Sign in to follow this  
Liqaye

Yemen oo sheegtay in Ciidamo u soo direyso Soomaaliya

Recommended Posts

Liqaye   

Yemen oo sheegtay in Ciidamo u soo direyso Soomaaliya

 

Isniin, November 03, 2008(HOL): Dowladda Yemen ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay Ciidamo u soo direyso Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaadan doona sugidda Ammaanka Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Abu Bakar Al-Qirbi ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ka qeybqaadato sugidda ammaanka Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Soomaaliya Ciidamo u diraan, si buu yiri loo dhowro heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Jibouti Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Abu Bakr Al-Qirbi oo u waramayay Wargeyska Yemen Post waxaa kale oo uu sheegay in Beesha Caalamka ay door muhiim ah ka ciyaari karto sugidda ammaanka Soomaaliya iyo meel-marinta heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti.

 

Dowladda Yemen waxay horay u soo dhaweysay heshiiskii colaad joojinta ahaa ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ku gaareen Dalka Jibouti, waxayna xustay in heshiiskaas uu yahay mid wax weyn ka bedeli doona xaaladda dalka Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geysan doona sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

 

Warkan ka soo baxay Dowladda Yemen ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Heshiiskii Jibouti uu sahlayo in wax laga qabto dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Bad-weynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo sidoo kalena lagu sheegay in uu dalka Soomaaliya ku soo dabaalayo nabad iyo amni.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Soomaaliya inay meel hoogtey noqotay kuwo dadkooda hubaysan yihiin oo magaalada qoryo la dhexmaraan xitaa ma waxay leeyihiin ammaan baan ka caawinaynaa?

 

Awal baan yaabay markii Itoobiyaan ciidammo noo soo direen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Compare to to Ugandan president oo la dardaarmayo ciidamadiisa oo oranayo "iska ilaaliya cudurka Aidska oo aad u taxadara markaad Soomaaliya tagtaan"

 

What about kan Brundi asna, and Rwanda, all of them engulfed by wars and none stop fighting on daily bases,

 

Look at Zair now or DRC, terrible war going on there, and all these countries I mentioned are directly and indirectly takin part what is goin on and fuelling the situation there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this