Sign in to follow this  
Maaddeey

Alshabaab oo Dhuusomareeb kaabiga u saaran

Recommended Posts

Maaddeey   

Warka naga soo gaaraya Gobollada dhexe ayaa waxay sheegayaan in Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ay meel 5 km u jirta Dhuusamareeb joogaan, dhawaqa rasaastana laga maqlayo gudaha magaalada, Mujaahidiinta oo uu hoggaaminayo Waaliga wilaayada Galgaduud & Mudug ayaa wacad ku maray iney salaadaha maghribka & cishaha oo jamcu ta'khiir ah ku tukan doonaan Dhuusomareeb.

 

Wixii faahfaahin kala soco thread-kan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

“Heads will roll” ~ Youths Telegraph

“Ancestors will be turning in their graves” ~ Ahlu Sun

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhuusa-Mareeb(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey oo APL ka soo gaaraya gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaano aan wax badan ka fogeyn magaalo Madaxda gobalka Galguduud ee Dhuusa-Mareeb, iyadoo ay dagaaladi udhaxeeyaan Xarakada Al- Shabaab iyo Ahlu Suna.

 

Dagaalada oo kadhacay deegaanka lugu magacaaba Ceel-Bulacle, oo masaafo dhan 40 KM,uyira magaalo Madaxda gobalka Galguduud, waxaana dagaaladu ay kadambeeyeen markii ay kooxda Ahlu Suna ciidan udirtay deegaankaas, balse ay ku soo baxeen Xarakada Al- Shabaab.

 

Inta la og yahay dhimashada dagaaladii ugu dambeeyey ee kadhacay Galguduud ay sababeen ayaa kor udhaafaya 25 ruux, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo laga helayo dadka deegaanadaasi.

 

Xubno ka tirsan Shabaabul Muajaahidiin ayaa sheegay in ay qabsadeen deegaankaasi,isla markaasna ujeedadu ahayd sidii ay deegaankaas ay uga celin lahaayeen ciidan loo soo diray, iyagoo sheegay in ay hada hayaan deegaankaas oo gacantooda ku jiro, ayna doonayaan in ay gobalkaas kahirgaliyaan Shareecada Islaamka.

 

Ahlu Suna ayaa dhankeeda sheegtay in ay ku howlan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd xaaladaha culus ee kaga soo habsaday gobalka Galguduud oo ahaa mesha kaliya ee ay kooxdaas maamuleysay, heshiisna ay kula gashay dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Dagaalada Galguduud ayaa maalmihii ugu dambeeyey soo kordhayay, waxaana la xaqiijiyey in ay socdaan qorshayaal dagaal oo adag oo ka socda Galguduud, oo ay hormuud ka yihiin Xarakada Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo Kooxda Ahlu Suna oo taageero kahalayso dhinacyo kala gedisan oo ay ugu horeeyaan dawladda KMG ah.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War Deg Deg ah: Dagaalkii Bulacle oo soo gaba gaboobay iyo Jabkii ugu cuslaa oo gaaray maleeshiyaadkii Kooxda Ahlusuna labaxday (Xog Rasmi ah).

Wednesday, 21 April 2010 16:38 administrator Waxaa goordhaw oo galabta ah soo gaba gaboobay dagaal culus oo maanta duhurkii duleedka magaalada Dhuusamareeb ku dhaxmaray xoogaga Mujaahidiinta Al Shabaab iyo maleeshiyaad Qabuuriyiin Mushrikiin ah.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Xaraakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMeMo soo gaarsiiyay in si daran loo jebiyay maleeshiyaadkii Qabuura galeenka oo maanta ku duulay tuulooyin ay deganyihiin qabaa'ilo muslimiin ah oo taageersan Mujaahidiinta.

 

Kadib dagaal sedax afle ahaa oo socday muddo 3 saacadood ah ayay ku halaagsameen maleeshiyadii kooxda Ahlusuna sheegata, xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo qabaa'ilada dega Bulacle oo iskaashanaya ayaa la soo sheegayaa in ay Jilbaha ulaabeen duulaan kaga yimid dhanka DHuusamareeb.

 

SomaliMeMo waxay akhristayaasheeda u soo gudbinaysaa goordhaw Inshaa Allaah cadadka hubka iyo gaadiidka faraha badan ee lagala wareegay maleeshiyaadka kooxda Ahlusuna sheegata.

 

Taliska ciidanka Melleteriga Al Shabaab ayaa noo sheegay in ay ku mashquulsanyihiin aruurinta maydadka kooxda Ahlusuna sheegata oo ay si daran u gumaadeen dadka deegaanka iyo ciidanka Mujaahidiinta Al Shabaab oo is kaashanaya.

 

Dagaalkii Bulacle oo galabta soo dhamaaday ayaa la soo sheegayaa in goobta ay yaalaan gaadiid dagaal oo gubtay iyo kuwa kale oo ay kooxihii weerarka soo qaaday ka carareen.

 

Dhacdooyinka yaabka leh ee Bulacle lagu arkay waxaa ka mid ahaa in xoogag beelaha halkaasi dega ay soo dagaal geliyeen Fardo waxaana la arkayay dhalinyaro ku dagaalamaysa Fardo iyo Baqlo.

 

Goordhaw filo cadadka maydadka iyo gaadiidka dagaal ee lagala wareegay Mushrikinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this