Sign in to follow this  
sayfulaah-almasluul

this horroble and disgrcefull social unjustice had brought our existance to it's kne

Recommended Posts

I copyed this article from wwww.gabooye.com

if we do not correct our view towards small minorty group and do justice and equality in our society then we will never be succesfull in our reconceliation

 

 

U S A(Gabooye News) dhamaan ummadda soomaaliyeed waxay isku raaceen in midgaha la dulmiyay

oo la quursaday, xaqoodiina la inkiray, willina dulmigii lagu hayo. laakiin, qofna isma waydiin intuu le égyahay

dambiga loo gaystay, soomaaliduna iskuma raacin si cad in dhibta laga qaado. nasiib wanaag, afka waxay

ka sheegaan in ay ka xunyihiin dhibka gaaray midgaha, intaa waxaa dheer, ficilkoodi willi ma badalin. taasi,

waxay ka tarjumaysaa "qowda maqashii waxna ha u qaban" midguhuna kama hadláan si cad oo calool

furan dulmiga saran. waayo waxay ka baqayaan haday ka hadlaan xili gaan cakiran dulmiga saaran in loo

laba jibaaro oo soomaalidu ay cadaadiska ka sii badiso. sidaa daraadeed waxay door bideen in ay afka

xirtaan oo indhahana ka guluc guluc siiyaan . ayagoo qalbiga ka jiran "nin aan hadlin hoooyadiis qadisay" "nin

aan hadlin dhaxalkii aabihiis buu ka qadaa" sidaa awgeed baqdin ayaa asaagood ka reebtay, waxayna adoon

u yihiin quutul yoomka maalintii. waxaana ku xir xiran xarigyo aysan ishu qaban.

intaa waxaa u dheer, aamusnaatooda ayaa waxaa soomaalidu mooday in ay raali ka yihiin oo ay ku

raaxaysanayaan dulmiga lagu hayo. midguhu waxay yiraahdaan "ajji aan falaari kaa reebin kaama haro" waa

dhamaaday qarnigii falaarta , waxaa lasoosaaray hubka daran dooriga u dhaca. soomaaliduna waxay ku

maah maahdaa "nin aan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo" sharci maantay majiro, shantana qori

baa badalay. dood dheer ka dib, soomaalida iyo midgu waxay isku raaceen ama isku waafaqeen in aysan

macquul ahayn in xaqooda loo saaro miis ama lasiiyo ayagoo aamusan waayo taariikh ahaan qolo xaqeed

miis loo soo saaray majirto.qola kasta way kasbatay in xaqooda la ogolaado "nin aan shaqaysan shaah waa

ka xaaraan" "oo may hadlaan, may dagaalamaan, oo may raadsadaan xaqooda" waxaa yiraahda hadalkaan

soomaalida oo dhan. williba soomaalidu ma garanayaan waxa midgaha ka maqan, midguhuna ma

sharaxaan inta ay le'egyahay dhibta haysata. baaritaan dheer ka dib iyo markaan waraystay 3000 oo

midgaan ku waas oo da'doodu u dhaxayso 92 ilaaa 25 sano jir ah oo isugu jira ragg iyo dumar.waxaan

suáalay dhibka loo gaysatay inta uu le'egyahay iyo in iminka laga daayay. waxaa ka soo baxay natiijadaan si

gaaban shan dhib ama shan cunaqabatayn ayaa lagu hayaa . hadaadan soomaalay ogoyn, hada ogow

 

xadul qadfi wa tacdii bil cirdi

there is no identitical equality

nor moral equality

1-cirdiga ama nasabka midgaha oo lagu xadgudbo maalin kasta ama saacad kasta oo la lakulmo ama la

arko. xadgudubkaas waxaa ka mid ah cay joogta ah, quursi, qalbi jiban, takoor, xamasho, cambaareyn,

wax kasheegid xun, iyo aflagaado. taas oo caruurta soomaalidana la baro sida caqiidada in miguhu yihiin

kuwa bulsha ugu xun iyo been abuur lahu sameeyo asalka taariikhda midgaha taas oo ah "awoowgood baa

baqti cunay bari hore" sheekadana soomaalidu caruurtooda u sheegto waa "sheeko xariiro sida sheekada

dhegdheer" " the original sin of midgan" sheekadaan soomaalida ayaa qiil u samaysanaya quursiga oo waxay

sabab uga dhigayaan baqti buu cunay awoowgood marka dadka way ka hooseeyaan. markii qadafkaan loo

gaystay midgihii waxay ka carareen magacoodii oo waxay door bideen in ay sheegtaan qabaailo kale .

sidaas ayay umalayeen xal in uu yahay. uma sheeganayaan jaceyl ay u qabaan qabiiladaas kale ee waxay ka

caraarayaan ama kaga dhuumanayaan dulmiga, waayo marka magacaada laga dhigo dambiile waxaad

raadsanaysaa magic aan danbiile ahayn oo aad ku gaari kasrtid ujeedadaada dhaw. kaa soo aan la gaaga

hareyn oo lagu sheegi doono mustaqbalka dhaw. " roobku kama dhaqi karo shabeelka dhibcaha" taasi

waxaan ula jeeda " maro adan lahayn dhaxani kaama celiso" oo nikii lahaa markuu kuu yimaado ayaa

qaadan doonaa . wuxuu yiri,nin midgaan ah, " baahi baa ii gaysay in sheegto nin iga faanaya" sidaas ayay ku

dhumiyeen jiritaanka magacooda.

taxriim a-zawaaj biqayr xaq

there is no social equality

2- guurka oo ah taranka bulshada oo laga xarimay ama lagu mamnuucay ama loodiiday in guurka ay

bulshada lawadaagaan "midguhu gun weeye oo gabdheheena ma gayaan" "isma gayno"gabdhii iyo wiilkii

guursada midgaha soomaalidu way takoortaa waxayna u aqoonsataa shaqsi dhintay oo xad gudbay. waxaa

badanaa dhacda qofka oo nool in axankiisa ama tacsidiisa la dhigo waayo kuma soo noqon karo reerka uu

ka dhashay wuxuu la mid yahay sidii qof dhintay. waxayna u arkayaan in uu yahay "dayro"ama maquuno.

tani waxay abuurtay in qofkasta uu ka fogaado guurka midgaha xataa haduu jecelyahay waayo ciqaabta ka

soo gaaraysa guurkaas waa mid aan laga bixi karin. maxaa guurka loogu diiday? hadii loo ogolaado maxaa

dhacaya? sabata loogu diiday waxaa weeye hadii ay midgaha iyo soomaalidu is guursadaan ( sinaan baa

dhacaysa) waxaa dhacay xirir dhiig waxaa markaas si qasab ah u dhacaysa in lays dhexgalo taas oo dhalin

karta in ay dhib noqoto in wiil awoowe aad u tahay oo gabadhaadu dhashay uma ogolaanaysid in la caayo oo

lagu yiraahdo midgaan. waayo waxaad ka hor imaanaysa qofka caaya qabiilkuu rabo ha ahaadee taasi

waxay gaarsiinaysaa in ay bulshada la sinaan (social equality) si ayan ula simin bulshada waligood waa in la

takoora waa qanuun xeer soomaaliga ku qoran oo loo baro ilmiha markay ay dhashaan kadibna qalbigooda

buu ku qormaa sidii dhaxalkii baa jiilba jiil u gudbiyaa waxayna noqotay qanuun sidii diintii loo isticmaalo.

qatli nafsi biqayr xaq

there is no legal equality

3-dhiigooda oo la banaysto hadii ladilo magg maleh ama magg lama siiyo waxay la mid yihiin sidii xoolo la

dilay. haday wax dilaan magg lagama qaato waayo xeerka dhaqanka soomaaliga ayaa oranya in wax xeer

ah magg aan la layeelan midgaha.xeerkaas wuxuu jiraa sagaal boqol oo sano wuxuu bilowday qarnigii 12aad

ilaa maantayna waa jiraa qaas ahaa reer guurga ayaa willi ku dhaqma. hadii magg laga qaato maxaa

dhacay? hadii magg laga qaato midgaha waxaa dhacay in ay la sinaan soomaalida dhinaca xeer soomaaliga

taasina waxay dhalaysaa in ay wax dilaan oo magg bixiyaan, ayagana hadii la dilo magg baa lasiin karaa. si

taasi ayan udhicin hadii la dilo magg ma leh , haday wax dilaana magg laga ma qaadan karo. qoladii ka

qaadatana waa la ciqaabayaa waana la caayay. (legal equality) xeerka soomaaliga waa ku dulmanyihiin

midguhu. loomana sina ilaa iyo hada. " sinaanta bulshada oo ka maqan xeerka soomaaliga iyo dulmiga

midgaha lagu hayay baa sabab u noqon kara in ay bulshadu is cunto.

 

akhdi amwaal naas bil baadil

lack of economic inequality

4-xoolaha midgaha oo la dhaco markii loo baahdo waayo cid daafacada maleh. ma lahan maleeshiyo

hubaysan oo difaacda xoolohooda. tan waxay dhacaday markii soomaalidu qoryaha heshay qarnigii 14aad ka

hor lama dhici jirin midgaha. waayo ayagaa haystay hubka wax dila, markii qoryaha la soosaaray ayaa

calankoodii dhacay. midguhu waligood way shaqaysan jireen, waligood faqri bay ahaayeen, maxay ku

dhacday? walina lagama arag midgo xoolo badan leh taasi waxay ku tusaysaa in xoolohooda la dhici jiray

taasna ay sabatay in midguhu ay qani noqon waayaan. maxaa dhacaya hadii midguhu qani noqdaan oo

xoolohooda la dhicin? waxaa dhacaya in ay yeeshaan awood ay ku gadankaraan paawarka ama xukunka .

dhaqaalahu waa awood kuu masaabaxaysa in aad wax ku yeeladid awood kasta oo jirtaa waayo waxaad

isticmaali kartaa lacag taaso kuu furaysa xoriyada iyo raaxada aduunka. waayo kan baahan hadaad xoolo

siisid awooduu wax kaa siinaya. soomaalidu dhaqaalaha ayay ka caburiyeen midgaha. taasina waxay

noqotay dhibkale oo ay ka bixi waayeen. arintani waa nooc ka mid ah qaabka lo caburiyo dadka.

 

al-diqdi li kuli jaanib

lack of geo-political equality

5-qabaa'ilada ay ladagaan oo cadaadis ku hayo xaga dhulka, aqoonta, dhaqaalaha, siyaasada, aqoonsiga ka

qabiil ahaan iyo jiritaanka. maalinkasta waxaad maqashaa "midgaan ******* , midgaan ****** , midgaan

***** , midgaan dir, midgaan digil iyo mirrifle) maxay magacyadaan, tan waxa weeye midgaanku wuxuu

ladagaa qaabiilkuu la dago ayuu ku lamaan. taasi micneheedu mahan in ka midyahay ee taasi waaxaa weeye

abaan buu u yahay oo ayagaa si dadban u leh. midgaanku gobolkuu dago ma sheegan karo sidaas awgeed

waa in uu sheegtaa qabiilku la dago, waayo haduu sheegto magiciisa ka qabiil ahaan xaq buu yeelanayaa

dhulka ayuu la lahaanayaa. si uusan dhulka loogu aqoonsan waxaa lagu qasbay in ay sheegtaan qabiilkay la

dagaan. tiradoodu ma muuqato, laakiin shaqa ahaan way muuqdaan. hadii loo ogolaado dhulka inay

sheegtaan maxaa dhacay? waxaa dhacay hadii buuggaagta lagu qoro in gobolka "bari waxa daga *******

iyo madhibaan" wa waqooyi waxaa daga ***** , dir, ******* , ****** iyo gabooye waxaa dhacaysa in ay

yeeshaan cod siyaasadeed, hadii la yiraahdo xamar waxa daga ****** , darood, dir, reer xamar iyo

madhibaan waxaa dhacay in ay cod yeeshaan si aysan cod u yeelan waa in la xaqira ka qabiil ahaan. marka

loo baahdan waa in ay u dagaalamaan difaac dalka, waa in ay u dhintaa qadiyada ninka ay abaanka u yihiin.

tan waa xaqiiqda dhibka haysat midgaha dhinac kasta. waxaana u qaybiyay shan tan waa baaritaan aan

sameeyay.

maxaan kuugu sheegaya dhibtaan? waxaan rabaa in aadan oran garan maayo dhibta saran midgaha, meel

cidlaa bay ka cabanayaan. xujana in ay kugu noqoto ayaan u qoray maqaal kaan .la soco qaybta labaad oo

ah "danbigu midguhu galeen intee le"egyahay" bisha soo socota ( qoraagu waa " ali-aazhar"

Back ^^Kor igu celi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this