Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops take over more government areas in Mogadishu..

Recommended Posts

MUQDISHO: Ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka oo fariisin ka dhigtay Wasaaraddii Gaashaandhigga Somalia

 

Posted to the Web Feb 16, 17:38

 

 

Muqdisho (PP) - Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidammo Ethiopian ah ayaa galabta fariisin cusub ka sameystay wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, halkaasoo ay haatan ku sugan yihiin.

 

Markii ay galabta soo dageen halkaas ayaa waxay ku dileen ruux qori watay oo ay ka shakiyeen iyadoo sidoo kale la sheegay inay rasaastii xoogga badnayd ku dhacday haweeney iyadana goobta maraysay, waxaana dhaawac ay rasaastaas u geystay hal qof oo kale.

 

Ciidammada fariisinka ka sameystay Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga ayaa waxaa la hadal hayay labadii maalmood ee la soo dhaafay inay fariisin ka sameysanayaan xarumaha dowladda sida wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, waxaana sidoo kale ay isla galabta fariisin ka dhigteen kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

 

Sidoo kale waxay ciidammo kale oo aad u xoog badan watana gawaarida dagaalka iyo dabaabado u gudbeen dhanka Isbartiibadii hore ee Istadium Muqdisho halkaasoo la sheegay inay ka sameysanayaan fariisin kale oo cusub.

 

Ciidammada Ethiopian-ka iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay toddobaadkan horraantiisa ka dhigteen fariisin cusub Isbitaalkii Digfeer oo ay hadda daggan, yihiin, waxaana madaafiic lagu tuuray shalay halkaas ay dhaliyeen khasaaro xoog badan markii ay ka bixiyeen jawaab kulul oo madaafiic ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo Ethiopian iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo fariisin cusub ka sameystay wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 16/02/07

 

Ciidammo Ethiopian ah oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa maanta saldhig cusub ka dhigtay wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga oo ku taallada Degmada Hodan ee Magalaada Muqdisho.

 

Halkaas ayaa markii ay soo dageen waxay waxyeello ugu geysteen sida la sheegay saddex qof iyagoo laba ka mid ah dilay, halka ay ka dhaawac u geysteen mid ka mid ah saddex qof, waxaana labada qof ee dhintay mid ka mid ah ay ahyad haweeney socoto ah.

 

 

 

 

Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga ayaa waxaa la hadal hayay labadii maalmood ee la soo dhaafay inay fariisin ka sameysanayaan xarumaha dowladda sida wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, waxaana sidoo kale ay isla galabta fariisin ka dhigteen kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

 

Horay ayay saldhigyo yaryar uga sameysteen ciidammadaan qaybo ay ka mid yihiin Isbitaalkii hore ee Digfeer iyo Isbitaalkii xoogga, waxaana lagu wadaa inay goobo kale fariisin ka dhigtaan maalmaha soo socda.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.co

Tel:002521-5573321

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Ciidammo Ethiopian iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo fariisin cusub ka sameystay wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga

This sounds like they are setting up a Green Zone in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

You are supporting a traitor government that support the annextion of Somalia to Ethiopia. You have no pride. Writring your fantasy posts about a 'government' that no one supports. Shame on you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^How many times do we have to go over this? For god sakes...How can you say this Government has no support. First and for most it has support from the international community that is why international troops are being send there to help and support the TFG. And secondly Puntland, Jubaland Bay, Bakool, Hiiraan, Gedo, and ever other region in Somalia other than Somaliland it has full support from.

 

Next time you want to talk non-sense first do your homework.................

 

Viva TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

This has to be the most idiocy I have read, ''international community''. Who cares about those international community. They don't care one bit about the country. Same for any other country. What is important, is legitimacy by the people. This is a criminal group put in place on top of the people. A group that wants to hand Somalia on a plate to Ethiopia and is working on it as we speak.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^IF thats what your clan wants you to believe than be it.

 

This Government has legitimacy from the Somalian people. Puntland=1/3 of Somalia/population 4 million

Hiiraan,Gedo,Jubaland,Bay, Bakool,Galguduud, Shabeellaha Dhexe,Shabeellaha Hoose,Jubbada Dhexe,Banaadir,Sool,Sanaag.

 

15 out of the 18 region is under it's control and has support from.

Share this post


Link to post
Share on other sites

PeaceNowThe traitors are those who held the people hostage using clan arguments, torched Mogadishu and then changed shirts and used the religion to maintain their coal trading and illegal cartels. Saxib the game si up.

 

Taliban The TFG is not setting a green line it controls most of the city, and is taking over straregic governemnts instillations.

 

Ta

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

General Duke:

Ciidammo Ethiopian ah oo ay wehliyaan kuwa
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta saldhig cusub ka dhigtay wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga oo ku taallada Degmada Hodan ee Magalaada Muqdisho.

Are they officially the "TFG troops" these days? TFG (Tigray Federal Government)?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The secesionist suprise is more evident as the days pass.. The TFG troops are now at every entrance to Mogadishu and have expanded throught the city..

 

Wadooyinka soo galo Magaalada Muqdisho oo caawa la xeray ka dib markii Ciidamo isku dhaf ah la dhigay

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 17/02/07

 

Ku xigeenka duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Nabadgalyada iyo Siyaasada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa sheegay in dhamaan wadooyinka soo galo Magaalada Muqdisho la geeyey ciidamo si loo koontaroolo amaanka Magaalada Muqdisho.

Shaaweeye waxa uu sheegay Wadada dheer ee aada Gobalada dhexe ee Balcad iyo Muqdisho, in ciidan la dhigay, sidoo kale wada dheer ee baydhaba iyo Muqdisho nawaaxiga Siinka dheer Ciidan la geeyey, sidoo kale Wadada marta Dhinaca Xeebta ee Muqdisho iyo Hobyo gaar ahaan Galgalato la dhigay Ciidan, waxa uuna sheegay sidoo kale in la geyn doono ciidamo kale wada xeebta ah ee gasha Degmada Marka ee Gendershe.

 

 

 

 

Qorshaha ciidamada lagu geynayo Goobahaasi ayuu shaaweeye ku tilmaamay in ay la xiriirto xaqiijinta amaanka guud ee Magaalada Muqdishi, iyada oo la ogaanayo cida dhibaatada wada ee Magaalada soo galeyso iyo ka baxeyso intaba.

 

Kuxigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Nabadgalyada Ibraahim Shaaweey waxa uu sheegay Mudooyinkan magaalada Muqdisho in xaaladeed amaan ay xumeyd, sidaasi daraadeed waxa uu sheegay in haatan wixi ka dambeeyo loo howlgalayo sidii talaabo loo qaadi lahaa.

 

Falalka amaandarada ah ee wata Qaraxyada ayaa mudooyinka si weyn ugu soo batay Magaalada Muqdisho taa soo keentay dad badan in ay isaga qaxaan magaalada Muqdisho cabsi darteed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^"YES" or "NO" would've been enough, collaborator. ;)

 

Qorshaha ciidamada lagu geynayo Goobahaasi ayuu shaaweeye ku tilmaamay in ay la xiriirto xaqiijinta amaanka guud ee Magaalada Muqdishi, iyada oo la ogaanayo cida
dhibaatada
wada ee Magaalada soo galeyso iyo ka baxeyso intaba.

Dhibaato, what dhibaato? Is that what the Irish used to call "the troubles"?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, I do not answer to a sad secesionist who's dreams of recognition has coem to naught and who's entity could not even control the ares it claims. Saxib Somalia is back, under Yusuf Yey, you have to live with that...

 

Also was there not more deaths this past week between your cubclans in some village than in the streets of Mogadishu?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyinka deegaanka Siinaay oo bilaabay roondooyin dheraad ah si uga hortagaan falalka kooxaha qaran-diidku wadaan

 

Muqdisho Sabti 17 Febr 2007 Maleeshiyooyinka deegaanka Siinaay ayaa bilaabay howlgalo dheeraad ah oo ay qaab roondeyn ah ugu marayaan qaar ka mid ah waddooyinka degmooyinka

 

Muqdisho Sabti 17 Febr 2007 Maleeshiyooyinka deegaanka Siinaay ayaa bilaabay howlgalo dheeraad ah oo ay qaab roondeyn ah ugu marayaan qaar ka mid ah waddooyinka degmooyinka Boondheere, Wardhiigley iyo qeybo ka mid ah Yaaqshiid, iyadoo ujeedaduna ay tahay inay ka hortagaan weerar hoobiyeyaal loo adeegsado oo ay suuragal tahay kooxaha qaran-diidka inay degaanadaasi ka tuuraan.

 

Taliyaha maleeshiyooyinka degaanka Siinaay oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Sabriye (Ger-jeex) ayaa sheegay inay xireen wadooyinka u dhaxeeya isgoysyada Siinaay, Florenza, Afarta Jardiino Boondheere ilaa iyo Iskuulka 15-ka May, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo ay kaga hortegayaan isku dayga kooxaha qaran-diidka ay ku doonayaan inay gantaalo ku weeraraan xarunta Villa Somalia.

 

"Waxaan dadweynaha u sheegeynaa in wixii ka dambeeya laba saac habeenkii uu ku eg yahay isu socodka gaadiidka, socodka dadkana waxa uu ku eg yahay saddex saac habeenkii, wixii muddooyinkaasi ka dambeeyana waxaanu cod dheer ku sheegeynaa inaan xabsiga u taxaabi doono cidii amarka qaadan weysa" ayuu yiri Taliye Ger –jeex oo Saxaafadda kula hadlay xaruntiisa.

 

Maleeshiyooyinkan ayaa saddex habeen kahor waxay gacanta ku dhigeen laba Hoobiye oo kooxaha qaran-diidka ay soo dhigteen inta u dhaxeysa Isgoyska Florenza ilaa dugsiga 15-ka May, halkaasoo ay doonayeen inay gantaalo kaga tuuraan xarunta Madaxtooyada, hase ahaatee waala kala ceyriyay, hubkoodiina gacanta ayaa lagu dhigay.

 

Dadweynaha degan xaafadaha ay maleeshiyooyinka howlgalada roondada ah ka sameeyaan ayaa si aad ah u soo dhoweeyay arrintan oo ay sheegeen inay ka fogeyneyso dhibaato ka soo gaari lahayd gantaalaha ay kooxaha qaran-diidku tuuraan iyo rasaas isweydaarsiga dhex mari kara iyaga iyo ciidanka ammaanka.

 

Xasfiiska war qabadka shabakaadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by raadamiir:

Puntland=1/3 of Somalia/population 4 million

Warya why are you misleading people , it is Puntland = 2/3 of Somali population.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^SYL, Puntland is 1/3 of Somalia and the population figure is estimated to be at 2.5 million, bossaso alone has more than 500,000 population. Things has changed sir,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this