnaa, waa u baahannahay in aan dhulkeena iyo suuqyadeenaba wayneynaa. Casharadii aan dagaalada sokeeye ka baranay waa in aan isticmaalnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Waligaa qabsho iyo kasaar maa lagu jira? Xoola aadan lahayn kuguma ragaan. Marka hanugu qabsan xoolo kale, kuwa hada lakala haysto xalkeeda Ilaahay hakeeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

^^ "Timirtii hore dab loowa." Kuwa aan maant haysano aan cadaalad kuma mulno.

 

Corruption, greed, and marginalization of the weak segment of our society have been by and large what kept us these unyielding conditions, which we find ourselves today. I suspect that you do not need me to outline these conditions. Now, our emphasis should be placed on mending this fragmented people (us), as opposed instigating unnecessary confrontation because of another piece of land. First, let’s work on our internal problems, and only then can we claim the other lands. Sheekada waa miro faraqaga kugu jira, kuwa geed saran looma daadsho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

heheheh@general

 

Somalinimo markii la qaybinaayay xagee joogtay? Work for the greater good sxb. Narrowmindedness has brought us here. We need to liberate our Somali brothers, for the sake of Somalinimo. We need to learn how to live together without segeragating outselves into clan enclaves. We need to accept the things that bind us not what divide us. The people of PL need Somalia. We need to end this qabyaalad. general Duke you are wise man. use your brains and work for the common good. Allot has happened,but we need to forgive. Lets move onand rebuild our nation. We can not mistrust each other forever. There are no winners in a civil war. Lets not help our enemies to spite our brothers.

 

 

Bakar don't worry awoowe. Inshalah nabad ayeey noqon doontaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Il Generale, like wise. Waxaan filaya inaysan xaalada maanta lajoogo aysan ubaahneyn caqli weyn, mise ay u baahantahay cadalad nimo. Marka fikradayda dad badan baa qabo.

 

Me

 

Awoowe, wal wal majiro dhinacayga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this