Sign in to follow this  
me

Sheikh hotel and his calooshood ushaqaystayaal militia lost major ground in day 4

Recommended Posts

me   

Sheikh hotel and his calooshood ushaqaystayaal militia lost major grounds in day 4.

 

The posts by Emperor are misleading to say the least. The real news from Muqdisho is:

 

Al Shabab/Xiz Islam have taken over Shiirkole, Yaqshid Police Station, Muqdisho Stadium, 4-ta Jardiino, Laanta horseed, Ex-control, Warshada Sigaarka iyo Taraqa.

 

Black Sea is now contested. Read for yourself teh report by Shabelle.

 

 

Dagaalo dhimsho iyo dhaawac gesytay oo maalintii 4-aad magaalada Muqdisho ku dhex marayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda iyo Al shabaab oo ka hadlay Dagaalada.

Posted: 5/10/2009 7:24:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Dagaalo dhimsho iyo dhaawac gesytay ayaa maalintii 4-aad waxaa ay magaalada Muqdisho ku dhex marayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda waxaana ka hadlay ururka Al shabaab.

 

 

Dagaaladani oo maalintii 4-aad ku dhex maraya magaalada Muqdisho ciidamada dowalada iyo ciidamo ka tirsan kuwa Al shabaab iyo Xisbul islaam oo isku dhan ah ayaa waxaa ay sababeen in dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen dad rayid ah ,askarta iyo saraakiisha hogaamineeysay labada dhinac ee dagaalamayay.

 

 

 

Dagaalka oo maanta ku fiday aagag cusub oo ay ka mid tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa goobaha uu Duhurnimadii maanta ka dhacayay waxaa ka mid ah isgooysyada Black Sea iyo Shiirkole halkaasi oo ay mar kale ku dagaalameen ciidamada Al shabaab iyo kuwa maxkamadaha ee ka tirsan dowlada kmg Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale dagaalo xoogan oo shalay,xalay illaa saakay ka socday Qeybo ka mid ah degmada Wardhiigleey ay markii danbe sababtay in gacan ku heynta garoonka Muqdisho Stadium iyo agaagaarka Xarunta xisbiga lagala wareego ciimadii maxkamadaha islaamiga ee taabacsan dowalada kmg,halkaasi oo ay iminka ku sugan yihiin xoogaga ka soo hor jeeday.

 

 

 

Sidoo kale degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay Barqadii maanta ka dhacayay dagaalo xoogan oo sababay in xoogaga mucaaradka ay la wareegeen isgooyska 4-ta Jardiino iyo weliba Laanta horseed ee degmadaasi waloow markii danbe ay halkasi soo gaareen ciidamo ka tirsan Military-ga dowlada kmg oo dib u soo ceshaday goobaha laga qabsaday dowlada,waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan dhacdada rasmiga ah ee halkaasi ka jirta.

 

 

 

Saraakiil ka tisan ururka Al shabaab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada dhacayay aysan u dhexeeyn Mujaahidiin balse ay u dhexeeyaan Mujaahidiin iyo Ashahado la dirir sida ay sheegay Masuul u hadlayay Shabaabka.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan xoogaga Xisbul islaam oo ciidamadooda ay xalay oo dhan ku dagaalamayay ciidamada maxkamadaha inta u dhexeeysa isgooysyada Cali Kamiin iyo Florence ayaa idaacada shabelle u sheegay in 5-gaadiid dagaalka oo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha islaamiga ay isku soo dhiibeen iyaga waloow uusan faah faahin ka bixin qaabka ay arintaasi ku dhacday iyo hadii ay saarnaayeen ciidamo,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowlada kmg Soomaaliya oo ku aada dagaalada 48-kii saac ee ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

 

 

 

Waxaa jiray duqeymo loo geystay gobaha saakay lagala wareegay ciidamada dowalda kmg oo ay ka mid ahayeed Muqdisho Stadium iyo isgooyska Ifka Xalane oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al shabaab waloow aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaasi ay ku soo rideen ciidamada dowalada.

 

 

 

Inta la ogyahay waxaa dagaaladii ugu danbeeyay ee 4-tii maalin ka dhacayay magaalada Muqdisho ku naf waayay dad kor u dhaafayay 50-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah halka dhawacyada ay intaasi ka sii badan yihiin oo la geeyay cubitaalada Dayniile,Madiina iyo Keysaneey ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Al-shabaab Iyo Xisbul Islaam Oo Xoog Kula Wareegay Fariisimo ay Joogeen Ciidamada Dowlada KMG Ahi

 

Warkii 10-May-2009 iyo Qormadii: Yaasiin faytin

 

Dagaalo faraha laysula tegey oo soconayey in ka badan 24-saac oo xidhiidh ah islamrkaana si weyn usoo labo kacleeyey xalay saqbadhkii gelinka dambe ayaa maanta kusoo gabagaboobay inay kooxaha al-shabaab iyo xisbul islaam ay la wareegaan xarumo dhowr ah oo ay kamid yihiin xarunta studyow muqdisho, shirkole , Ex-wasaaradii hore ee gaashaandhiga ,wershedii hore ee sigaarka iyo taraqa iyo isgoyska Ex-cantarol afgooye oo dhamaantood fariisin u ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah .

 

Dagaaladan oo ahaa kuwo aad u kulul oo kafool kafool u badnaa ayaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan lidka diyaaradaha madaafiicda dhulka la jiido iyo weliba kuwa garbaha lagu qaadoba taasoo ka muuqaal duwanayd dagaaladii hore uga dhici jiray magaalada muqdisho tan iyo intii ay muqdisho soo gaadhay dowlada KMG ahi

 

 

 

Sidoo kale la wareegista goobahan oo ahaa saldhigyo waaweyn oo ciidamada dowlada KMG ah ay fariismo ku lahaayeen ayaa wararka laga helayo saraakiisha al-shabaab iyo xisbul islaam ay shaageyaan inay isu soo dhiibeen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowlada KMG ah oo ku hubaysnaa gawaarida tiknikada ah oo gaaraya ilaa 7-tikniko ah taasoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ay isugu soo dhiibeen balse ay warar dheraad ah sheegayaan inay xidhiidh hoosaadyo lahaayeen .

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalada ka socda magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa sababay barkaca boqolaal qoys oo markoodii hore kusoo laabtay xiligii ay ciidamada Ethiopia ka baxeen dalka taasoo dhimashada iyo dhawacuna ka badan yahay 90-qof isku darkooda

 

 

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, there are two fronts right now ,,, looks like each side is advancing in one area.

 

 

Let's see from all the sides ........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Xaruntii hore ee Shiirkole oo saldhig u aheed Maxkamadii Beesha Reer xaajisaleeban ayaa hada waxaa ka socota hub wareejin wixii hubyaala lagu warejinayo xoogaga AlShabaab oo uu Horkacayo Xasan Afrax..

 

(10-05-2009) Waxaa saacadan socota hub wareejin lagu sameynaayo Ciidamada Beesha Reerxaajisaleban ee ku sugnaa Xarunta shiirkole iyadoo halkaasi ay hubka kala wareegayaan saraakiil al shabaab ah oo uu hogaaminaayo Sargaal magaciisa Lagu sheegay Xasan Afrax oo kamid ah saraakiisha sarsare ee Al Shabaab kana soo jeeda Beesha reer XaajiSaleban.

 

Xil wareejintan ayaa ka danbeysey kadib markii kulan uu dhex maray saraashiisha ALs habaab iyo Hogaanka sare ee maleyshiyaadka ku sugan shiirkole kuwaasi oo qeyb ka ahaa dagaaladii ka socdey magaalada Muqdishu oo u dhaxeeyey Ciidamad al shabaab iyo Kuwa dowlada Kmg kuwaasi oo hada soo gabagaboobey.

 

maleyshiyaadka reer xaajiSaleban ayaa iyagu codsaday in ay isaga baxayaan dagaalada oo aysan mardanbe ka qeyb qaadan doonin wax daalo ah oo u dhaxeeya Ciidanaka Dowlada iyo kuwa al shabaab iyagoona ka codsaday ururka al shabaab in aysan wax danbi ah uraacan oo ay cafsi u fidiyaan iyaguna ay wareejin doonaan wixii hub ah oo gacantooda ku jira iyagoo sheegay in qeyb hubkooda ka mid ah ay maleyshiyaad ula carareen dhinaca Villa somaliya oo ay halkaasi lagaleen.

 

Xasan Afrax oo kamid ah saraakiisha Al Shabaab ee ka soo jeeda beesha reer xaajisaleban ayaa ubalan qaaday maleyshiyaadkaa si in la amaan gelind oono oo aan wax dhib ah loo raacandoonin isagoona ka codsaday maleyshiyaadkaasi in ay toobad keenaan oo ay Illaah kabaqaan kana talaasulaan dhibaatada iyo dagaalada aan wax dan ahi ugu jirin.

 

Dhinaca kale hub wareejintaas ayaa waxaa goob joopg ah qaarka mid ah saraakiishii hogaaminaeysey dagalka 4tii maalmood ee la soo dhaafay ka socdey magalaada muqdishu kuwaasi oo ayka go'antahay in ay soo ururiyaan wixii hub ah ee lagu hayo goobaha ay ayagu gacabta ku hayaan oo ay kamid tahay shiirkole.

 

Dhinaca kale waxaa hubkii laga wareejiyy maleyshiyaadkii ku sugnaa Excontrol Afgooye oo iyagu taageersanaa Dowlada kmg ah wazxaana hada halkaasi kusugan ciidamaad Al Shabaab iyadoo qaar maleyshiyaadkaasi kamid ah loo ogolaaday in ay halkaasi sii joogaan halka qaarkalena lakala eryey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this