Sign in to follow this  
Duufaan

Sarkaalkii usareeyey ciidamada somaliland ee widhwidh oo ladiley

Recommended Posts

Duufaan   

This is a somaliand website

 

Written by Qarannews

Jul 19, 2010 at 07:35 AM

Hargysa,(Qarannews)-Waxa xalay si gaadmo ah loogu dilay magaalada Laascanood gudoomiyahii maxkamada rafcaanka ee gobolka Sool marxuun Saleebaan Jama Ciise, dilkani ilaa hada ma jirto cid loo qabtay iyo cid sheegatay toona, hase ahaatee waxa aad moodaa in ay soo noqonayan dilal noocani oo kale ah oo hore loogu gaysan jiray madaxda gobolka Sool.

 

Dilalkaasi oo markii danbe lala xidhiidhiyay in ay ku lug leeyahay ama salka ku hayo arimo argagaxiso, kadib markii uu fashilmay nin qorshaynaayay in rakibo walxaha qarxa taasi oo uu isagiina ku dhintay taasi oo xiligaasi raadkii la helay uu arintaasi afka uga galay arimo argagaxiso, tan iyo qaraxaasi xiligaasi fashilmay ayay istaageen qaraxyada noocaasi ahi, taasi oo aad hada moodo in ay madaxa la soo kacayso, iyada oo madaxweynaha la soo doortay ee Somaliland uu hore dilalkaasi uu ugu eedeeyay xukumada Somaliland in ay u gaysatay dilalkii qorshaysnaa ee madaxda loogu gaysan jiray gobolkaasi Sool ayaa aakhirkii ay ku cadaadeen in ay ahaayeen qaar argagaxiso dadkii gaystayna gacanta lagu dhigay isla markaasina iyagu qirtay.

 

Dhanka kalana waxa jira dagaalo culus oo xalay ka bilaabmay deegaanka Widhwidh kuwaasi oo gaystay khasaare aad u balaadhan, kadib markii ay ciidanka qaranka ee agaasi fadhiya ay soo weerareen ciidan maleeshiyaad aad u badan oo la soo abaabulay kuwaasi oo ciidankii xagaasi deganaa culays xoogleh soo saaray, dagaalkani oo ilaa manta duhurkii socday oo istaagay ayaa waxa ay ciidamada qaranku ay si buuxda uga adkaadeen ciidamadaasi oo in mudo ah la soo abaabulaayay iyaga oo xagaasi ku jabiyay ciidamadaasi weerarka ku soo qaaday ayaa waxa ay ciidanka qaranku gacanta ku soo dhigeen maxaabiis faro badan xaga ciidamada qarankana laga dilay 3 askari iyo hal sarkaal.

 

Xiligani ay soo cusuboonaadeen rabshadaha iyo dagaalada khaarajiska ah ee lagu hayo madaxda iyo ciidamada qaranka ayaa xaga magaalada Hargysa waxa ka jira isbadal siyaasadeed oo xoogan xagaasi oo xukumadii hore ee iyadu maamuli jirtay dalka ay dhawaan xilka wareejin doonto ayaa waxa ay dad badani is waydiinayaan maamulka cusub ee Siilaanyo oo aad moodo in uu la kowsaday colaado iyo rabshado, ma ku guulaysan doonaa in uu dhamaan dalka nabad buuxda ku soo dabaalo isga oo garab wada balan qaadyadii uu umada ugu balan qaaday isla markaasina uu ku soo baxay.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee Siiilaanyo waxa looga fadhiyaa in uu dalka ku soo rogo amni buuxa iyo kala danbayn waarta, iyada oo xiligani ay Siilaanyo la bilaabmeen colaadahan iyo rabshadahani ka soo cusboonaaday gobolkaasi iyada oo ay dadweynaha qaarkood ay warwer ka qabaan colaadahani soo cusboonaaday oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysnaaya.

 

Last Updated ( Jul 19, 2010 at 08:40 AM )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Qasaarahii dagaalkii ka dhacay Widhwidh

Monday, 19 July 2010 09:04 | Written by Buhodle.net

Qasaarahii dagaalada xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Widhwidh ayaa wararkeeda xaqiiqda ah soo gaadhayaan shabakada Buhodle.net. Dagaalkii xalay ciidamada hogaanka SSC qaadeen ayaa waxaa la cadaynayaa in ay qasaare aad u balaadhan u geysteen ciidamada Soomaalidiidka ah kana gubeen gaadiid lagu qiyaasay ilaa afar gaadhi.

 

Dagaalkii saaka subaxnimadii isna ku waaberiistay magaaladaas oo lagu soo waramyo in guutadii xalay dagaalka qaatay ay ku rogaal celisay ayaa iyana cashar lama ilaawaan ah siisay ciidamada Soomaalidiidka ah ee ku sugan magaaladaa.

 

Ciidamada hogaanka SSCda ee xalay iyo saakaba dagaalka galay waxaa sida la xaqiijinayo dagaalkaa kaga dhintay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Quule Ibraahin Ismaaciil Fuje halka sedex askari oo kalena kaga dhaawacntay oo laba ka mid ahi ay dhaawac fudud tahay.

 

Ciidamada Soomaalidiidka ah waxaa ciidamada laga galaaftay habeenimadii xalay iyo saakaba lagu soo ururiyey laba iyo toban askari oo uu ka mid yahay sarkaal ka mid ah saraakiishii ugu sareeyey cidamadaa halka dhaawacoodu uu kor u dhaafay shan iyo labaatan askari.

 

Dagaalkaa oo maanta gelinkii danbe qaboobey ayaa hadana waxaa degaanada ku dhowdhow magaalada Widhwidh waxaa laga dareemayaa ciidan ururis aad u balaadhan oo aad moodid in aan dagaalka weli lagu kala quusan.

 

Waxaana magaalada Buuhoodle, Widhwidh iyo nawaaxigeeda ilaa maanta laga dareemayaa qaban qaabo dagaal oo aad u balaadhan oo la doonayo in ciidamada Soomaalidiidka ah lagaga sifeenayo degaanada gobolka Cayn.

 

 

 

Buhodle.net

 

 

Back

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this