Sign in to follow this  
Hibo

Al-itixaad iyo SRRC Kumaa ah Argagixiso?

Recommended Posts

Hibo   

Burburkii taliskii Siyaad Barre kadib waxaa soo ifbaxay ururo fara badan isuguna jiray kuwo diimeed sida Al-itixaad iyo Al-islaax iyo kuwo siyaasadeed sida USC,SSDF, SNF iyo RRA haatan ku bahoobay isbaheysiga SRRC.

Sanadihii xigay burburkii taliskii Ina Siyaad waxaa muuqday loolan xoog leh oo ay ururada siyaasadeed iyo kuwa diimeedba ugu jireen gacan ku dhiga hogaanka wadanka.

Shir nabadeedkii u horeeyey ee lagu qabtay Jabuuti laguna doortay in Cali Mahdi Maxamed noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa markiiba ku gacan seyray hogaamiyihii ururka USC Gen. Maxamed Faarax Caydiid weeraro ba'ana ku qaaday waqooyiga Muqdisho oo uu ka talinayey Cali Mahdi iyo weliba koofurta iyo Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

Isla sanadkaas ayaa ciidamada ururka SNF weeraro ku qaadeen gobolada Bay iyo Bakool halkaasoo ay ku gumaadeen shacan aan waxba galabsan, bililiqeysteena hantidii shacabkaas, taasoo sababtay in kumanaan qof u dhintaan macaluul, kumanaan kalena ku sigtaan iney raacaan, nasiib wanaag beesha caalamka ayaa soo dirtay cunto ay weheliyeen ciidamo shisheeye taasoo badbaadisay shacabka gobolkaas.

 

Ururka Al-itixaad wuxuu dhankiisa kaga jiray loolankii siyaasadeed, wuxuu saldhigyo ciidan ku lahaa gobolka shabeelada hoose taasoo cabsi weyn ku abuurtay hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ka jiray, sababtayna in ugu dambeyntii lakala diro ciidamadii u daacada ahaa ururka. In badan oo kamid ahaa ciidamadaas ayaa waxey ku laabteen gobolada waqooyi bari oo ay qabiil ahaan ku abtirsadaan. Badiba ciidamadii u daacada ahaa ururka Itixaad waxey ahaayeen dhalinyaro da'yar lagana dhaahdiciyey fikrada ah "ITIXAAD KELIYA" taasoo ah in qofkii aan taageersaneyn ururka qaldan yahay.

 

Ma dheereyn markii ay madaxa is dareen ciidamo uu watey Cabdulahi Yusuf iyo kuwo daacad u ahaa ururka Itixaad. halkaasoo ciidamadii duulaanka ahaa ee uu watey Cabdullahi Yusuf ku gumaadeeb boqolaal dhalinyaro aad u da'yar, fikrad weyna aan ka heysan loolankii siyaasadeed ee meesha ka socday una dhexeeyey ruug cadaa SSDF ah iyo hogaamiyeyal Itixaad xukun doon ah saldhigooduna ahaa UAE, Jabuuti iyo Kenya.

 

Sanadkii 1996 ayaa dowlada xabshidu weerer balaaran kusoo qaaday gobolka Gedo, waxaa ciidamada xabashida horkacayey Cumar Xaaji Masale, ciidamadaasoo ku gumaaday halkaas boqolaal qof oo rayid ah kuna barakiciyey kumanaan qofood kale. Ciidamada xabashidu weli ma joojin weeraradaas waayo markey u baahdaan iney argagax ka dhaliyaan cariga Soomaaliya xadka unbey kasoo talaabaan.

 

Sidoo kale bartamihii iyo dhamaadkii sanadkii ina dhaafay ayaa ciidamo uu wato Cabdullahi Yusuf isuguna jiray Xabashi iyo Soomaali weeraro ku qaadeen gobolada Nugaal iyo Garoowe, halkaasoo ay ku laayeen shacab masaakiin ah una badnaa dumar iyo caruur. Cabdullahi Yusuf oo taageero ka heysta dowlada xabashida ayaa ilaa iminka argagax ku haya shacabka gobolkaas Puntland.

 

Ku dhawaaqii dowladii CARTA kadib, waxey dowlada xabashidu aasaastay ururka la magac baxay SRRC (Somali receonciliation and Restoration Council) kaasoo ay ku bahoobeen hogaamiye kooxeedyo ay kanid yihiin Xuseen Caydiid, Cabdullahi Yusuf, Shaati Guduud iyo kuwo kale oo fara badan.

 

Madaxda ururka SRRC waxaa saldhig u ah magaalada Adis Ababa halkaasoo ay ka talo, tusaale iyo amarba qaataan ra'iisul wasaaraha dowlada xabashida Melez Zenawi.

 

Qaraxyadii ka dhacay rugta ganacsiga aduunka iyo goobo kale oo ka tirsan cariga mareykanka laguna eedeeyey inuu ka dambeeyey ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo Usaama bin laden dabadii, waxey dowlada xabashidu sheegtay in dowlada Cabdiqaasim xiriir la leedahay ururka Al-qaacida, dowlada itoobiya oo ka faa'ideysaneysa fursadan dahabiga ayaa sheegtay iney weerer mileteri ku qaadi doonto cariga Soomaaliya hadii dowlada Mareykanku ku taagereyso arintaas, si ay u bur buriso waxey ugu yeereen argagixiso ka jirta gudaha Soomaaliya iyo saldhigyo ururka Al-Qaacida ku leeyahay halkaa, balse dowlada mareykanku wey ku gacan seyrtay fikrada xabashida.

 

Dowladaha jaarka la ah Soomaaliya sida kenya, Jabuuti, Suudaan iyo dowlada Cabdiqaasimba waxey sheegeen inaaney haba yaraatee wax argagixiso ah ka jirin gudaha Soomaaliya, dhankoodana ururka SRRC waxey sheegeen in ururka Al-Qaacida saldhigyo mileteri ku leeyahay gudaha Soomaaliya. Xuseen Caydiid ayaa bishii hore bilowgeedii u sheegay saxaafad caalamka in ay Soomaaliya soo galayaan argagixiso kasoo carartay Afgaanistaan, sidoo kalena shir jaraa'id ay Xuseen caydiid, Aadan Gabyow iyo Shaati Guduud usbuucii tegey ku qabteen magaalada Adis Ababa ayaa waxey ku sheegeen in ay Soomaaliya ka jiraan saldhigyo ay leeyihiin ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo ninka mareykanku sida aadka ah u doonayo ee Usaama Bin Laden. Waxey sheegeen in ururka Itixaad xiriir weyn la leeyahay ururka Al-qaacida. Sidoo kalena waxey dowlada mareykanka ka codsadeen iney weerer mileteri kusoo qaado cariga Soomalaiya. Waxey kaloo ka codsadeen dowlada mareykanka iney ku caawiso ururkooda SRRC saanad mileteri i!

yo

mid maaliyadeed si ay u cayaaraan doorkii Isbaheysiga Waqooyi (Northern Alliance) uga ciyaareen bur burintii xukuumadii Dhaalibaan (Taliban) ee Afgaanistaan.

 

Horay looma arag loomana maqal hogaamiyeyaal codsanaya in cadow shisheeye weeraro shacabkooda, waxaase taas kasii yaab badan in hogaamiyeyaashanu xisaabta ku darin cida ay xukumi doonaan hadii Mareykanku weeraro gumaadana shacabka Soomaaliyeed maadaama hogaamiyeyaashanu yihiin kuwo haraad ba'an u qaba hogaanka Soomalaiya.

 

Umada Soomaaliyeed yar iyo weynba waxey ka warqabaan in ururka Itixaad aanu wax saldhigyo mileteri ah ku laheyn Soomaaliya, isla markaana aan la arag firfircooni siyaasadeed uu ururku lahaa dhowaanahan, dhanka kalena ururka SRRC wuxuu cadeeyey baahida uu u qabo in ciidamo shisheeyey soo galaan gudaha Soomaaliya, gumaadaana shacabka Soomaaliyeed aan nabad arag 12kii sano ee lasoo dhaafay ayna dilootay gaajo, cuduro iyo amaan daro.

 

hadaba su'aashu waxey tahay ITIXAAD IYO SRRC KUMAA AH ARGAGIXISO?

 

Jawaabta su'aashaasi ma aha mid dheer laga doonayo, waxaana shaki ku jirin in ururka SRRC yahay midka argagixisada ah maadaama hogaanka ururkaas doonayayaan in shacabka Soomaaliyeed noqdo mid maalin dowlada xabashidu gumaado, malainta xigtana mareykanku cirka ka duqeeyo, maalinta sadexaadna ay iyagu gowracaan inta ka hartay shacabka Soomaaliyeed.

 

Mohamud Yusuf Garre

yusuf22@lycos.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this