Sign in to follow this  
Abwaan

Muqdisho: Isimada Puntland oo ka codsatay Madaxweynaha Puntland inuu Muqdisho ka amba

Recommended Posts

Abwaan   

27. september 2007

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ergada Puntland ee shirweynihii dib u heshiisiinta ee beelaha Soomaaliyeed ugu soo gabagabooway magaalada Muqdisho ayaa maanta shir ay ku yeeshen magaalada Muqdisho waxay ugu hadleen marxalada dhaqaale xumo ee ay kala kulmeen guddigii shirweynihii dib u heshiisiinta ee uu hoggaamiyo Cali Mahdi Maxamed iyadoo ay ku eedeeyeen guddigaasi in ay isdaba marin iyo duudsiin ay sameeyeen.

 

Suldaan Bashiir Cabdi Garas iyo isimo kale oo maanta shir jiraa’id ku qabtay hotel Wehliye ayaa waxay sheegeen ineysan helin xaquuqdooda isla markaana aan loola dhaqmin sidii qorshuhu ahaa, waxayna ka codsadeen Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi in uu gacan ka geysto sidii ay dib ugu laaban lahaayeen deegaanada Puntland ee ay ka yimaadeen iyagoo fara maran.

 

Suldaan Bashiir Cabdi Garas waxaa kaloo uu sheegay in ay dhibaato dhaqaale xumo ay ku heysato magaalada Muqdisho, isagoo dhaliilay kuwii hoggaanka u hayey shirweynihii dib heshiisiinta kuwaasoo helay dhaqaalihii UNDP ugu talagashay in la siiyo ergooyinka shirka ayna is daba mariyeen.

 

Ergooyinkan ka yimid deegaanada Puntland ayaa horay u soo raacay Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo kan Puntland Gen. Cadde Muuse iyagoo waayey wax tixgelin ah marka laga reebo jiifka, hoteelada iyo cuntada maqaayadaha.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

 

 

Done and dusted iga dheh! Yaa u baahan? wakhtigii loo baahnaa oo danta laga lahaa wuu dhammaaday, mar haddii sacuudi gunno laga helay, UN- kana la tusay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiidnimo.com

 

Odeyaasha si xun ayee ula dhaqmeen.

 

Laakiin goormaa Hoteel Wehliye dib loo furay? Mise kii hore ma'aha ee mid kale waaye kan? Kaas meeshuu ku yaalay Dabka ahayd dagaaladdii kuwii ugu qaraarsanaa ka dhacay, inkastoo sarta wali taagan, xataa qaboojiyaashiis [ACs] ku jiro ilaa hadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

011.JPG

 

Ardaydii Ubaxa Qaranka ee ka qeybgalay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo sheegay in la lunsaday dhaqaalihii loogu talagalay

 

Qamiis, Siteember 27, 2007 -- Ardaydii Ubaxa Qaranka ee dhawaan ka qeybgalay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa maanta waxay dibadbax cabasho ah ka dhigeen Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in lacag loogu talagalay in la siiyo laga lunsaday.

 

50 Arday oo dibadbaxaasi dhigay ayaa waxay sheegeen in ay muddo 3 bilood ah ku xareysnaayeen Xarunta Kuleejka Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay mudadaas ku mashquulsanaayeen diyaarinta heeso Wadani ah oo ay ka qaadeen madasha shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ilhaan Cali Ibraahim oo 12 sano jir ah, isla markaana ka mid ah Ardayda Ubaxa Qaranka ayaa sheegtay in loo sheegay intii ay ka qeybgelayeen shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed in ay maalin kasta leeyihiin lacag dhan 10$, taasi oo aaney ilaa iyo haatan helin, iyadoo intaas sii raacisay in ay Guddigii Shirka maamulayay ka codsanayaan in la siiyo lacagtii loo ballanqaaday.

 

Dhanka kalena, Ergadii Puntland ee ka qeybgashay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho ayaa waxay ka codsadeen madaxweynaha Maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse in uu u soo diro dhaqaalihii ay ugu laaban lahaayeen deegaanadii ay ka yimaadeen ee Puntland.

 

Ergadan ayaa sheegay in dhaqaalihii ay ka sugayeen guddigii maamulayay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si aan wanaagsaneyn loo maamulay, isla markaana aan la soo gaarsiinin, waxayna sheegeen in ay haatan go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wixii ka dambeeyay markii uu dhamaaday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin ka imaanayay qaar ka mid ah Ergooyinkii shirkaas ka qeybgalay, kuwaasi oo qaarkood sheegaya in aan waxba la siinin, halka kuwo kalena ay sheegeen in ay heleen lacag ka yar tii ay ka sugayeen Guddigii maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

-------------

 

Dhalintii yar yarayd xataa maka bad baadin qaacinyaalkaas. Ubaxa Qaranka iga dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MILKIILYASHII GAADIIDKII LAGU DAABULAYEY ERGADA KA QEYBGLAYSAY SHIRKA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYA OO KA CABANAYA QARASHKII KIRADA GAADIIDKOODA OO AAN LA SIININ

 

Siteember 8, 2007 - Milkiilayaasha gaadiidkii lagu daabulayay ergooyinkii ka qeyb galay shirkii dib u heshisiiinta beelaha Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay qarashyadii kirada gaadiidkooda muddo labo bilood ah oo aan la siinin.

 

shir jaraid oo uu ku qabtay magaalada muqdisho maanta ayuu kaga hadlay arinta kirada ka weli maqan Cabdi Canshuur oo ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka koostarrada ah ee qaadi jiray ergada ka qeyb galaya shirka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la siinin kirada gaadiidkooda muddo labo bilood ah, isla markaana lagu leeyahay shidaalkii uu isticmaali jiray iyo qarashkii shaqaalaha uu siin lahaa.

 

"Waxaa nalakugu hanjabay intii aan howsha wadnay in naloo geysan doono dhibaato haddii aanan faraha kala bixinin howsha aan ku jirno, taasoo aan ka doorbidnay inaan ka shaqeyno danaha shacabka iyo maslaxaddooda, guryaheenana kuma noqon karno lacag la’aan awgeed oo waxaa nalaka rabaa shidaalkii aan deynta ku qaadanay iyo qarashyadii shaqaalaha aan siin lahayn sida darawalka iyo kirishboyga" ayuu ku calaacalay Cabdi Canshuur oo intaa ku daray inay shaqada daabulidda ergada bilaabeen 13/07/2007

 

sidoo kale Cabdi Canshuur wuxuu sheegay in ay arrintan ay la qabaan dhammaan gaadiidleydii ka qeyb qaadatay daabulidda ergooyinka, laguna wada leeyahay sida oolyadii, canjeeladii iyo shidaalkii intaba, isagoo ka codsaday guddiga Qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan leh u soo gaarsiiyaan kirada gaadiidkooda, si ay isaga bixiyaan qarashyada kala duwan ee lagu leeyahay.

 

Cabdi Canshuur ayaa sheegay in gaadiidkooda looga kireystay Qiimo dhan $50 doollar Maalintiiba, waxaana nala galay heshiiskaasi ayuu yiri Guddiga Qabanqaabada shirka Dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, mar kastana waxaa nalaku yiraahdaa waxa laydiin diinayaa berri ama saadambe, taasoo noqotay mid aan dhamaaneyn.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo guddiga shirka dib u heshiisiinta cabasho laga keeno ku saabsan gunnooyinkii la siin lahaa ergooyinkii ka qeyb galayay shirka, saxafiyiinta iyo gaadiidleydaba.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shaqaalihii nadaafada ee xaruntii lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee la soo gebagebeeyey oo ka cabanaya mushahar la’aan

 

Siteember 25, 2007 - Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay soo baxayaan cabashooyin ka soo yeeraya qaar ka mid ah ergooyinkii ka qeyb galay sihirkii dib u heshiisiinta Qaran ee dhowaan lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho iyo dadkii kale ee ku lugta lahaa shirkaasi ayaa waxaa imika qeylo dhaan ba’an ay ka soo yeereysaa shaqaalihii nadaafada ee ka howlgalayey hoolkii uu shirkaasi ka socday, taasoo ku saabsan inaaney weli helin mushaharooyinkii loo balan qaaday in la siin doono.

 

Shaqaalahan oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 30 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayaa qaarkood oo aynu la kulanay waxay sheegayaan in mudadii 45 cisho aheyd ee uu shirkaasi socday ay maalin walba u soo jarmaadi jireen goobtii uu shirkaasi ka socday oo aheyd Ex-xaruntii gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay qashinka yaala meelaha iyo musqulaha nadiifin jireen, waxayna xuseen oo kale iney u diiwaan u gashan yihiin guddigii shirkaasi maamulayey oo isla markaana loo sameeyey aqoonsi ay maalin walba ku tegi jireen xaruntaasi.

 

“Shirkii wuxuu dhamaaday ku dhowaad bil ka hor ilaa haddana ma jiraan cid na siisay mushaharooyinkii aan shaqeysanaey ee aan xaqa u laheyn, maalin walba waxaan tagnaa anagoo sooman hoolkii u ka socday shirkaasi hase ahaatee waxaan lugooyo aheyn kalama soo laabano, waxayna guddiga shirkaasi waday mar walba noo dhigaan balan been ah” ayey tiri haweeney ka mid ah haweenka halkaasi howlaha nadaafadeed ka waday oo iyadu magaceeda diiday in la soo xigto, waxayna intaa ku dartay iney haatan quus ka joogaan sidii ay u heli lahaayeen lacagaha ka maqan ee ay xaqa y leeyihiin, kuwaasoo ay tilmaantay iney si aad ah ugu baahan yihiin, waxayna ugu baaqday mas’uuliyiinta sare ee ay quseyso arintani iney soo fara geliyaan waxna ka qabtaan cabashadooda.

 

Mar aanu isku daynay inaan xiriiro kala duwan la sameyno guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran xubno ka mid ah si aanu wax uga weydiino cabashada ka soo yeereysa ayey inoo suur geli weyday inaanu helno, waxaana cabashadan ugu dambeysay ku soo beegmeysaa xilli ay weli sii socdaan cabashooyinka ka soo yeeraya qaar ka mid ah ergooyinkii ka qeyb galay shirkaasi oo iyagu weli aan la siin lacagihii loo balan qaaday ee u suurta geli lahaa iney dib ugu laabtaan goobihii ay ka kala yimaadeen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad bax cabasho ah oo ay ka dhigayan Muqdisho ergadii lagu xumeeyay shirki dib u heshiisiinta Muqdisho

 

Siteember 18, 2007 - Dibad Bax cabasho ah ayay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho ergadii lagu xumeeyay shirkii dib u heshisiinta Muqdisho,iyadoona dibad baxaasi uu ka dhan yahay gudoonkii shirka.

 

Ergada oo aad uga soo horjeeda lacagahoodii la duudsiiyay,iyo qaabkii loogu dhoofay dalkaasi Sucudiga ayaa sheegay in ay doonayaan beesha Caalamka in ay u muujiyaan sida aysan ugu qanacsaneyn shirkii la qabtay.

 

Ergada waxa ay dibad baxooda iminka qaban qaabintiisa ka socotaa meelo kamid ah magaalada Muqdisho,iyadoona ay ergada sidoo kale qaadanayaan borar ay ku qoran yihin erayo ka dhan ah shirkii la qabtay.

 

Wixi kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid ah Ergooyinkii lagu xumeeyay Shirkii Dib u Heshiisiinta oo maanta banaan bax cabasho ah ka hor sameeyay Guriga Cali Mahdi

 

Siteember 20, 2007 - Qaar ka mid ah ergooyinkii ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta banaan bax cabasho ah ka hor sameeyay Guriga Cali Mahdi Maxamed oo madax u ah Gudigii Shirka Dib u Heshiisiinta.

 

Ergooyinka ayaa ka ashtakoonayay guna la'aanta soo wajahday, taasoo ilaa iyo iminka aanan helin lacagihii shirka oo ay sheegayaan in la duudsiiyay.

 

Banaan baxa Ergooyinka oo ay ka qeyb qaateen in ka badan 500 oo ergo oo xaalad aad u xun ay ku heysato Caasimada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Gudoonka Shirka in ay lusandeen Lacagihii Shirka looga tala galay, iyagoo ku andacoonaya in bilowgii shirka ilaa iyo hada aanay helin guno.

 

Mid ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galay Banaanbaxaas ayaa sheegay in ay qatar ugu jiraan in ay ugaarsadaan kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, isagoo xusay in xaalada haatan ay heysato ay tahay mid aad u weyn, iyagoona ku laaban karin Deegaanadoodii iyo Hoteladii ay degan yihiin oo ay halis ugu jiraan.

 

Gudiga uu madaxda u yahay Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ahaa qab qablayaashii Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacagihii shirka, iyadoo hadal uu Qanyare Jeediyay uu ku sheegay in Gudiga Shirka ay dhaceen shacabka Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa si isdaba jooga isu soo taraya cabashooyinka Ergooyinka Beelaha Soomaaliyed ay muujinayaan, waxaana banaanbax cabasho ah oo kan ka horeeyay loogu balan qaaday in la siin doono gunooyinkooda, laakiin sheekada ayaa u muuqata mid ah fari kama qodna faanoole.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fanaaniinta ku sugan Madasha Shirka oo dhaleeceyn u soo jeediyay shirguddoonka Shirka

 

Qeybo ka tirsan fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan madasha shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa cabasho iyo cambaareynba u jeediyay shir guddoonka shirka iyo ku xigeenadooda

 

Fanaaniinta ayaa ku eedeeyay in ay xaqireen doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta isla markaana ilaa iyo iminka aan la siinin wax mushaar ah.

 

Maxamed Aadan Shamuuri oo u hadlayey fannaaniintaas ayaa sheegay in mudo labo bilood ah ay iyagu howlaha dib u heshiisiinta dhinaca kaga aadan ay habeen iyo maalinba qaban qaabadeeda ka wadeen madasha shirka iyadoo guddoonka shirka ay u sheegeen in la siin doono fanaaniinta min 50 Dollar sidii ay u soo yaraaneysayna ay iminka guddigu u sheegeen in la siin doono min 20 Dollar-ka ayuu yiri Shamuuri.

 

“La yaab ma leh hadii 50 Dollar si loo waday 20 la gaarsiiyay, waxaase ka sii daran inaan 20-kiiba hada aan la nahay iyadoo dhaqaalihii loogu talagalayna ay gacanta ku hayaan Cali Mahdi, Kadare iyo Axmadey Sh. Muqtaar, balse waxaa nasiib daro ah in doorka fanaaniinta aan waxba laga soo qaadin iyadoo raali gelin iyo duub bash qadeysan horteena lagu siiyo ergooyinka” ayuu si caro leh u yiri Maxamed Aadan Shamuuri oo ka codsaday guddoonka shirka in ay kaalinta fanaaniinta ay il gaar ah ku eegaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this