Sign in to follow this  
General Duke

AU troops confiscate more weapons: PICS

Recommended Posts

Muqdisho:Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo hub qabtay.

9. maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Wararka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halka lugu magacaabo khabuuraha Barakaat lugu qabtay hub fara badan,ayadoo hubkaan lasheegay in uu ahaa mid la doonayay in banaanka Magaalada looga saaro,balse ciidamada Dawlada Soomaaliya ku guuleysteen in gacanta lugu dhigo.

 

Waxaa lugu soo waramayaa in goobta hubka lugu qabtay ay gaareen masuuliyiin ka socota dawlada Soomaaliya iyo dawlada Itoobiya waxaana ka mid ah masuuliyiintaasi sida wararku sheegayaan taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) taliyaha ciidamada dawlada itoobiya ee ka jooga soomaaliya Gen.Gabre iyo Saraakiil ka socda nabad ilaaliyaasha africa.

 

Hubkaan gacanta lugu dhigay ilaa hada majiraan cid ka tirsan dawlada soomaaliya oo ka hadashay,hubkaan lama sheegin cida sida rasmigaa uleh inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay lahaayeen kooxihii dawlada kula dagaalamay Magaalada muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya.

 

Qabadashada hubkaan ayaa waxa ay ku soo aaday,ayadoo Afar labaatankii saac ee la soo dhaafay Magaalada muqdisho laga fuliyay hawlgalo amaanka wax looga qabanayo,gaar ahaan kuwo ganacsatada looga doonayay in ay gacanta dawlada ku soo wareejiyaan hubka ay ku heystaan gudaha Caasumada.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopian-ka,DFS iyo Midowga Africa oo qaybtay hub Muqdisho laga saari lahaa

 

 

(Waayaha.net)Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia-ka, kuwa dawlada iyo Midowga Africa ayaa hub ku qabtay meelo dhawr ah oo ku yaal magaalada Muqdisho hubkaas oo la doonayey in dibada laga saaro magaalada Muqdisho.

 

 

 

Madaxda Midowga Afrika, Ethiopian-ka iyo kuwa Soomaalida oo booqday goobaha hubkaasi lagu qabtay ayaa sheegay in hubkaani uu qayb ka yahay hubkii ay ku dagaallamayeen waxay ku tilmaameen haraadigii midowgii maxaakiimta islaamiga.

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid inuu booqday goobaha hubkaasi lagu qabtay oo ay ka mid tahay halka lagu magacaabo Qabuuraha Barkaad.

 

 

 

Hubkaan la qabtay ayaa qayb ka ah hub rururin xoog leh oo ka socota magaalada Muqdisho taasi oo lagu sugayo ammaanka magaalad Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

 

waayahanet@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

[Ciidamo isagu jira kuwa dowladda itoobiyaanka iyo kuwa Amisom oo Maanta gacanta ku dhigay hub yiilay qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.Wed-09-May-2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo hub qabtay

 

Wararka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halka lugu magacaabo khabuuraha Barakaat lugu qabtay hub fara badan,ayadoo hubkaan lasheegay in uu ahaa mid la doonayay in banaanka Magaalada looga saaro,balse ciidamada Dawlada Soomaaliya ku guuleysteen in gacanta lugu dhigo.

Waxaa lugu soo waramayaa in goobta hubka lugu qabtay ay gaareen masuuliyiin ka socota dawlada Soomaaliya iyo dawlada Itoobiya waxaana ka mid ah masuuliyiintaasi sida wararku sheegayaan taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) taliyaha ciidamada dawlada itoobiya ee ka jooga soomaaliya Gen.Gabre iyo Saraakiil ka socda nabad ilaaliyaasha africa.

 

Hubkaan gacanta lugu dhigay ilaa hada majiraan cid ka tirsan dawlada soomaaliya oo ka hadashay,hubkaan lama sheegin cida sida rasmigaa uleh inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay lahaayeen kooxihii dawlada kula dagaalamay Magaalada muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya.

 

 

Hubkaan ayaa isugu jirey miinada lagu qarxiyo taankiyadda oo gaaraya ilaa 106 xabo, Bamgacmeedka loo yaqaano f1 ka oo gaareysa 460 xabo iyo Baasuukayaal gaaraya 48 sabo oo ay wehliyaan rasaastooda.

 

 

Qabadashada hubkaan ayaa waxa ay ku soo aaday,ayadoo Afar labaatankii saac ee la soo dhaafay Magaalada muqdisho laga fuliyay hawlgalo amaanka wax looga qabanayo,gaar ahaan kuwo ganacsatada looga doonayay in ay gacanta dawlada ku soo wareejiyaan hubka ay ku heystaan gudaha Caasumada.

 

 

Last Updated ( Wednesday, 09 May 2007 )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paddy Ankunda “Guri ku yaala degaanka Gubta ayaan hub ka soo qabanay maanta, waxaana isticmaali jira

 

Wednesday, 09 May 2007

Ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Itoobiyaanka oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida ah ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen xaafada Gubta ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen hub fara badan kuwaasoo ku jiray goob guri wax lagu barto ah.

 

Afhayeenka ciidamada midowga Afrika Captan Paddy Ankunda oo ka hadlay howlgalkan ayaa sheegay inay gacan ku soo dhigeen hub isugu jiray Miinooyin, Bambooyin iyo madaafiicda garbaha laga gamo ee lagula dagaalamo Taangiyada, kuwaasoo uu sheegay inay iscicmaali jireen kooxihii ka horjeeday dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

“Hubaan waxaan ka soo qabanay Galbeedka degaanka Gubta, oo Iskuul ahaan loo isticmaalayay, waxaana hubkaasi naloo xaqiijiyay inay isticmaali jireen kooxihii kacdoonka ka waday Muqdisho ee ka horjeeday dowladda” ayuu yiri Ankunda oo xusay in dadka degaankaasi ay si hoose noogu soo sheegeen in gurigaasi ay yaalaan hub.

 

 

 

Ankunda ayaa waxa uu tirakoob ka bixiyay hubka ay maanta ka soo qaqbteen gurigaasi, oo kala ahaa, Miinooyinka loo yaqaano Anti-taangi oo dhan 106 xabo, 48 Baazuuke, 460 Bambooyinka gacanta laga tuuro.

 

 

 

Ankunda ayaa sidoo kale tibaaxay inay hubkan burburin doonaan, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho markii ay gacanta ku soo dhigeen hubkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ankunda ayaa waxa uu tirakoob ka bixiyay hubka ay maanta ka soo qaqbteen gurigaasi, oo kala ahaa, Miinooyinka loo yaqaano Anti-taangi oo dhan 106 xabo, 48 Baazuuke, 460 Bambooyinka gacanta laga tuuro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ankunda ayaa waxa uu tirakoob ka bixiyay hubka ay maanta ka soo qaqbteen gurigaasi, oo kala ahaa, Miinooyinka loo yaqaano Anti-taangi oo dhan 106 xabo, 48 Baazuuke, 460 Bambooyinka gacanta laga tuuro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda+Nabad-Ilaalinta AMISOM oo Maanta Hubkii Ugu Badnaa Gacanta Kusoo Dhigay Ka Dib Guri Lagu Xabaalay Oo ay Heleen.

Posted to the Web May 09, 10:36

 

MOGADISHU: Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaalliya oo ay weheliyaan Kuwa Nabad-ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, ayaa hawlgal ay maanta ka sameeyeen Deegaanka Gubta ee Magaalada Muqdisho ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan Hubkii ugu badnaa ee ay helaan.

 

 

Hubka gacanta lagu soo dhigay oo ahaa mid lagu Xabaalay guri ku yaala Xaafadda Mahad-Alle ayaa waxa uu isugu jiray 460-Bam noocyada F1-ta loo yaqaano, 106-Miino Anti Tangi ah iyo 48- qori oo Baasuuke ah rasaastoodana wata.

 

 

Afhayeenka AMISOM Cap. Paddy Akunda Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), iyo saraakiil Ethiopian-ah ayaa hadalo ka jeediyey goobta hubka laga helay.

 

 

"Ciddii Gurigeeda Hub lagu arko oo ku qarsata waa lagala wareegayaa Guriga, tallaabo sharciga waafaqsann ayaana laga qaadayaa" sidaana waxaa yiri Gen. Qeybdiid .

 

 

Gen. Qeybdiid ayaa ku booriyay shacabka reer Muqdisho in ay la shaqeeyaan dowladda KMG ah sidii ay gacanta ugu dhigi la heyd hubka yaala Magaalada si loo soo sugo amaanka Caasimadda.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Nice development, atlast the city is getting cleared up, one of the worst neglected cities in the world .... takes much time and energy to restore the old days of Mogadishu...

 

I can't believe that much weaponry found in just one house... Acuudu Billaah, Waa ciidan dhan hubkiis you can take a city like Mosul with that number guns, bombs and RPGs...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Not to mention the gun market, it took loads of trucks to haul out all that weaponry. The mines are the biggest problem for the security forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this