Sign in to follow this  
Che -Guevara

Hiiraan: Ciidamada Itoobiya Mucaaradka dawladda Soomaaliya oo ku dagaalamey Xadka

Recommended Posts

Waxaa degan xaalada deegaanada ku yaala xadka u dhexeey gobolka Hiiraan iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia kadib markii saaka dagaalo xoogan ay ku dhex mareen ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Mujaahidiinta Islaamka Soomaaliyeed.

 

Tuulooyinka Baar Kuuloow iyo Dib-gaab oo u dhexeeya deegaanada Feer feer iyo Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dagaal ba'an kaas muddo socday.

 

Wararka aan ka heleyno deegaanadaasi ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ku sugan yihiin xoogaga mucaaradka ah ee dagaalka gaadmada ah saakay kaga naxsaday kolanyo Ciidamada Ethiopian oo marayay halkasi xili ay ka tageen deegaanka Buurta Janta kundishe kuna sii jeedeen sida la sheegay deegaanka Feer feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

 

Ciidamadani oo watay ilaa 8 gaadiidka lagu daabulo ciidamada ayaa la sheegay in ay wadeen meeydad iyo dhawacyo ka dhashay dagaalo xoogan oo baryihii tagay ay ku galeen deegaanka Ceel-Gaal ee duleedka Waqooyi ee magaalada B/weyne.

 

In kastoo aan si dhab ah loo ogeeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay halkasi ayaa hadan warar laga helayo dadka ku dhaw halka dagaalada Saaka ka dheceen ayaa sheegaya in dagaaladaasi la isku adegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan isla markaana ay jiraan qasaare soo kala gaaray labada dhinac.

 

Sarkaal ka tiransan ciidamada mucaaradka oo lagu magaacaabo C/llaahi Max’ed Aadan (Cabdullaahi Fareey) oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay gubeen labo gaari oo ay lahaayeen ciidamada Ethiopia islamarkaana ay ka dileen askar fara badan waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Isku soo wada duube waxa isa soo tarayay maamahan dambe dagaalo xoogan oo ay ciidamada Ethiopia kala kulmayen xoogaga islaamka ee ku sugan gobolka Hiiraan.

 

Dhanka kale waxaa jahawareer iyo cabsi xoogan oo ka jirta gudaha B/weyne taasoo ay qabaan dadka ku dhaqan magaalada kadib markii la sheegay in ay gudaha u soo galayaan ciidamada Ethiopia ee haatan degan Buurta Janto Kundisho islamarkana xoogaga mucaradka ah sheegeen in ay kula dhax dagalamayaan gudaha magaalada.

 

Boqolal dad ah ayaa maanta la arkayay kuwasoo xafadhooda ka cararaya Islamarkana raadsanaya goobo ay ku badbaadaan.

 

Dadkaan ayaa guryahoda ka cararey kadib markii ay maqlern in ciidamada Ethiopia gudaha magaalada u soo gali doonan iyaga oo biyo raadanaya.

 

ilyaas Guute, Garoweonline

B/weyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiiraan(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadagaan Labada wadan ee Soomaaliya & Itoobiya ayaa sheegaya in ay dhaceen dagaalo xoog leh oo dhexmaray dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda,waxa ayna dagaaladan geysteen khasaare lixaad leh.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa lugu qaaday weeraro xoog leh ayagoo ku jirey markaasi Kolonyo kuna soo jeeday dalka Soomaaliya ,waxaana lugu waramayaa in ay ciidamada Itoobiya ku dhaqaaqeen markaasi adeegsiga Hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Xadka uu gobalka Hiiraan la wadaago Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo ay dagaaladan ka dhaceen ,waxa ayna sheegteen Mucaaradka dawladda Soomaaliya in ay ciidamada Itoobiya ka gubeen gaadiid dagaal oo gaaraya 4 Baabuur.

 

Magaalada Baladweyn ayaa wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in deegaanadii lugu dagaalamey ay dageen ciidamada dawladda Itoobiya ,ayagoo markaasi habeenkii xalay ahaa ku hoyday meelahaasi.

 

Wararka ayaa sheegaya in ay Ciidamadan Itoobiyaankaa sidoo kale ay qaadeen howgalo ay ku galeen deegaano badan oo ka agdhawaa goobihii uu dagaalkan ka dhacay ,mana aheyn markii ugu horeysay oo dagaal noocaan oo kale uu dhaco.

 

Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa samada ku sii socdey dagaalada & Weeraro gaadmada ah ee lugu qaadayo ciidamada dawladda Itoobiya & kuwa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayagoo laga dhawrayo mucaaradka dawladda Soomaaliya hirgalinta qodobadii ay ku soo saxiixeen Magaalada Jabuuti.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

quote:ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Mujaahidiinta Islaamka Soomaaliyeed.

 

quote:xoogaga mucaaradka

 

The Garowe-online journalist called the ICU "Mujaahidiinta Islaamka Soomaaliyeed" and then further on HE refers to them as, " xoogaga mucaaradka".

 

Whilst our confused friends at AllPuntland refer to the Ethiopian Troops as Dowlada Federlaka ee Soomaaliya and then in the second line, " Cidamada Ethiopia".

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this