Sign in to follow this  
Garyaqaan2

XIISADA HARGEEYSA OO KACSAN

Recommended Posts

Xiisad ka taagan Hargeysa, kadib markii la dilay laba nin oo ay isku heyb yihiin wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland

Hargeysa

 

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka la baxay Somaliland, ayaa waxey sheegayaan in halkaasi lagu dilay laba nin oo ay isku heyb yihiin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cusmaan, waxaana la sheegay in dilkaasi uu geystay askari ka tirsan booliska Somaliland kaasoo lagu xiray xabsiga dhexe.

 

 

Dad careysan oo reer Hargeysa ah ayaa ku xoomay isbitalka Hargeysa halkaasoo la dhigay meydadka labadii Marxuum, kuwaasoo shalay lagu aasay magaaladaasi.

 

 

Sababta keentay dilka nimankaasi ayaa la sheegay in ay la xiriirto kadib markii ay isku dayeen in ay dhistaan dhul sharci darro ah oo ay ku baaqday wasaarada howlaha guud ee maamulkaasi in aan la dhisan karin, iyadoo dhinaca kalena wararku sheegayaan in dilka nimankaasi uu ka dambeeyey mid ka mid ah ilaalada wasiirka howlaha guud & guriyeynta maamulka Somaliland Siciid Shirwac

wararka qaar ayaa waxeey sheegayaan in xaalada hargeeysa ee hada faraku jirin.

wixii faah faahin oo dheerad ah waan idinla soo socod siin doonaa

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

 

webmaster@dayniile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this